Aragtida Aqoonyahanka Soomaaliyeed ee ku aadan ka hortaga Xadgudubka Ethiopia waa mid ku baaqaya Midnimo Isku duubni

⏩️Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa digniin culus kasoo saaray hanaanka lagu wajahayo xiisadda Itoobiya ee salka ku haysa damaca baddeena.

Kheyre ayaa waxa uu sheegay in duullaanka Itoobiya looga gudbi karo oo keliya isku-duubni iyo midnimo, isla markaana laga fogaado wax walba oo dhaawici kara wadajirka umadda Soomaaliyeed.

“Dalkeennu wuxuu wajahayaa duullaan shisheeye oo ay ku soo qaadday Itoobiya, waxaana uga gudbi karnaa dhiifooni, isku-duubni, iyo midnimo, iyo in aan ka foggaanno wax waliba oo dhaawici kara wadajirka bulshadeenna,” ayuu Kheyre ku yiri qoraal uu soo saaray maanta.

Waxa uu intaas kusii daray “Koonfur Galbeed iyo deegaannada kale ee Soomaaliyeed ee ay maanta joogaan ciidamada shisheeye kuma imaan jaceyl loo qabo ee waxaa keentay duruufta amni ee dalka ka jirta.”

Dowladda federaalka ayuu ujeediyay in ay masuuliyad gaar ah iska saarto sidii ay u dabooli lahayd baahida amni ee deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, ayada oo xaqiiqada qaraarna lagu wajaho caqli saliim ah, si looga maarmo ciidan shisheeye.

Dariiqa maanta dalka looga bad-baadinayo duullaanka Itoobiya nagama xigo dhanka qabyaaladda, kala-qeybinta bulshada, iyo in dalka iyo dowladnimada laga xigsado reer Koonfur Galbeed,” ayuu yiri ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan ka digayaa hadallada xanafta, dhiillada, iyo qabyaaladda xambaarsan ee warbaahinta la isu marinayo, oo abuuraya khilaaf hor leh, siina kala dhantaalaya midnima ummaddeenna.”

⏩️Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo qoraal kooban soo saaray ayaa si adag uga hadlay qorshaha bixitaanka ciidamada howlgalka ATMIS, gaar ahaan kuwa Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika.

Cumar Cabdirashiid oo sidoo kale ka hadlayay xiisadda taagan ayaa shaaca ka qaaday in Itoobiya ay tahay cadow soo jireen ah, isaga oo intaasi kusii daray in aysan dhicin karin in lagasoo dhaweeyo deegaan Soomaaliyeed.

“Xiisadda hadda ka taagan Geeska Afrika ayaa ka dhalatay baadigoobka xooggan ee ay Itoobiya ku doonayso inay marin badeed ugu hesho ciidamadeeda cusub ee Badda. Haddaba, waa wax laga xishoodo in qof Soomaali ah uu difaaco damaca Itoobiya ee dhul-kororsiga ah.” ayuu yiri Sharmaarke.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli ay weli halkeeda tahay xiisadda diblumaasiyadeed ee ka dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo ka dhalatay heshiiska badda ee uu horraantii sanadkan Abiy Axmed la galay Somaliland

⏩️Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal xasaasi ah soo saaray ayaa ka hadlay dooda culus ee ka dhalatay taageeradii uu maamulka Koonfur Galbeed u muujiyay ciidamada Itoobiya ee hadda jooga Soomaaliya.

Warsame ayaa ayaa shaaca ka qaaday in Koonfur Galbed aysan heshiis bada lagu bixiyay aysan la gelin Itoobiya, isla markaana aanu jirin sabab loo beegsado maamulkaasi.

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in laga haboon yahay in arrinta la qabiileeyo, isla markaana dano gaar ah oo siyaasadeed ooga faa’iideysto xiisadda taagan.

Siyaasigan oo sii hadlaya ayaa shaaca ka qaaday in difaaca dalka iyo danaha qaranka ay mas’uul tahay dowladda Soomaaliyeed oo uu tilmaamay inay tahay cida leh go’aanka ay ku joogayaan ama ay ku baxayaan ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS.

Ka hortagga damaca Itoobiya waa masuuliyad dowladeed ee ma aha mid beeleed, waxna kama galo oday magac qabiil ku hanjaba iyo shaqaale rayad ah oo siyaasad lugaha loo geliyo, balse waa kaga sii dareen, maadaama uu hadalkoodu dhiilo qabiil kiciyey, bulshadiina kala irdheeyey.

Waxaase damaca looga hortegi karaa midnimo gudaha ah, dadaal diblomaasiyad oo dibedda ah iyo siyaasad waaqici ah oo lagu dheelitiro duruufaha qalafsan ee dalkeenna ka jirta ee keenay in Itoobiya looga maarmi waayo nabad ilaalin iyo la dagallanka ALSHABAAB