Author: boodhari

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay Xubno ka tirsan Baarlamaanka EAC
WARARKA

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay Xubno ka tirsan Baarlamaanka EAC

22- April - 2024 Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay Xubno ka tirsan Baarlamaanka EAC Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xarunta guddoonka iyo guddiyadda ee Villa Hargeysa kulan kula qaatay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika. Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ammaanay dowladaha Bariga Afrika ee ku midaysan 8-da wadan kuwaas oo ururkan door weyn ku lahaa ansixinta iyo ku biiritaanka xubinnimada Soomaaliya. Inta uu kulanka socday waxay soo bandhigeen sida uu u shaqeeyo, waxaana ay ka jawaabeen dhammaan su’aalihii ay weydiiyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka. Dhanka kale waxay sharraxaad ka bixiyeen sida loo doorto iyo masuuliyada Xildhibaannad...
Connected Africa Summit addressing continent’s challenges, opportunities and bridging digital divides
WORLD

Connected Africa Summit addressing continent’s challenges, opportunities and bridging digital divides

22- April-2024- voa "Government representatives from Africa, along with ICT (information and communication technology) officials, and international organizations have gathered in Nairobi for a Connected Africa Summit. They are discussing the future of technology, unlocking the continent's growth beyond connectivity, and addressing the challenges and opportunities in the continent's information and technology sector. Speaking at the Connected Africa Summit opening in Nairobi Monday,犀利士 Kenyan President William Ruto said bridging the technology gap is important for Africa's economic growth and innovation. "Closing the digital divide is a priority in terms of enhancing connectivity, expanding the contribution of the ICT sector to Africa's GDP and driving overall GDP growth across all ...
Dhaqtar Muslim ah oo lagu eedeeyay inuu cudur halis ah ku weerari rabay Kenya oo xukun lagu riday
WARARKA

Dhaqtar Muslim ah oo lagu eedeeyay inuu cudur halis ah ku weerari rabay Kenya oo xukun lagu riday

22- April-2024" Maxkamad ku taal magaalada Nairobi ayaa 12 sano oo xarig ah ku xukuntay Maxamed Cabdi Cali oo loo yaqaan Abu Fidaa oo maxkamaddu sheegtay in lagu helay inuu ka tirsan yahay kooxda Daacish. Garsooraha Maxkamadda Martha Mutuku, oo xukunka ku ridday Fidaa, ayaa sheegtay in ay tixgalisay muddadii siddeedda sano ee horey xabsiga uu ugu jiray eedaysanuhu. Ninkan bartay caafimaadka ayaa lagu helay dambi ah in uu xiriir la lahaa dhalinyarada kale ee ka dagaallanta dalka Liibiya ee Daacish. Waxaa kale oo dacwad ooguhu sheegay in shabakadda Maxamed Cali, ay ka caawisay dhalinyaro Kenyan ah inay ka tagaan dalka si ay ugu biiraan kooxaha dalalka Liibiya iyo Siiriya. Dacwadaha lagu soo oogay Maxamed, waxaa ka mid ahaa in shabakaddiisu uu ku ballaariyey gobolka Xeebta, Rift V...
Wasiir Cali Xoosh oo kulamo kala duwan la yeeshay Madaxweynayaasha DG Galmudug, KG iyo Hirshabeelle
WARARKA

Wasiir Cali Xoosh oo kulamo kala duwan la yeeshay Madaxweynayaasha DG Galmudug, KG iyo Hirshabeelle

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa maanta Caasimadda Muqdisho kulamo salaan iyo is-xogwareysi ah kula qaatay qaar ka tirsan Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada dalka. Wasiir Xoosha ayaa booqasho ugu tagay Madaxweynayaasha Maamul Gobaleedyada; Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen. Kulanka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) iyo madaxda Dowlad Gobaleedyada; Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle daarnaa wadashaqeynta labada dhinac, dardargelinta howlaha hortebinnada u leh iyo qaar kale. 犀利士 https://tw...
Catriona Laing oo lasoo gaabiyay howl-galkeeda Muqdisho iyo farriin ay u dirtay Soomaalida
WARARKA

Catriona Laing oo lasoo gaabiyay howl-galkeeda Muqdisho iyo farriin ay u dirtay Soomaalida

22-April-2024" Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Laing ayaa lasoo gaabiyay壯陽藥 howl-galka shaqo ee ay u joogtay Soomaaliya. Sida uu shaaciyay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Catriona Lainga ayaa gaba-gabeynaysa hawsheeda bisha May ee sanadkaan, taasi oo loo magacaabay bartamaha sanadkii tegay ee 2023-ka. Marwo Catriona Laing ayaa sidoo kale soo saartay farriin kooban oo sagootis ah, taasi oo ay ku sheegtay inay kalsooni buuxda ku qabto in Soomaaliya ay guuleysan doonto, islamarkaana ay sii wadi doonto taageerada Soomaaliya. Waxaan kalsooni buuxda ku qabaa in Soomaaliya ay guuleysan doonto iyo in Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, oo ay wehliyaan saaxiibadayada caalamiga ah ay sii wadi doonaan doorka muhiimka ee lagu taageera...
Dowladaha Masar iyo Turkiga oo gaaray go’aan ay badda Soomaaliya uga difaacayaan Itoobiya
WARARKA

Dowladaha Masar iyo Turkiga oo gaaray go’aan ay badda Soomaaliya uga difaacayaan Itoobiya

21-April-2024" Wasiirrada arrimaha dibadda ee dowladaha Masar iyo Turkiga ayaa ku shiray magaalada Ankara ee dalka Turkiga, kadibna waxay ka wadahadleen sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha xasaasiga ah ee wadamada Soomaaliya, Suudaan iyo Libya. Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Sameh Shoukry oo uu weheliyo dhiggiisa Turkiga Hakan Fidan ayaa warbaahinta la hadlay, iyagoo faahfaahiyey waxyaabihii ay ku heshiiyeen, kuwaas oo qeyb ay ka aheyd sidii labada dalka ay door ugu yeelan lahaayeen xiisadda badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya. “Waxaan go’aansanay inaan kordhino la tashiyada iyo dadaallada aan ku bixinayno arrintan, sidoo kale waxaan si wadajir ah uga wada hadalnay dhibaatada cusub ee ka soo cusboonaatay Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan mida khatar ku ah midnimada dhuleed ee S...
DFS ayaa dalka dibaddiisa u dirtay Saraakiil  Iyo kormeerayaal ka tirsan ciidanka booliska Somalia
WARARKA

DFS ayaa dalka dibaddiisa u dirtay Saraakiil Iyo kormeerayaal ka tirsan ciidanka booliska Somalia

21-April-2024- Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan dalka dibaddiisa u direysa saraakiil iyo kormeerayaal ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed. Saraakiishan ayaa dalka dibadiisa u aadaya aqoon kororsi ku aadan sara u qaadida xirfadaha booliska, ayada oo maanta Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sulub Axmed Fir犀利士 in uu xaflad sagootin ah ugu sameeyayay xarunta taliska. Saraakiisha iyo kormeerayaashan ayaa u kala baxaya Yurub, Afrika iyo Aasiya waxa ayna ku soo baranayaan xirfadaha kala duwan ee la xiriira booliska. Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin oo la hadlay saraakiisha iyo kormeerayaashan ayaa kula dardaarmay inay ka faa’iideystaan xirfadaha wadamada ay u ambabaxayaan, sidoo kalana uga faa’iideeyaan xirfadaha ay yaqaanaan. “Waa i...
Daawo: Hormuud Salaam Foundation ayaa safar caafimaad dalka Talyaaniga ugu dirtay carruur Soomaaliyeed oo qaba xannuunnada wadnaha
WARARKA

Daawo: Hormuud Salaam Foundation ayaa safar caafimaad dalka Talyaaniga ugu dirtay carruur Soomaaliyeed oo qaba xannuunnada wadnaha

Heyadda Samafalka Hormuud Salaam Foundation ayaa safar caafimaad dalka Talyaaniga ugu dirtay carruur Soomaaliyeed oo qaba xannuunnada wadnaha, kuwaas oo daweyn iyo qalliimo caafimaad loogu soo sameynayo isbitaal ku yaala Magaalada Milano ee Talyaaniga 🙏 Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya, Guddoomiyaha Hormuud Salaam Foundation, iyo Agaasimaha Isbitaalka Welcare ayaa maanta sagootiyay 4 carruur ah iyo waalidiintooda, waxaana qorsheynaynaa in aan bishaan dirno 15 cunug ah oo qeyb ka ah 119 carruur ah oo ka duleela wadnaha, waxna looga qaban waayay isbitaallada Dalka. Dowladda Hoose ee Gobolka Lombardia ee Dalka Talyaaniga ayaa bixinaysa kharashaadka caafimaadka, halka hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay bixinayso kharashaadka safarka, sahayda, iyo nolosha carruurta iyo waalid...
Toos U Daawo: Maxkamadda Racfaanka oo billowday dhageysiga kiiska Sayid Cali
WARARKA

Toos U Daawo: Maxkamadda Racfaanka oo billowday dhageysiga kiiska Sayid Cali

21 Apri-2024" Muqdisho"Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Axad ah bilowday dhageysiga dacwad loo heysto Sayid-Cali Macalin Daa’uud oo Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ku xukuntay dil toogasho ah, kadib markii lagu helay kiis ah inuu gubay xaaskiisii  marxuumada Luul Cabdicasiis. Maxkamadda ayaa goordhow furantay. waxaana sidoo kale ka qayb-galay dhinacyo kala duwan oo ay ku jiraan ehellada labada dhinac iyo dadweyne kale. Sayid Cali Macalin Daa”uud ayaa horay Degamada dharkenley ku gubay. Xaskiisii Allah unaxariista Luul Cabdicasiis,oo ugu dambeyn u geeriyootay dhawaca kasoo gaaray dabkaas,wax犀利士 an bishii hore xukun dil ah ku riday Maxkamada gobolka Banaadir oo ah qisaasta marxuumada,balsa qareennada ay racfaan ka qaatay https://www.youtube.com/live/wYbCeAuexpA?...
Al-Shabaab badan oo isku soo dhiibay ciidanka nabad-sugidda Koonfur Galbeed
WARARKA

Al-Shabaab badan oo isku soo dhiibay ciidanka nabad-sugidda Koonfur Galbeed

21- April-2024 "Al-Shabaab badan oo isku soo dhiibay ciidanka nabad-sugidda Koonfur Galbeed Taliska Nabad Sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbdeed ayaa kusoo bandhigay magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay, xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo gaaraya illaa iyo 8 xubnood oo isku soo dhiibay ciidamadaasi. Xubnahan oo ka tirsanaa Al-Shabaab, ayaa u qaabilsanaa qeybaha kala ah, Jabhadaha iyo Xisbada. Isku soo dhiibistan ayaa kusoo aadeysa xilli uu ka socda deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya, wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana sii kordhaya xubnaha ka soo goosanaya kooxda ee isku soo dhiibaya dowladda, xilli ay sii xoogeysanayaan howlgallada dalka ka socda. Dhanka kale Galmudug, iyo Jubbaland, ayay iska soo dhiibeen xubno badan oo muddo ka ba...