AMISOM oo sheegtay In Ay maxkamad soo taagayso Askartii dadka Rayid Ah ku dishay deegaanka Golweyn

Friday ” 22″ October ” 2021 ” Muqdisho

Howlgalka Midowga Afrika AMISOM ayaa sheegay in la maxkamadeynayo Ciidanka Uganda ee dadka rayidka ah ku dilay Deegaanka Golweyn Gobolka Shabeelaha Hoose 10-ka August 2021.

Qoraal ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in askarta falka geysatay lagu maxkamadeyn doono gudaha dalka Soomaaliya caddalaadana la marin doono.

AMISOM ayaa waxa kale oo ay qoralka ku sheegtay in Guddi ay u xilsaartay kiiskaan uu soo gunaanaday baaristooda ayna ku ogaadeen in dilkaas ay ka dambeeyeen ciidamada Uganda.

Leave a Reply