Kooxda Shabaab oo Hub Kala Soo Dagtay Xeebaha Gobolka Sanaag

9″ December”2020″ Sanaag

Wararka ka imaanaya deegaan hoostega degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag ee dhinaca Puntland ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay halkaas ay hub kala soo dageen ururka Al-shabaab.

Hubka ayaa la sheegay in Al-shabaab uu uga soo degay xeebta deegaanka Durduri ee hoostega degmada Laasqoray, isla markaana hubka lagu keenay doon loo ekaysiiyay nooca kalluumeysiga, taasi oo la tilmaamay inay ka timid dalka Yemen.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in hubkaas uu ahaa kuwa fudud ee gacanta lagu qaato, waxaana xubno ka tirsan Al-shabaab oo tegay xeebta ay kasoo qaadeen hubka, iyagoona la aaday dhinaca buuraleyda Calmadow oo ay ku xoogan yihiin.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Puntland oo ku aadan hubka Al-shabaab uga  soo degay xeebta deegaanka Durduri ee hoostega degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag.

Xubno ka tirsan Al-shabaab ayaa ku sugan buuraleyda Calmadow, waxaana halkaas ay dagaalo khasaaro geystay ku dhexmareen Shabaabka iyo Ciidanka Daraawiishta Puntland, kadib markii ay weeraro ku qaadeen Saldhigyo ay lahaayeen.

Leave a Reply