waxaan ahay ruux derderan
la heyste damiirku tegey
dulmane aan loo naxeyn
hayeeshee kaba darane
daruuftiisaas ogeyn
is mooda nin door wax gala
waxaan ku dadaalayaa
inaan doqon taaj u xiro
waxaan u daneynayaa
raggaas iska key dayacay
waxaan u danaaniyaa
damiin aan iba ogeyn
waxaa an u dirirayaa
rag aan daqarkeyga dhayin
waxaa an u doodayaa
dayuusiin ani i neceb
waxaa an difaacayaa
rag moog oo aan i diran
markey damacood helaan
ayey igu diimayaan
durduro igu dhaafayaan
dib baan ka shallaayayaa
haddana kuma daahayee
durbaba waan soo noqdaa
iyagaan u dagaallamaa
wax baa igu soo dirqiya
dulkiyo sanka iiga xira
dijaallada igu xukuma
shisheeyaan ku duulayaa
sokeeyaan didinayaa
dadkaan iska maagayaa
dartood u colaadiyaa
dembiga anigaa ku hara
dusheyduu saaran yahay
dab iyo naar ugu wajahan
deeqana iyagaa u hara
durduurta nafciga la helo
xaqeygey dalamsadaan
duul bey la heshiinayaan
duntaydey iibsadaan
dillaal bey igu helaan
dux badan lama siinayee
dibnahaa loo qoynayaa
markaasey doobbiyaan
gadaalna ma soo dayaan
dantoodeey raadsadaan
nin kale dunidiis ayaan
u dumiyaa aakhiree
dadow nacaseysniyaa!!
waxaa dulligaas i baday
dareenka qabyaaladdoo
ku daabacan feerahoo
dabbaallada saacidee
miyaan derejeyn lahaa?
Waxaan tiriyay Bootaan Axmed Xalane