Ciidamada Jubaland oo weerar ku qaaday deegaano ka mida Gobolka GEDO
4-May-2024
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay Jubbaland ka sameysay Jimcihii deegaano ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.
Howlgalkan oo ka dhacab inta u dhexeysa degmooyinka Luuq iyo Doolow ayaa waxaa hoggaaminayay guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Gedo, Cismaan Nuux Xaaji (Macallimuu), waxaana lagu beegsaday Al-Shabaab.
Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgalladan ku gaaray deegaano horleh oo dhaca inta u dhexeysa magaaalooyinka Luuq ee gobolka Gedo.
Macallimuu oo hadal siiyay warbaahinta ayaa sheegay in dagaal ay la galeen Al-Shabaab, ayna ka dileen ugu yaraan 4 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.
Halkan waxaa ka dhacay dagaal ba’an nimankii nabad diidka ahaana waxaa ku gaaray khasaare illaa ...