Kabtanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaa fariin macsalaameyn ah u diray Henrikh Mkhitaryan ka dib markii la xaqiijiyay inuu si rasmi ah ugu dhaqaaqay Roma.

Aubameyang iyo Mkhitaryan waxay ahaayeen asxaab kooxda Borussia Dortmund ka hor inta aysan labadoodu ku biirin Arsenal bishii Janaayo 2018.

Kulankoodii ugu horreeyay ee ay wada ciyaaraan Arsenal, Aubameyang ayaa shabaqa soo taabtay ka dib caawin uu ka helay Mkhitaryan.
Aubameyang ayaa waqti u qaatay inuu ku salaamo ‘walaalkiis’ qoraal uu soo dhigay bartiisa Instagram isagoo leh: “Waxaan kuu rajeynayaa sida ugu wanaagsan mon frero.”
