Author: boodhari

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo la magacaabay
WARARKA

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo la magacaabay

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho u magacaabay Mudane Maxamed Axmed Amiir oo ah aqoonyahan ka soo shaqeeyay arrimaha dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo maamulka iyo maaraynta. Madaxweynaha ayaa faray Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Iyo Duqa Muqdisho in uu sii dhammeystiro qorshayaasha horumarineed ee Caasimadda, isaga oo mudnaanta siinaya horumarinta magaalada, gaarsiinta bulshada Caasimadda doorasho dadweyne, sare u qaadista bilicda caasimadda, baahinta adeegyada aas-aasiga ah iyo adkeynta amniga. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, in uu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay in uu s...
Warankii Shalay ay Kenya nagu soo weerartay Maanta waxaa wata Itoobiya
WARARKA

Warankii Shalay ay Kenya nagu soo weerartay Maanta waxaa wata Itoobiya

Hogaamiyaha magaalo xeebeedka Koonfurta Somalia ee Kismaayo Axmed Madoobe oo ku Caasigaroobay Dowladda Soomaaliya ayaa Is,xasuusiyay Itoobiya oo dib u aqrisay doorkii uu ku lahaa dagaalkii Kenya ee ka dhanka ahaa Somalia intii lagu jiray dacwadii bada iyo raadinta damacii soo laabashada Farmaajo. Taliyihii hore ee NISA fahad yaasiin ayaa madaxa sirdoonka Kenya la wadaagay qorshe ay dowladii Farmaajo ku dooneeysay In Jubbaland Madaxweyne looga dhigo Omar iyadoo la raacayo khariiradii Laftagareen lagu geeyay Baydhabo. Si loo badalo Axmed madoobe ayaa u muuqatay talaabo aan meel mar noqon kareyn la,aanta taageerada ciidamada Kenya- laakiin tani waxay Kenya tustay In Axmed madoobe uu noqon karo Tuul ay gorgortan kula galaan Somalia Iyadoo Uhuru Kenyata ay gashay rajo ku aadan suurtagalni...
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamo ka tirsan Jubbaland ay ka goosteen degmada Beled Xaawo
WARARKA

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamo ka tirsan Jubbaland ay ka goosteen degmada Beled Xaawo

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamo ka tirsanaan jiray Jubbaland ay u goosteen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Ciidamadan ayaa lagu soo bandhigay xaflad fagaare ah oo ka dhacday degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo oo lagu muransan yahay. Saraakiil sarsare oo uu ka mid yahay taliyaha guutada 10-aad ee qeybta 43-aad ayaa bogaadiyay ciidamadan ka soo goostay, wuxuuna u ballan qaaday inay si buuxda uga mid noqon doonaan ciidamada qaranka. “Xuquuqda aad ku leedihiin ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa lagu ilaalin doonaa dowladda Federaalka,” ayuu taliyaha u sheegay ciidamada. Hoggaanka Jubbaland ayaa si degdeg ah u beeniyey sheegashadaas, iyagoo meesha ka saaray in ay tahay masrax siyaasadeed. General Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal), Wasiir...
Toddler among prisoners freed from Syria’s notorious ‘human slaughterhouse’ jail
WORLD

Toddler among prisoners freed from Syria’s notorious ‘human slaughterhouse’ jail

Families search Syria’s Sednaya Prison for loved ones after al-Assad’s fall Rescue teams scour the notorious prison near Damascus for detainees and hidden underground cells. Thousands of prisoners have been freed from Syria’s infamous jails as shocking footage emerged of a toddler appearing to be freed from a cell in the country’s “human slaughterhouse” jail. Just north of Damascus in the Saydnaya military prison women detainees, some with their children, screamed as men broke the locks off their cell doors as rebels overthrew the “barbaric” Assad family’s regime after 50 years of rule in Syria. Throughout Syria’s war, which began in 2011, security forces held hundreds of thousands of people in detention camps where international human rights organisatio...
Shirka Bani’aadanimada Soomaaliya oo ka furmay Dhuusamareeb
WARARKA

Shirka Bani’aadanimada Soomaaliya oo ka furmay Dhuusamareeb

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF) oo ka furmay magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay madaxda, martida iyo guud ahaan ka qeyb-galayaasha shirkaan oo saddexdii biloodba mar qabsooma. Guddoomiyaha ayaa si kooban kaga war-bixiyay xaaladda bani’aadannimo ee dalka isagoo xusay sida ay lama-huraan u tahay in shirkaan muhiimka ah ay ka soo baxaan qodobbo wax-ku-ool ah. Madasha ayaa isu keentay daneeyayaasha muhiimka ah si wax looga qabto caqabadaha bani’aadannimo ee ka jira Soomaaliya.
Al-Assad in Moscow, given asylum – Russian state media
WORLD

Al-Assad in Moscow, given asylum – Russian state media

Russian state news agencies have reported that former Syrian President Bashar al-Assad is in Moscow and has received asylum. Citing a source in the Kremlin, al-Assad and his family were granted asylum based on “humanitarian considerations”. The Russian Foreign Ministry said earlier that al-Assad had left Syria. Syrians around the world celebrate the fall of Bashar al-Assad Syrians celebrate Bashar al-Assad’s fall as rebels seize control of Damascus, forcing the ousted president to flee. Syrians gathered in cities around the world to celebrate the fall of Bashar al-Assad’s government with chants and prayers after opposition fighters entered the capital Damascus following a stunning advance. The Syrian opposition said that it had defeated al-Assad’s regime in the early...
22 Tahriibayaal Somali ah ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya Soo Badbaadisay
WARARKA

22 Tahriibayaal Somali ah ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya Soo Badbaadisay

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa, kuwaasi oo muddo 3 bilood ah ku xirnaa xabsiyo ku kala yaalla magaalooyinka Dungula iyo Gadaarif. Sii-hayaha safaaradda Soomaaliya ee Portsudan Axmed Suudaani ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Portsudan ka sagootiyey dhalinyaradan oo tiradoodu tahay 22 qof. 17 kamid dhalinyartan lagu guuleystay sii dayntooda ayaa wiilal ah, halka 5 ay yihiin gabdho, waxaana markii hore lagu qabtay iyagoo ku socda qaab tahriib ah. Sii deyntooda ayaa waxaa door weyn ku laheyd hay’adda IOM oo kaashanaysa xafiiskeeda ka hawl-gala Portsudan. Waxaa sidoo kale weli gacanta hay’adaha amniga ee dalka Suudaan ku jira saddex qof oo dhalinyaro ah, kuwaas oo baaritaan uu ku socdo, waxaana la rajeynayaa in si dhow lo...
ITOOBIYA oo hub ka dejisay Kismaayo iyo DF oo digniin culus soo saartay
WARARKA

ITOOBIYA oo hub ka dejisay Kismaayo iyo DF oo digniin culus soo saartay

Maamulka Adisababa ayaa hub iyo saanad Miltari ooy ku taageeyreyso hogaamiya kooxeed ku Caasigaroobay Dowladda dhexe ee Somalia ka dejisay magaalo xeebeedka Koonfurta Somalia ee Kismaayo Faragalinta Itoobiya ee arimaha Somalia ayaa ka sii daraya Iyadoo ay taagan tahay xiisadii ka dhalatay ku xadugudbka Madaxbanaanida dhuleed ee Somalia Xogta diyaaradahan oo maanta ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay digniin u dirtay Itoobiya, iyadoo sheegtay inay diyaar u tahay ka difaacidda dalkeeda cid kasta oo ku soo xad-gudubta. Dawladda Soomaaliya waxay si dhow ula socotaa dhaq-dhaqaaqyada kasoo cusboonaaday xuduudaha ay la leedahay dalka Itoobiya iyo ficilada gurracan ee ay ka waddo dowladda Itoobiya,” ayaa lagu yiri qoraal maanta kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaal...
Kulamada Super Sunday Arsenal Oo Barbaro lagu Qabtay+
SPORTS, WARARKA

Kulamada Super Sunday Arsenal Oo Barbaro lagu Qabtay+

Arsenal ayaa laga diiday gool soo daahay iyada oo lumisay fursad ay hogaanka Premier Leaque-ga ugu soo dhawaan lahayd 4 dhibcood kadib markii ay barbaro la gashay Fulham garoonka Craven Cottage. Bukayo Saka ayaa u maleeyay inuu saddexda dhibcood siiyay Gunners markii uu madax ku dhaliyay karoos uu soo dhigay Gabriel Martinelli oo labo daqiiqo ka dhiman tahay, laakiin goolka waa la diiday ka dib markii ciyaaryahanka reer Brazil la ogaaday inuu offside ku jiray intii ay socotay ciyaarta. Raul Jimenez, oo dhaliyay goolkiisii ​​lixaad ee xilli ciyaareedkan, ayaa Fulham hogaanka u dhiibay ciyaarta, markii uu kubad uu soo dhigay Kenny Tete ku dhegay khadka si uu u dhaafo David Raya oo xagal cidhiidhi ah ka soo qaaday. Laakiin kooxda Mikel Arteta ayaa barbaro gashay lix daqiiqo gudah...
Colaadda ka taagan Itoobiya oo ka sii dareysa
WARARKA

Colaadda ka taagan Itoobiya oo ka sii dareysa

Dalka Itoobiya oo xarun u ah ururka Midowga Afrika, waxaa in muddo ahba ka jiray colaado sokeeye oo u dhaxeeyay maleeshiyaadka qaar ka mid ah qowmiyadaha iyo ciidanka milatariga dowladda federaalka. Waxaa jira warar sheegaya in dhawaan ay dhaceen howlgallo millatari, weeraro ay fuliyeen fallaagada, duqeymo dhanka cirka ah oo loo gaystay tuulooyin, dad la gowracay iyo dhacdooyin kale oo naxdin leh. Itoobiya: Dagaalo u dhaxeeya Maleeshiyada Fano Iyo Askarta u daacada Maamulka Abiy oo ka dhacay magaalada Shewa Robit ee Waqooyiga Gobolka Axmaarada khamiistii Iyo Jimcihii la soo dhaafay ayaa waxaa ka dhashay dhimasho naxdin leh oo ku timid caruur uu ka mid yahay ilmo yar oo afar bilood jir ah, waxaana ku dhaawacmay tiro kale sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.