Arinta Gobolka Gedo Oo Noqotay Qodobka Ugu Xasaasisan Ee Laysku Mari,Weeysan Yahay Shirka Dhuusamareeb

5″ February “2021” DHUUSAMAREEB

Magaalada Dhuusamareeb waxaa wali ka socda shirka madaxdaxwaynayaasha maamul goboleedyada , gobolka banaadir iyo madaxwayanaha dowladda fedaraalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo.

Wararka ayaa sheegaya in qodobada muranka ka taagnaa inta badan is-afgarad laga gaaray, balse wali la isku mari la’ayahay qodobka gobolka Gedo..

Madaxda ayaa xalay ilaa saqdii dhexe wadahadlayay arrinta gobolka Gedo ilaa hadda ma jirto natiijo la shaaciyay inay ka soo baxday.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland waxaa u dhexeeya arrimo sababay in khilaafka doorashada uu sii xoogeysto, waxaana ka mid ah arrinta gobolka Gedo.

Dabayaaqadii bishii aanu soo dhaafnay waxaa magaalada baledxaawo ee gobolka Gedo uu dagaal ku dhexmaray ciidamada dowladda Fedaraalka iyo kuwa maamulka Jubaland.

Leave a Reply