Mareykanka oo xoojiyay taageeradiisa Somalia

17- January-2024″

Aqalka Cad ayaa u arka walaac amni qaran ah is-afgaradkii dhawaan dhex maray Somaliland iyo Itoobiya, sidaas waxaa sheegay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Mareykanka Talaadadii. Laakiin khubaradu waxay su’aal galiyeen sida ay uga go’an tahay Washington iyo awoodda ay u leedahay inay dejiso xiisadda gobolka ee kacsan Dheeho News Every Day

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in ay ururada iyo wadamada ay bah wadaagta yihiin kala shaqeyneyso sidii loo burin lahaa heshiiska sharci darada ah ee dowlada Itoobiya ay la gashay maamulka gobolada waqooyi ee Soomaaliya {Somaliland}

Madaxa warfaafinta gudiga amniga Qaranka Mareykanka John Kirby ayaa tilmaamay sida marar badan ay ku celceliyeen in dowlada Mareykanku taageersan yahay madax banaanida iyo qarnimada dhuleed ee Soomaaliya ayna tahay in la xushmeeyo.

Agaasimaha ayaa sheegay in heshiiska uu carqalad ku yahay dagaalka ay Soomaalida, Afrikaanka iyo saaxiibada caalamiga ah ee gobolka ay kula jiraan khawaarijta.

“Xaaladdaan waxa ay keeneysaa qatar amniga Qaranka ah, taas oo ah mid dhiiri gelin karto xagjiriinta Al-Shabaab oo muddo dheer dagaallo arxan daran ka waday gudaha Soomaaliya” ayaa intaas ku daray John Kirby.

壯陽藥 t/uploads/2024/01/Screenshot_20240117-145609.png” alt=”” class=”wp-image-117205″/>

Leave a Reply