31 December-2023″

ATMIS waxay ka hadashay qoryaasgeeda sannadka cusub ee 2024 ooy ku beegeeyso ka hor inta aysan ka bixin Soomaaliya
Soo afjarida Al Shabaab iyo sare u qaadidda awooda Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya (SSF) ayaa ah mudnaanta koowaad ee howlgalka Midowga Afrika ee Ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya (ATMI犀利士 S) sanadka 2024-ka, sidaasi waxaa lagu yiri barta internet-ka ee ATMIS oo soo xiganaysa Taliyaha ATMIS.
Yoolalkan sanadka cusub waxaa soo bandhigay Taliyaha Ciidanka ATMIS Lt. Gen. Sam Okiding iyo Taliyaha Bilayska ATMIS, CP Hillary Sao Kanu siday u kala horreeyaan fariimaha dhammaadka sanadka.