Author: boodhari

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo la kulmay dhiggiisa dalka Kenya  William Ruto
WARARKA

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo la kulmay dhiggiisa dalka Kenya William Ruto

28-Feb-2024 Madaxweynaha Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Nairobi u jooga ka qeybgalka shirka Qaramada Midoobay ee deegaanka ayaa kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Kenya dhiggiisa dalkaas William Ruto. Kulanka labada Madaxweyne ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, adkeynta xiriirka diblomaasiyadda, shirka Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada iyo hiigsiyada horumarineed ee heer qaaradeed. https://twitter.com/BoodhariFarah/status/1762899294191853733?t=_YJQj_uQj-Wbhw2xE62POg&s=19 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Nairobi kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka wada hadlay iskaashiga labada dal oo ay ugu horeyso arrimaha amniga. iyo ilaal...
Hogaamiyayaasha Afrika ma riixi karaan aragti mideeysan oo ku aaddan xal u raadinta isbedelka cimilada khaarad ?
WARARKA

Hogaamiyayaasha Afrika ma riixi karaan aragti mideeysan oo ku aaddan xal u raadinta isbedelka cimilada khaarad ?

28-Feb-2024 Hogaamiyayaasha Afrika ma riixi karaan aragti mideeysan oo ku aaddan xal u raadinta isbedelka cimilada khaarad ay bulshadeedu la daalaadhaceyso Kuleyl daran ,Abaaro iyo daadad joogta ah oo xaaqay dalagyadii beeraha iyo xoolaha ? Abaaro iyo daadad is-daba-joog ah ayaa qalajiyay ama qaaday dalagyadii beeraha, xoolihiina xaalufiyay iyadoo Gaajada ka jirta meelo ka mida qaaradda uu sii kordhayo Bariga Afrika oo kaliya, Oxfam ayaa xisaabisay sannadkii hore in 13 milyan oo neef, oo qiimahoodu dhan yahay $7.4bn, iyo boqolaal kun oo hektar oo dalag ah la waayay, taasoo malaayiin qof ka dhigtay dakhli iyo cunto la,aan Iyadoo ay wajaheyso khatarta isbedelka cimilada, midnimada wadamada Afrika ayaa si isa soo taraysa uga muuqanaysa golayaasha gorgortanka, waxayna mudan tah...
Wasiir FIQI oo Maamulka Muusa Biixi ku eedeeyay dilkii uu ka badbaaday Ugaaska iyo tallaabo uu qaaday
WARARKA

Wasiir FIQI oo Maamulka Muusa Biixi ku eedeeyay dilkii uu ka badbaaday Ugaaska iyo tallaabo uu qaaday

28-Feb2024 Isku-dey fashilmay oo la rabay in khaarajiyo Ugaas dhaqameed reer waqooyi ah oo ku sugan Muqdisho ayaa banaanka soo dhigay cida ka dambeeysa dilalka qorshaysan ee dadka ka soo jeeda Somaliland loogu geeysto caasimadda Wasiir Fiqi ayaa Maamulka Somaliland ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi ku eedeeyay isku-deyga fashilmay ee la rabay in lagu khaarajiyo Ugaaska, oo isagu si adag uga soo horjeeda maamulka Biixi. “Ugaas Mahiigaan oo kamid ah dhaqanka ka soo jeedaa Gobollada Waqooyi ayaa ka badbaaday shirqoolka kooxo taabacsan Maamulka Gobolada Waqooyi waxayna u geysteen dhaawacyo culus,” ayuu Wasiir Fiqi qoraal uu soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter). Ugaas Axmed Saleebaan Shidde oo ka mid ah salaadiinta dhaqanka ee ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland ayaa sheegay i...
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Nairobi
WARARKA

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Nairobi

28-Feb-2024 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray caasimadda Kenya ee Nairobi. Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha JKIA EE Nairobi kusoo dhaweeyay madaxweyne kuxigeenka Kenya Rigathi Gachagua wasiirka gaashaandhigga kenya Adan Barre Ducaale iyo mas’uuliyiin kale. Madaxweyne kuxigeenka Kenya oo qoraal kooban kusoo qoray bartiisa Facebook ayaa yiri, “Kenya iyo Soomaaliya waxay leeyihiin xiriir qoto dheer oo faa'iido u leh labada dal. Anigoo ku hadlaya magaca Madaxweyne William Ruto, waxaa farxad inoo ah soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ku sugan magaalada Nairobi”. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka u jooga ka qayb galka shirka Qaramada Midoobay ee deegaanka (UNEA-6). Shalay a...
Uganda Oo Todobaadkii hore Somalia la gashay heshiis difaac ayaa maanta Itoobiya la sixiixatay Heshii difaac
WARARKA

Uganda Oo Todobaadkii hore Somalia la gashay heshiis difaac ayaa maanta Itoobiya la sixiixatay Heshii difaac

28- Feb -'2024 Uganda Oo Todobaadkii hore Somalia la gashay heshiis difaac ayaa maanta Itoobiya la sixiixatay Heshii difaac Dowladaha Uganda iyo Itoobiya ayaa galay heshiish is afgarad oo lagu xoojinaayo xidhiidhka ciidan iyo iskaashi ee labada dal. Heshiiskan ayaa waxaa wada saxiixday wafdi ka socda gaashaandhigga dalka Uganda iyo dawladda Itoobiya, xilli wafdigaasi ay booqasho ku gateen Addis Ababa. Wafdi ayaa ka koobnaa Wasiirka Gaashaandhigga dalka Uganda, Vincent Bamulangaki Ssempijja, iyo Taliyaha Ciidamada Ugaanda, Sareeye Guuto Wilson Mbasu Mbadi, waxaana wafdiga soodhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga dalka Itoobiya Abraham Belay iyo Taliye xigeenka Ciidamada Difaaca Itoobiya Generaal Abebaw Taddese. Labada Wasiir ee Gaashaandhig ayaa ayaa saxiixay heshiiska iyagoo...
Nuxurka Qodobada Heshiiska Iskaashiga Difaaca ee Soomaaliya iyo Turkiga” Warbixin
WARARKA

Nuxurka Qodobada Heshiiska Iskaashiga Difaaca ee Soomaaliya iyo Turkiga” Warbixin

28- Feb-2024 Madaxweynaha Turkey Recep Dayyib Erdogan, ayaa booqday Muqdisho 25 bishii Janaayo ee sanadkii 2015-kii, si uu u furo mashaariic ay Turkey ka hirgaliyeen Soomaaliya. Erdogan ayaa xariga ka jaray terminaalka cusub ee garoonka diyaaradaha aaden Cadde ee magaalada Muqdiosho. Sidoo kale Madaxweynaha Turkiye wuxuu dib u furay Isbitaalka Digfeer oo ay dayactirtay dowladda Turkey, kaasi oo loogu magac daray Erdogan. Erdogan oo Saxaafadda kula hadlay Muqdisho, ayaa sheegay in dowladda Turkey ay sii wadayso mashaariicda iyo taageerada Soomaaliya, waxa uu kaloo uu intaasi ku daray in uu mashaariic badan ka hirgalin doonno Soomaaliya, sidoo kalena ay dowladdiisu Muqdisho ka dhisan doonto safaarad weyn, taasi oo laga dhisay Degmada Cabdicasiis, taasi oo noqotay safaaraddii ugu we...
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka oo looga hadlay dardargalinta hawlgallada ciribtirka khawaarijta
WARARKA

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka oo looga hadlay dardargalinta hawlgallada ciribtirka khawaarijta

27-Feb-2024 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka oo lagaga hadlay dardargalinta hawlgallada ciribtirka khawaarijta, dhammeystirka bixitaanka ATMIS, iyo diyaar garowga qorshaha howlgalka kooban ee lagu xaqiijinayo amniga marka dalka ay ka baxaan ciidanka ATMIS . Madaxweynaha oo dhageystay warbixin ku saabsan qorshaha horumarinta amniga dalka, ayaa ku adkeeyay hay’aduha amniga in ay ka dhabeeyaan hirgelinta Habraaca Xakameynta Hubka iyo Rasaasta ee lagu maamulayo dalka, kaddib qaadistii cunaqabateynta hubka, waxa uuna tilmaamay in guusha laga soo hoyey qaadista cunaqabataynta hubka ay aas-aas u ahayd hirgelinta qorshaha ilaalinta saanadda iyo hubka Ciidamada Qalabka Sida. https://twitter.com/...
Soomaaliya oo shir caalami ah uga qayb-gashay magaalada Dooxa
WARARKA

Soomaaliya oo shir caalami ah uga qayb-gashay magaalada Dooxa

27-Feb-2024 Wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa Dalka Qadar ee magaalada Dooxa uga qeybgalay shirka Golaha Bariga dhexe ee Tayada iyo badqabka Daryeelka Caafimaadka (Middle East Forum on Quality and safety in Health care). Shirkani ayaa ahmiyad gaar ah siinayey sidii loo horumarin lahaa Tayada iyo badqabka daryeelka Caafimaadka si kor loogu qaado daryeelka bulshooyinka dalalka qeybta ah ah madashan baaxadda leh, inta uu shirkan socday ayaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Aden waxaa uu kulan doceedyo kala duwan la yeeshey Wasiirada dhiggiisa ah ee dalalka aan saaxiibada nahay. Si gaar ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo darye...
The meeting of the United Nations Environment Council opened in Nairobi, Kenya
WORLD

The meeting of the United Nations Environment Council opened in Nairobi, Kenya

27-Feb-2024 The meeting of the United Nations Environment Council has opened in Nairobi, Kenya, with the presence of leaders and delegates from the 193 countries that are members of the UN. The conference will discuss how to deal with environmental and climate issues, while improving the health of the world's most vulnerable people. The world's top decision-making body on the environment is meeting in Kenya's capital this week to discuss how countries can work together to tackle environmental crises like climate change, pollution and loss of biodiversity The world's top decision-making body on the environment is meeting in Kenya's capital this week to discuss how countries can work together to tackle environmental crises like climate change, pollution and loss of biodivers...