29″ July “2022” Muqdisho
Aqoon isweydaarsi ay soo qaban qaabisay IGAD oo looga hadlayay ka faa’ideysiga khayraadka ku jira Biyaha hoostiisa (blue economy) ayaa lagu qabtay muqdisho
Shirkaan oo ay ka soo qeyb galeen xubno ka socday 8 wadan oo wadamada geeska Afrika ee IGAD ayaa ahaa tababar iyo aqoon isweydaarsi ay soo qaban qaabisay IGAD oo looga hadlayay ka faa’ideysiga khayraadka Biyaha (blue economy) ayaa wadan kasta oo ka tirsan IGAD lagu barayay sida uu uga faa’ideysan karo khayraadka biyaha ayadoo wadan kasta oo ka soo qeyb galay shirka ayaa laga doonayaa inuu diyaarsado istiraatiijiyad u gooni ah oo uga faa’ideysto khayraadka Badda ee dalkiisa.
Inta uu socday shirkaan ayaa wadamada geeska Afrika ee ka soo qeyb galay mid kasta ku soo bandhigay kheyraadka biyo ee Bad iyo Biri ee Eebe ku maneystay ayada oo la falanqeeyay Qorshaha kaa faa’ideysiga kharaadka biyaha ee Afrika iyo kan IGAD u goonida, Soomaaliya ayaa ah wadanka Afrika ugu xeebta dheer taas oo ka dhigeysa wadanka ugu weyn ee Afrikaan ah kaas oo heysta Khayraaddka biyaha ee loo baahan yahay in laga Faa’ideysto.
Shirkaan ayaa socon doona sadex bari waxa uuna maanta u furmay si hordhac ayada oo maalinta bari ah si toos ah loo furi doona qorshana ka faa’ideysiga khayraadkana loo wadaagi doono.