AMISOM oo maanta Howlgal guud ka sameysay Garoonka Aadan Cadde

1″ April “2022′ Muqdisho

Ciidamada AMISOM ayaa maanta howlgal guud ka sameeyay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, ka dib weerarkii ay dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ka fuliyeen meel u dhaw garoonka.

Ciidamada ayaa baarayay qeybaha kala duwan ee Garoonka sida goobaha laga soo galo, halka dadka lagu hubiyo, terminaalka iyo xarrumo kale. Saraakiisha Ciidamada AMISOM ayaana weli faah-faahin ka bixin howlgalka ay sameeyeen.

Dhammaan Shaqaalaha Garoonka ayaa lagu wargaliyay in Baaritaan maanta lagu sameeyay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana kaliya loo oggalaa in ay gudaha u galaan dadka Shacabka ee wata Ticket.

Baaritaankan ayaana ku soo aadaya xilli laba dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen meel u dhow garoonka Aadan Cadde, dhacdadaasi oo ay ku dhinteen dad ku dhow toban ruux oo isugu jira Askar iyo Saraakiil.