20″ January “2021” KISMAYO
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa kulan kula qaatay hab maqal iyo muuqaal ah Wakiilada beesha Caalamka u jooga Soomaaliya.
Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Wakiilada Qaramada Midoobay Midowga Yurub iyo Safiirada dalalka Maraykanka Ingiriiska Sweden Itoobiya iyo Danjirayaal kale.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa lagu sheegay in kulan looga hadlay sidii loo dardar galin lahaa Arimaha muhiimada u leh xaalada hada lagu jiro gaar ahaan amaanka iyo Doorashooyinka.
Masuuliyiintu waxay isla soo qaadeen sida ay ahmiyada weyn u leedahay in wada hadal lagu dhameeyo is marin waaga ka taagan Arimaha Doorashooyinka taas oo ah xalka ugu haboon ee laga gudbi karo waqtigan kala guurka ah.
Khilaaf xoogan ayaa weli ka taagan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa, waxaana maamulada Puntland iyo Jubbaland ay diidan qaab dowladda Federaalka u wajaheyso doorashada, iyadoona xusid mudan tahay in Musharaxiinta ay ka digeen qabashada doorasho ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubbaland.