4- November-2023
Sabtidii, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa muujiyay dareenkiisa “argagaxa” ee ku aaddan weerarka ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen kolonyo ambalaas ah oo ku sugnaa Gaza Jimcihii, isagoo ku nuuxnuuxsaday in khilaafka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas ” ay qasab tahay in uu joogsado”.
“Sawirada maydadka oo daadsan dariiqa ku hor-yaala cisbitaalka waa kuwo qalbi jab leh,” ayuu Guterres ku yiri hadal uu soo saaray.
Duqeyntii Jimcihii lala beegsaday gaari Ambalaas ah oo hor taagnaa Isbitaalka Al-Shifa ayaa waxaa ku dhintay 15 qof, waxaana ku dhaawacmay 60 kale, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Xamaas.
Dhankeeda, Hay’adda Bisha Cas ee Falastiin ayaa bayaan ay soo dhigtay Facebook ku sheegtay, “Ambalaasta oo hoggaaminaysay kolonyada ayaa si toos ah loo la beegsaday gantaal, taasoo keentay in si toos ah loo duqeeyo, iyo sidoo kale shaqaalihii saarnaa iyo kuwa ku dhaawacmay.
Dagaalkii Qaza: Machad dhaqameed Faransiis ah oo ay Israa’iil duqeysay, Faransiiskuna wuxuu dalbaday sharraxaad degdeg ah
Dowladda Faransiiska ayaa sharraxaad ka dalbatay Israa’iil kadib markii machad dhaqameed Faransiisku ku leeyahay Qaza lagu duqeeyay duqeymaha Israa’iil.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Faransiiska ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay ka codsatay maamulka Israa’iil inay na siiyaan “sida ugu dhaqsiyaha badan, iyada oo loo marayo hab ku habboon, oo leh waxyaabo la taaban karo oo keenay go’aankan ah in la weeraro gobtaas.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska Catherine Colonna ayaa hadal ay siisay warbaahinta Faransiiska oo ku sugan caasimadda Nigeria ee Abuja waxay ku tiri “Weerarku waxa uu sare u qaaday yaab iyo faham la’aan”.
Waxay ku dartay, “Sidee machad dhaqameed Faransiis ah u noqon karaa bartilmaameedka weerarrada Israel?”
Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay, “Waxaan ku hawlannahay wada-hadallo aan la yeelanayno saaxiibadayada Israel oo heerar kala duwan ah.
Waxay sharaxday in machadku ay ka maqnaayeen shaqaalaha ama muwaadiniin Faransiiska u dhashay markii la beegsanayay.
Tirada wariyayaasha ku dhintay Gaza oo korodhay
Saxafiyiinta soo tebiya duqeynta Marinka, dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamas ayaa ah kii ugu halista badnaa uguna dhimashada badnaa tan iyo markii Guddiga Difaaca Saxafiyiinta ay bilaabeen diiwaan gelinta dilalka saxafiyiinta 1992-kii.壯陽藥 p>
Baaritaano ay sameeyeen Guddiga Difaaca Saxafiyiinta 3-dii Nofembar ayaa muujiyay in ugu yaraan 36 wariye iyo shaqaale warbaahin ah la dilay tan iyo markii uu dagaalku billowday 7-dii Oktoobar.
Khasaare nafeed waxa weheliya hagardaamo, xarig, iyo caqabado kale oo hortaagan saxafiyiinta ka howlagala Gaza, Daanta Galbeed, iyo Israel. Taas waxa u dheer in la beegsado qoysaskooda iyo guryahooda.