Author: boodhari

Muqdisho: Shir-balaaran Oo laysugu Yimd ayaa looga Hadlay sidii siyaasad Qaran looga yeelan lahaa dhibaatada tahriibka
WARARKA

Muqdisho: Shir-balaaran Oo laysugu Yimd ayaa looga Hadlay sidii siyaasad Qaran looga yeelan lahaa dhibaatada tahriibka

15- April-2024 Shirkan oo uu soo qaban qaabiyay Xafiiska Ergayga gaarka ah ee Madaxweynah JFS u qaabilsan Arrimaha Muhaajiriinta ,Soogalootiga iyo xuquuqda carruurta, loogana hadlayay in siyaasad Qaran laga yeesho  yareynta Tahriibka iyo sidii dib loogu soo celi lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan wadamada Caalamka ee doonaya in ay dalka dib ugu soo laabtaan, waxaa ka qeybgalay Wasiirada Wasaaradaha ay quseyso iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay shirka. Egayga Madaxweynah Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Arrimaha Qaxootiga Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf ayaa masuuliyiinta sha犀利士 rka ka qeybgashay uga warbixisay waxyaabihii u soo qabsoomay Xafiiska iyo xog uruurintii uu sameeyay intii uu jiray ee ku aadan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan Caalamk...
Somalia: Dowladda Oo war kasoo saartay cabasho ka soo yeertay dadka Beeraleyda Ah.
WARARKA

Somalia: Dowladda Oo war kasoo saartay cabasho ka soo yeertay dadka Beeraleyda Ah.

15- April-2024 Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS Maxamed Cabdi Xayir (Mareeye) ayaa ka jawaabay cabashooyin isa soo tarayay oo ka taagan magaalada Muqdisho. Beeralayda caasimada ayaa dhawaan cabasho xooggan ka muujiyay ciidamada jooga baraha lagu baaro baabuurta sida khudaarta soo gasha magaalada Muqdisho. Wasiirka oo ganacsatada uga cudur daaray culeyska ay kala kulmaan soo gelinta khudaarta ee caasimada ayaa waxa uu ciidamada ka dalbaday in loo fududeeyo baarista kala duwan ay maraan baabuurta sida khudaarta, si looga baaqsado khasaaraha ay ka cawdeen ganacsatada, maadaama ay ku jiraan dalagyo aan muddo badan ooli karin banaanka Beeraleyda Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in wasaaradda ay u taagan tahay inay caawiso beeraleyda, in ay u sameyso waxkasta oo dh...
Guuldaradii lama filaanka ahayd ee Liverpool, kadib Arsenal ayaa si quus ah u niyad jabtay + kulamada kale
SPORTS, WARARKA

Guuldaradii lama filaanka ahayd ee Liverpool, kadib Arsenal ayaa si quus ah u niyad jabtay + kulamada kale

15-April-2024 Arsenal 0-2 Aston Villa Aston Villa ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah oo ay Arsenal kaga yaabsatay Emirates Stadium waxayna Manchester City kaga soo baxday kaalinta ugu wayn ee tartanka horyaalka Premier League. Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si heer sare ah oo ay Gunners u wada sugayeen kadib guuldaradii lama filaanka ahayd ee Liverpool ka soo gaadhay garoonkeeda Crystal Palace laakiin Arsenal ayaa si quus ah u niyad jabtay waxayna ku dhamaatay si fiican loo garaacay iyada oo tababaraha Villa Unai Emery uu guul ku soo laabtay kooxdiisii ​​hore. https://twitter.com/BoodhariFarah/status/1779571278417961130?t=MILTbRs9D67UCs8Smg7V0A&s=19 Arsenal ayaa nasiib u yeelatay in ay barbaro ku sii j壯陽藥 irto wakhti dheer oo ay ka hortimid kooxda martida...
Putland Iyo Burcadbadeedii heysatay Markabkii Bangaladesh oo Isku qabsaday lacagtii Madaxfurashda
WARARKA

Putland Iyo Burcadbadeedii heysatay Markabkii Bangaladesh oo Isku qabsaday lacagtii Madaxfurashda

15- April-2024 Sida ay baahiyen warbaahinta dalka Bangaladesh, burcad baddeeda Soomaalida ee gacanta ku hayey markabka MV Abdullah ayaa sii daayey markabka iyo shaqaalahii saarnaa. Mizanul Islam, oo ah la taliyaha warbaahinta ee Kooxda KSRM, ayaa xaqiijiyey sii daynta markabka sida ay ku warantay warbaahinta dalka Bangaladesh. Wuxuu sidoo kale sheegay in dhamaan 23kii badmaax ee markabka saarnaa sidoo kale la sii dayey xilli danbe oo habeenimadii axada ahayd. Sidoo kale laanta Laanta EUNAVFOR ATALANTA STRATCOM ee ciidamada badda Midowga Yurub ee ku sugan galbeedka badweynta Hindiya ayaa BBC u xaqiijiyay in markabka la sii daaya Warar aan si madaxbanaan BBC du u xaqiijin ayaa sheegaya in raggii burcad baddeeda ahaa ay markabka ku sii daayeen lacag madax furasho ah oo dhan...
Faah-faahino kasoo baxaya duqeymo xalay ka dhacay gobolka Hiiraan
WARARKA

Faah-faahino kasoo baxaya duqeymo xalay ka dhacay gobolka Hiiraan

14- April-2024 Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay diyaarado dagaal ay duqeymo ka fuliyeen aagga degmada Buulo-burde ee gobolkaasi, taas oo lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen xubnaha Al-Shabaab. Weerarkan oo ay fuliyeen saaxibada caalamiga ah oo kaashanaya ciidamada dowladda ayaa si gaar ah looga fuliyay deegaanka Jicibow oo 20 KM u jira degmadaasi. Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in weerarkan lagu beegsaday goob ay isku uruursanayeen xubnaha Al-Shabaab, isla markaana khasaare culus lagu gaarsiiyay. Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in la burburiyay saldhig ay kooxda ku lahayd halkaasi, lana gubay dhammaan wixii u yiilay halkaasi. Hiiraan ayaa kamid ah gobollada ay si wayn uga socdaan howlgallada lagula dagaalamayo...
Watch Live : Iran launches over 100 explosive drones toward Israel in first ever direct attack
WORLD

Watch Live : Iran launches over 100 explosive drones toward Israel in first ever direct attack

13-April-2024- Reuters and Aljazeera https://www.youtube.com/live/gCNeDWCI0vo?si=5lHh4ik08YkPU-r9 A look at what happened today Air raid sirens are sounding across Israel as Israel’s air defence system actively intercepts incoming Iranian attacks in the skies above Tel Aviv and Jerusalem. Iran’s mission to the UN says Iran’s mission to the UN says its drone and missile attack on Israel was a response to Israel’s April 1 attack on its embassy in Damascus, Syria and that the “matter can be deemed concluded”. Netanyahu has convened Israel’s war cabinet with military spokesperson Daniel Hagari describing the attack as “a severe and dangerous escalation”. US National Security Council spokesperson Adrienne Watson says President Biden is being “regularly updated” and th...
Wasiir Fartaag Oo muujiyay suurtagalnimada bilaha fooda nagu soo haya In Khawaarijta Alshabaab laga weyi doono Deegaanno badan oo dalka ah
WARARKA

Wasiir Fartaag Oo muujiyay suurtagalnimada bilaha fooda nagu soo haya In Khawaarijta Alshabaab laga weyi doono Deegaanno badan oo dalka ah

13- April-2024 Wasiir Fartaag oo la hadlay warbaahintab dowlada ayaa muujiyay suurtagalnimada bilaha fooda nagu soo haya Khawaarijta Alshabaab in laga weyi doonaa Deegaanno badan oo dalka ah Warbixin Dheeho News Every Day Wasiirka cusub ee amniga dalka mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa sheegay in ay dardar ku socdaan howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda dalka, kuwaas oo uu sheegay in guulo la taaban karo laga gaaray. Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in howlgallada ay ka socdaan dhammaan maamul gobolleedyada dalka gaar ahaan Galmudug, Hirshabeelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, wuxuuna carabka ku adkeeyay in la wiiqay awooddoodii, billaha soo socdana laga nadiifin doono deegaannada fara ku tiriska ah ee ay kaga harsan yihiin maamulada Galmudug iyo...
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo si rasmi ah xilka ula wareegay 
WARARKA

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo si rasmi ah xilka ula wareegay 

13- April-2024- Muqdisho Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xilka la wareegay, iyada oo uu ku wareejiyey sii-hayihii ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda mudane Cali Cumar (Cali Balcad). Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo ka hadlay munaasabadda xilwareejinta ee ka dhacday xarunta Wasaaradda ayaa ugu horreyn u mahadceliyey Madaxweynaha JFS mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Xamsa Cabdi Barre oo u gartay in xilkan cusub ugu adeego qaranka, waxaa uu ballanqaaday xoojinta kaalinta diblomaasiyadda iyo muuqa siyaasadda Arrimaha Dibadda Soomaaliya isaga oo intaa raaciyay inuu ka shaqeyn doono difaaca danaha dowladda, sarreynta qadiyadaha iyo mas...
Dheeho Cusbooneeysiinta Wararka Ciyaaraha
SPORTS, WARARKA

Dheeho Cusbooneeysiinta Wararka Ciyaaraha

13- April-2024 Man City 5-1 Luton Manchester City ayaa hogaanka Premier League la wareegtay ugu yaraan hal maalin kadib markii ay guul la saadaalin karo ka gaadhay kooxda dhibtoonaysa ee Luton Town. City ayaa hogaanka ciyaarta ku haysay 65 ilbiriqsi ka dib markii ay ku ciyaareen garoonka Etihad Stadium markii Erling Haaland uu kubad laad ku garaacay Luton's Daiki Hashioka ka hor inta uusan u duulin shabaqa. Wax ka badan hal saac ayay ku qaadatay City in ay laba jibaarto hogaanka ciyaarta, waxaana u dhaliyay Mateo Kovacic, goolkaas oo ka kacay meel u dhow cidhifka aagga. Haaland ayaa ciyaarta ka dhigay rigoore ka dib markii uu Jeremy Doku qalad ku galay Fred Onyedinma. https://twitter.com/BoodhariFarah/status/1779182644380500190?t=8690nTSBUtl4N2rdEfC9-Q&s=19 W...
Muxuu yahay Ujeedada Socdaalkooda Saraakiil Itoobiyaan Ah oo maanta gaaray magaalada Garoowe?
WARARKA

Muxuu yahay Ujeedada Socdaalkooda Saraakiil Itoobiyaan Ah oo maanta gaaray magaalada Garoowe?

April 13, 2024 illo ku dhowdhow Somaliland ayaa shedgaya in Saraakiil ka socda Itoobiya oo Puntland kala hadlaya sidii Khaatumo dib loogu celin lahaa gacanta Muuse Biixi inay gaareen magaalada Garoowe Dheeho News Every Day Wafdi ka socda dowladda federaalka Itoobiya ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta ee xarunta gobolka Nugaal, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamul goboleedka Puntland. Wafdigan ayaa ka kooban xubno ka socda sirdoonka Itoobiya, milatariga dalkaas iyo saraakiil kale oo ku dhow xafiiska ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo maalmihii u dambeeyay iskaashi toos ah la sa Wararka ayaa sheegaya in saraakiishan ka socda Itoobiya loo sii gudbiyay deegaano dhaca dhanka xeebta oo ka kala tirsan gobollada Nugaal iyo Bari ee maamulkaasi. ...