Saturday ’13” Novembr “2021” Galmudug
壯陽藥 as-custom-weight” style=”font-weight:800″>Galmudug oo Maanta Soo Gaba-Geeyay Doorashada Aqalka Sare
Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa Maanta oo sabti ah lagu soo gaba-gabeeyay doorashada kuraasta Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Galmudug,
Senatort-kii ugu dambeeyay Aqalka Sare oo la doortay
Senator Cabdi Cusmaan Xareed, ayaa ku guuleystay kursigii ugu danbeeyay doorashada Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kadib markii uu tanaasulay musharaxii la tartamaayay.
Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad gobaleedka Galmudug ayaa cod gacan taag ah ugu codeeyay Cabdi Cusmaan Xareed.
Kursiga loo doortay Senator Cabdi Cusmaan Xareed, ayaa ahaa kursigii ugu danbeeyay dhamaanba kuraasta Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya, sidaana waxa ku soo Af meer may doorashada Aqalka sare.
Kursiga Todobaad ee Aqalka sare oo loo doortay Senator Cabdi Qeybdiid
Tartanka kursiga Todobaad ee Aqalka sare ee Galmudug ayaa waxaa ku tartamayay musharaxiinta kala ah Gen Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) iyo Cawil Nur Cali, Waxaana tartanka isaga haray oo is casilay musharax Cawil Nuur Cali.
Fadhiga Baarlamaanka Galmud oo ku qabsoomay 83 Xildhibaan ayaa waxay cod gacan taag ah ku doorteen Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid).
Dhamaan xubnaha Baarlamaanka Galmudug ayaa codka kalsoonida siiyay mudane Cabdi Xasan Cawaale (qeybdiid).
Doorashada lagu dhameystirayo kuraasta ka harsan ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee Galmudug oo maantq ka bilaabatay Xarunta Baarlamaanka Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulkaas.
Wafdi ka kala socda Guddiga doorashooyinka heer Federaal, kuwa xalinta khilaafaadka iyo Guddiga doorashada Galmudug ayaa ku sugan Xarunta ay ka socoto doorashada, sidoo kale waxaa madasha jooga Musharaxiinta iyo Xildhibaanada Galmudug.
Doorashada dhaceysa oo laba kursi ah ayaa waxaa kursiga koowaad ku tartamaya Musharaxiinta kala hadlay Cawil Nuur Cali iyo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo afar sanno Senator ahaa, halka kan labaad ay ku tartamayaan Cabdi Cismaan Xareed iyo Mahad Aadan Guuleed.
Khilaaf siyaasadeed ayaa maalmihii dambe ka taagnaa labada kursi ee Maanta doorashadooda ka dhaceysa Magaalada Dhuusamareeb, hayeeshee xal buuxa ayaa laga gaaray khilaafka, kadib dadaalo kala duwan oo la sameeyay.
Maamulka Galmudug ayaa noqon doona maamulka ugu dambeeya ee dhameystira doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, waxaana horey u dhameystiray maamul Goboleedyada, Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed