Aqoonyahanka Bootan A.Xalane oo ah cilmi baare madax banaan ayaa Dibada u soo saaray qoraal hordhac ah oo ku saabsan Xaqiiqada dhabta ah ee kooxda Monitoring Group Somalia ku waas oo caadeeystay in warbixino qaldan oo caalamka lagu jahwareerinayo ay ka gudbiya arimaha somalia bulsho,dhaqan dhaqaale iyo siyaasad , Aqoonyahanka bootaan axmed xalane ayaa waxa uu ka diyaariyay kooxdaas qormo ku bilaabanaysa .sidan.
XAYEEYSIINTA KA DID HOOS U SII DAG”
KOOXDA DABAGALKA OO LA DABA GALAY.
Dadka aamminsan in kooxda monitoring group ay tahay koox sharciyad caalami ah heysata oo warbixinnadooda ay qarammada midoobay sharci u aqoonsanayso. dib ha u fiiriyeen warbixinnadoodii sanadahii la soo dhaafay oo qaarkood sharciyaqaanno caalami ahi ay ku sheegeen kuwo aan maskax fadhida ka imaanin.
Waxaa la ka shifay in qaar ka mid ah guddigaasi ay ku milmeen siyaasadda soomaaliya iyagoo xiriir gacmo dufan isdhaafsi ah la leh koox ku caanbaxday handadaadda iyo baad ka riixriixashada ganacsatada soomaaliyeed.
Kooxdaas oo ka mid ah ama ku daaban hay’adaha dawladda waxay marinhabaabin joogto ah ku hayaan habka shaqada guddiga iyadoo hore dhowrjeer guddigaas dib u habeyn loogu sameeyey.
warbixnta guddiga monitiring group maanta waxaa caalamku uga kalsooni badan yahay warbixinnada hay’adaha localka ah sida hay’adda xuquuqda ee Elman.
XAYEEYSIIN “