6″ February ” 2023″ Aljazeera
Tirada dadka ku dhintay dhulgariir xooggan oo ku dhuftay dalalka Turkiga Iyo Syria, ayaa laga yaabaa inay kororto siddeed laab, sida ay ka digtay hay’adda WHO, Iyadoo Isku darka wadarta guud ee khasaaraha dhimashada uu gaaray 3,600 Dheeho.com
AFP ayaa tabisay in Khubarada seismologists ay sheegeen in dhulgariirkii ugu horreeyay uu ahaa midkii ugu weynaa ee abid laga diwaangeliyo Turkiga. Badbaadayaashu waxay sheegeen inay qaadatay laba daqiiqo in gariirku joogsado
Samatabbixiyeyaashu waxay isku dayeen inay dhex maraan buuro burbur ah oo qabow iyo xaalad baraf ah si ay u helaan kuwa badbaaday.
Wadamo badan oo adduunka ah ayaa diray taageero si ay u caawiyaan dadaallada samatabbixinta, oo ay ku jiraan kooxaha takhasuska leh, eeyaha wax uriya iyo qalabka.” Kuwaas oo bilaabay in Turkey ay ka gacan siiyaan hawlgallada goobidda iyo samatabbixinta
Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa xaqiijiyay dhimashada 2,316, iyadoo 1,293 kale laga soo sheegay Suuriya, ka dib markii dhulgariir xoog leh uu sababay kumanaan dhismo ah oo ku burburay labada dal.
Dhulgariirkii ugu horeeyay ee cabirkiisu ahaa 7.8 ayaa ka dhacay koonfur bari Turkiga subaxnimadii isniinta waxaa xigay 7.6 magnitude dhulgariir saacado kadib markii ay dhaceen dhowr dhulgariir.
Erdogan oo ku dhawaaqay baroordiiq muddo toddobaad ah oo loo sameynayo dadkii ku waxyeeloobay dhulgariirka
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dalka Turkiga uu 7 maalmood oo baroor diiq qaran ah u sameyn doono dadkii ku dhintay dhulgariirkii Isniintii.
“Waxa lagu dhawaaqay baroor-diiq qaran muddo toddoba maalmood ah. Calankeena waxa la suri doonaa badhkii ilaa qorraxdu ka dhacayso Axadda, Febraayo 12, 2023, dhammaan xafiisyada wakiillada qaranka iyo kuwa dibadda,” ayuu Erdogan ku yidhi bartiisa Twitter-ka.
Ra’iisul wasaaraha Giriiga oo la hadlay madaxweynaha Turkiga
Ra’iisul wasaaraha Giriiga Kyriakos Mitsotakis ayaa la hadlay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan si uu ugu tacsiyeeyo, wuxuuna sheegay in Giriiga uu diyaar u yahay inuu gargaar u diro, sida uu sheegay xafiiskiisa.
Erdogan ayaa uga mahadceliyey Mitsotakis taageerada, xafiiska ra’iisul wasaaraha Giriiga ayaa lagu yiri bayaan.
Biden waxa uu u fasaxay kaalmada Maraykanka ee degdega ah ee Turkiga
Biden waxa uu sheegay in uu oggolaaday in jawaab degdeg ah laga bixiyo dhulgariirkii ba’naa ee ka dhacay Turkiga.
“Kooxahayadu waxay si degdeg ah u howlgalayaan si ay u bilaabaan taageerada raadinta iyo samatabbixinta Turkiga iyo wax ka qabashada baahiyaha kuwa dhaawacmay iyo kuwa barokacay,” Biden ayaa ku yiri hadal uu sii daayay Aqalka Cad
Ciyaaryahanka reer Ghana Christian Atsu ayaa la sheegay in lagu la’yahay Turkiga kadib dhulgariirka
Ciyaaryahanka xulka qaranka Ghana Christian Atsu ayaa lagu soo waramayaa in lagu la’yahay dalka Turkiga kadib dhulgariirkii.
31 jirkan – oo hore ula soo shaqeeyay Newcastle United, Everton iyo Porto – waxa uu u ciyaarayay Hatayspor ee Antakya horyaalka Turkiga ilaa bishii Sebtembar kooxda Newcastle United ayaa bayjkooda Twitter ka sidaas ku soo qoray
Atsu ayaa ahaa geesiga The Star of the South Axadii, isagoo ka soo kacay kursiga keydka si uu u dhaliyo gool daqiiqadii 97aad ay 1-0 kaga badiyeen Kasimpasa.
Newcastle United, halkaas oo Atsu uu ku qaatay shan sano, ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray: “U duceeya war wanaagsan.”
Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa daqiiqado aamusnaan ah u qabtay dadkii ku waxyeeloobay dhulgariirka Suuriya iyo Turkiga
Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa muddo hal daqiiqo ah aamusnaa si loogu mahadceliyo dadkii ku waxyeeloobay dhulgariirkii ku dhuftay Suuriya iyo Turkiga.
“Kooxahayadu waxay ku sugan yihiin goobta iyagoo qiimeynaya baahiyaha iyo bixinta gargaarka,” Xogh壯陽藥 ayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku yiri hadal uu soo saaray. “Waxaan beesha caalamka ka codsanaynaa inay caawiyaan kumannaanka qoys ee ay masiibadani ku habsatay, kuwaasoo intooda badan ay horay ugu baahnaayeen gargaar bini’aadantinimo meelaha ay caqabad ku tahay.”
Qatar oo duulimaadyo gargaar ah u diraysa Turkiga
Qatar ayaa sheegtay inay bilaabayso duulimaadyada gargaarka ee Turkiga si ay kooxaha goobidda iyo samatabbixinta ugu daabusho aagagga dhulgariirku saameeyay oo ay weheliyaan baabuur, isbitaal garoon, teendho iyo agab kale, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dawladda Qatar.
Hay’adda Qatar Charity oo ay maalgeliso Qatar ayaa sheegtay inay 27,000 oo cunto kulul ah ka qaybinayso Gaziantep, halkaas oo ay xafiis ku leedahay, waxayna agab gargaar ah geynaysaa hoy ku yaal Turkiga iyo Suuriya.
Kooxdu waxay u qoondaysay $6m qaybihii ugu horeeyey ee jawaabteeda.
Imaaraadka ayaa 13 milyan oo dollar ugu yaboohay gargaar dhulgariirku ku dhuftay Suuriya
Imaaraatka Carabta ayaa sheegay in ay u diri doonaan gargaar bini’aadantinimo oo ku dhaw $13.6m Syria kadib dhulgariirkii Isniintii, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.