
Somalia sanadka sii dhamaanaya ee 2024-ta waxay ku soo gabagabaysay Iyadoo difaacatay midnimada Joqoraafigeeda dhuleed, Itoobiyana ku dhajisay Nabar weeyn oo mar kasta qolofta laga qaadi karo
Ixtiraamka iyo ka go’naanta midba midka kale ilaalinta madax-banaanidiisa, midnimadiisa iyo wadajirkiisa dhuleed,” waxa uu ahaa furaha isu soo dhaweeyay Somalia Iyo Itoobiya ee sababay heshiiskii uu garwadeenka ka ahaa hogaamiyaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud ayaa hadalo uu ku sagootinayo Itoobiya ka yiri shirkii Ankara ooy isku gacan qaadeen Reysilwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed maalmo ka hor intii aysan SOOMAALIYA🇸🇴 soo afjarin 20 sano oo Itoobiya ay joogitaan aan la jecleyn ku laheyd dalkeena.
➡️Itoobiya hadii aysan xuduudeeda ku ekaan Somalia way u sahlan tahay inay si degdeg ah u tiraahdo waxaa jabay bayaankii Ankara

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku dhawaaqday Itoobiya In aysan ka mid ahaan doonin howlgalka cusub ee AUSSOM xili golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu Isku raacay in la shaqo-geliyo Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika
Isafgaradkii laga laabtay ee Abiy uu la galay Gooni-u-goosadka gobolka Waqooyiga Somalia ee Somaliland ayaa u gogol xaaray
Ka mid noqoshada Masar ee howlgalkan cusub ee AUSSOM
Inkastoo Bayaankii Ankara uu ahaa horumarka xal diblomaasiyadeed oo muhiim u ah, geeska Afrika hadana Somalia waxay ku dhaganaan doontaa bayaankaas oo dhowritaan iyo ilaalin weeyn siinaya wadajirkeeda dhuleed
Webmaster Dheeho.com Elmi Osman Farah Boodhari
