Argagixisada shabaab ayaa ku dishay gobolka gedo injineero qodayay ceel biyood


Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252

Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46

30″ September “2022

Radio kulmiye ayaa sheegay in deegaanka Gariley oo ka tirsan Koofurta Gobolka Gedo,ay dagaalameyaasha Al-shabaab ay ku dileen 12 ruux oo shacab.

Al-shabaab ayaana gubay Gaarigii Riigga ee Ceel qodaayay iyo dhammaan agabkii kale ee yaallay goobta.

Dadka la dilay waxaa ku jira qaar ka mida Injineeradii waday howsha qodida Ceelka, sida ay Radio kulmiye u sheegeen shacabka deegaanka oo ay heysato Abaar saameysay dad iyo duunyo.

Deegaanka Gariley waxaa uu u dhaxeeya degmooyinka Baardheere iyo Ceel-waaq waxaana ku nool 3,500 qoys oo wajahaya dhibaatooyin dhinaca Nolosha ah.

Lama oga ilaa hadda sababta keentay Al-shabaab gubaan Ceelka laga qodaayay deegaanka Gariley ee Gobolka Gedo.

Leave a Reply