Askari ka tirsan ciidamda dowladda oo Darawal mooto Bajaaj ku diley Muqdisho ayaa loo xiray Askar Badan

21″ January”2023″ Muqdisho”

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Mumin oo uu wehliyo Gudoomiye kuxigeenka Amniga iyo siyaasadda gobalka Banaadir oo goordhow warbaahinta kula hadlay Saldhigga Degmada Howlwaddaag ayaa ka warbixiyay shaqaa-qadii saaka ka dhacday isgoyska Howlwaddaag.

Arrintan ayaa timid kadib markii askari ka tirsan ciidanka dowladda uu ku dilay halkaasi wiil Bajaajle ah oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdisalaan Cali.

Taliye Mahdi ayaa sheegay in lasoo xiray tiro badan oo Ciidamo ah oo ku eedeeysan dilka Marxuumka ee saaka la dilay, islamarkaana ay socdaan baaritaanada la xariira kiiskaan, dhawaana la wadaagi doonaan Shacabka Soomaaliyeed.

Dilka Maxamed Cabdi Sallaan ayaa dhalisay in banaannax balaaran uu ka dhoco isgoyska Howlwadaag, iyadoo ciidamadda ay rasaas u adeegsadeen dibad baxayaasha

Leave a Reply