Author: boodhari

Ra’iisul Wasaare Xamse oo furay Shirka Maalgashiga Soomaaliya
WARARKA

Ra’iisul Wasaare Xamse oo furay Shirka Maalgashiga Soomaaliya

24-April-2024" Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo lagu soo bandhigayey sidii looga faa’iideysan lahaa fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, iyada oo laga faa’iideysanayo fursadaha jira ee ay kamid tahay 犀利士 deyntii oo laga cafiyey Soomaaliya iyo ku biirista suuqa ganacsiga Bariga Afrika. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay waddan qani ah oo leh kheyraad kala duwan, sidaas awgeedna ay Xukuumadda #DanQaran dedaal ugu jirto soo jiidashada iyo dhiirigelinta maalgashiyo caalami ah oo dalka u horseeda isku filnaansho dhaqaale iyo shaqo abuur. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhiirigeliyey maalgashiyada gudaha iyo dibedda in ay ka faa’iideystaan fursadaha badan ee ka bannaan maal...
Q/Midoobay oo ka digtay roobab xooggan oo ku soo wajahan Soomaaliya
WARARKA

Q/Midoobay oo ka digtay roobab xooggan oo ku soo wajahan Soomaaliya

24- April-2024" Qaramada Midoobay ayaa shalay ka digtay in la filayo in roobab xooggan ay ka da’aan Soomaaliya xilli roobaadkan gu’ga. Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa shalay sheegay in roobab biyo badan dhigay ay ka da’een gobollo kala duwan oo Soomaaliya ah, kuwo kalena la filayo April ilaa June. Waxa uu sheegay in ilaa 50 doonyood loo diyaariyey meelaha laga baqayo inay ka dhacaan fatahaadaha oo illaa toban goobood ah oo ku teedsan webiyada Shabelle iyo Jubba. Waxa uu intaas ku daray in roobabka laxaadka leh iyo daadadku ay saamayn karaan ilaa 770 kun oo qof. Dujarric ayaa sheegay in roobabka laga cabsi qabo inay sii adlkeeyaan xaaladda shuban biyoodka iyo daacuunka lagu arkay meelo ka midah Soomaaliya, waxaana ilaa haatan la diiwaangeliyey ugu yaraan 7,20...
Turkey’s first warship arrives in Mogadishu Port under defense deal
WORLD

Turkey’s first warship arrives in Mogadishu Port under defense deal

23-April-2024- Mogadishu " Turkish Navy Ship Kınalıada F514 docked at Mogadishu Sea Port on Tuesday following the signing of a defense and economic agreement between Somalia and Turkey in February 2024. Somali government leaders are expected to participate in a high-level event aboard the ship to commemorate the 10-year defense and economic cooperation agreement with Turkey. According to the Somali National News Agency, this marks the arrival of Turkey's first warship at Mogadishu Port, symbolizing the commencement of the 10-year agreement with Somalia. https://twitter.com/BoodhariFarah/status/1782777796940411150?t=kKU1CPJKv5QqA2_1beDbGg&s=19 Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre addressed members of the cabinet in February and said that under the agreement, Tu...
Daawo Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Hadal Ka Jeediyay Munaasabada Daqan galinta Heshiiskii Iskaashiga Difaaca Somalia Iyo Turkiga
WARARKA

Daawo Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Hadal Ka Jeediyay Munaasabada Daqan galinta Heshiiskii Iskaashiga Difaaca Somalia Iyo Turkiga

Muqdisho, Abriil 23, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Danjiraha dowladda Turkiga ayaa kaga qeyb-galay dusha markab dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Difaaca Turkiga munaasabad ku saabsan dhaqan-gelinta heshiiska iskaashiga difaaca Labada dal. Madaxweynaha ayaa xusay taariikhda faca-weyn ee ka dhaxaysa Turkiga iyo Soomaaliya, gaar ahaan doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan dowlad-dhiska, gargaarka iyo garab istaagga dadka Soomaaliyeed, iyagoo xilli adag ku soo dhiirraday in ay soo gaaraan Soomaaliya. "Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ...
Toos U Daawo: Madaxweyne Xasan oo gudaha u galay markab dagaal oo Turkiga u soo diray difaaca Biyaha Somalia
Politics, WARARKA

Toos U Daawo: Madaxweyne Xasan oo gudaha u galay markab dagaal oo Turkiga u soo diray difaaca Biyaha Somalia

23-April-2024 Dekedda wayn ee magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray markabka ciidanka badda Turkiga ee TCG Kınalıada (F-514), kaas oo ka qayb qaadan doono difaaca xeebaha dalkeena Soomaaliya, kadib heshiiskii Muqdisho iyo Ankara. Munaasabad ballaaran oo lagu daah-furayo dhaqan-galka heshiiskan ayaa hadda ka socota dekedda Muqdisho, halkaas oo ay ku sugan yihiin mas’uuliyiin ka tirsan labada dal. Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb-galaya munaasabaddan taariikhiga ah ayaa gudaha  u galay markabka dagaal ee soo gaaray Muqdisho, ayna la socdaan ciidanka badda Turkey. https://twitter.com/BoodhariFarah/status/1782778505547149547?s=19 Heshiiska difaaca ee ay gaareen labada dal ayaa dhigaya ilaalinta biyaha Soomaaliya, ka hortagga khataraha, xad-gudubka iyo kalluumaysiga sharci ...
Dhalinyarada Reer Waqooyigu Maxay ugu sii Qulqulayaan Ka Mid Noqoshada Argagixisada Alshabaab
WARARKA

Dhalinyarada Reer Waqooyigu Maxay ugu sii Qulqulayaan Ka Mid Noqoshada Argagixisada Alshabaab

23-April-2024" Hadal-heyn xoogan iyo falcelin ayaa ka dhalatay tirada sii kordheysa ee abwaanada kasoo jeeda gobollada waqooyi ee ku biiraya kooxda Shabaab, waxaana abaaankii ugu dambeeyay uu noqday Maxamed Maxamed Ibraahim (Jeesto). Abwaan Jeesto oo tegay Jilib, iskuna dhiibay kooxda Al-Shabaab ayaa kahor inta uusan aadin ku sugnaa magaalada Muqdisho oo ku noolahaa muddooyinkii lasoo dhaafay Ninkan ayaa inta uu joogay Muqdisho ayaa waxaa horay u xiray hay’adda NISA, kadib tuhuno soo galay isaga oo loo haystay markaas inuu baraha bulshada ka taageeray kooxda Al-Shabaab, balse waxaa lagu sii daayay damiin, isaga oo ugu dambeyn aaday dhanka Jilib. Dhowr jeer ayay hor ayay dhacday in rag kasoo jeeda gobolada waqooyi ama Somaliland ay isku dhiibeen kooxda Al-Shabaab, waxaanaAbwaan Max...
Maxkamadda Ciidamada oo xukun adag ku ridday Sarifle Jaajuus u ahaa Al-Shabaab
WARARKA

Maxkamadda Ciidamada oo xukun adag ku ridday Sarifle Jaajuus u ahaa Al-Shabaab

23-April-2024" Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun adag ku ridday Maxamed Cali Xersi Diirshe oo ay ku xukumay1 5 sano oo xabsi ciidan ah, kadib markii lagu helay kamid ahaanshiyaha xubnaha kooxda Al-Shabaab. Maxamed Cali Xersi Diirshe, ayaa loo soo xiray inuu ka tirsanaa qeybta Jaajuusnimada iyo inuu gacantiisa ku fuliyey Falal agagixisanimo. Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, ayuu ku lahaa goob uu gabbaad ka dhiganayey oo lagu sarifo lacagaha, isaggoo Khawaarijta uu u gudbin jiray xogaha Ciidanka Muqdisho ka baxa ee ku wajahan Shabeellaha hoose, islamarkaana maraya Wadada Ceelasha Biyaha, tiradooda iyo gaadiidka ay wataan intaba. Al-Shabaab waxuu ku biiray 2012, waxaana ku tashkiiliyey Yuusuf Xasan Ibraahim oo horey Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ay...
Wax ka Ogoow Taariiqda Orodyahanka C/llaahi Jaamac
WARARKA

Wax ka Ogoow Taariiqda Orodyahanka C/llaahi Jaamac

22- April-2024- BBC "Wuxuu ku dhashay miyiga buuraha Calmadow ee ku teedsan degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, Cabdillaahi Jaamac Maxamed, hadda waxaa uu naawilayaa inuu noqdo halyey oradka Soomaaliya, ka dib Cabdi Bille Cabdi oo sanadkii 1985 oo Soomaaliya heer caalami ah u keenay bilad dahab ah. Sida uu BBCda u sheegay orodyahan Cabdillaahi Jaamac Maxamed, qoyskiisa waxay hiddo u leeyihiin orodka wuxuuna xasuustaa in awoowgii Maxamed Cali Shaywaal lagu yaqaannay deegaankooda inu ahaa nin orod badan oo xitaa orod ku soo qabta ‘ ugaarta’. Wuxuu yaraantiisa jeclaa orodka, “waalidkay waa iga gacan siin jireen inaan ordo, hooyaday way ii ogolaan jirtay inaan ordo ama tartan oroda ka qayb galo, laakiin way ii diidi jirtay inaan kubad aado” ayuu BBCda u sheegay Cabdillaahi. Cabdilaa...
Inter Milan ayaa xaqiijisatay horyaalkeedii 20-aad ee Talyaaniga ka dib markii ay garaacday kooxda ay xafiiltamaan ee AC Milan+
SPORTS

Inter Milan ayaa xaqiijisatay horyaalkeedii 20-aad ee Talyaaniga ka dib markii ay garaacday kooxda ay xafiiltamaan ee AC Milan+

22- April-2024" Inter Milan ayaa xaqiijisatay horyaalkeedii 20-aad ee Talyaaniga ka dib markii ay garaacday kooxda ay xafiiltamaan ee AC Milan kulan taariikhi ah oo Derby della Francesco Acerbi ayaa madax ku dhaliyay kubad uu Benjamin Pavard ka soo tuuray koornaha, wuxuuna hogaanka u dhiibay Inter. Marcus Thuram ayaa kubad dheer ku dhegay waxaana la siiyay waqti aad u badan si uu u gooyo ka hor inta uusan kubad ku garaacin koornada hoose ee San Siro. Ciyaaryahanka reer England ee Fikayo Tomori ayaa kubad meel fog ka soo tuuray si uu rajo kooban u geliyo Milan. Waxaa jiray seddex kaar oo casaan ah waqtigii dhaawaca iyadoo xanaaqa uu sii kululaaday. Ciyaartoyga Milan Theo Hernandez iyo Denzel Dumfries oo Inter ka tirsan ayaa ciyaarta laga saaray ka dib markii ay isku dhaceen, wa...