Sida ay Raysilwasaare Rooble u walaac galisay Argagixiso sii xoogeeysaneeysa, Amni dayacan Iyo Askar ku milantay siyaasada

23″ February “2022 ” Muqdisho

Amniga dayacan ee somalia waxa uu walaac galiyay raysilwasaare rooble oo壯陽藥 bilaabay isku day uu ku doonayo in uu kula hadlo taliyaal aan ka amar qaadan hayaddaha amaanka xukuumada xilgaarsiinta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey shirka Amniga Qaran oo looga hadlayay xooninta amniga Dalka, la dagaalanka Argagaxisada , dardargelinta sugidda amniga Muqdisho iyo adkaynta amniga Doorashada.

Shirka oo ay ka soo qayb galeen Hay’adaha Amniga iyo Taliska Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la isku dhaafsaday aragtiyo lagu xoojinayo amniga dalka iyo howlgallada lagu baacsanayo kooxaha argagixisada ah.

Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa faray hay’adaha amniga in ay xil gaar ah iska saaran sugida amniga caasimadda oo lagu qaban doono doorashadda Guddoonka barlamaanka iyo Madaxweynaha J.F Soomaaliya.

Eng. Rooble ayaa ku boggaadiyey hay’adaha amniga iyo Taliska AMISOM dadaalada ay wadaan ee lagu ciribtirayo kooxaha dhibaatada ku haya bulshada Soomaaliyeed, waxuna ku adkeeyey in la sii wado howlgallada xoreynta goobaha ay ku sugan yihiin argagixisadu

Leave a Reply