Author: boodhari

Sheekh Shariif oo war kasoo saaray shirkii Nairobi uga socday isaga iyo Madaxweynaha
WARARKA

Sheekh Shariif oo war kasoo saaray shirkii Nairobi uga socday isaga iyo Madaxweynaha

13-April-2024 Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa warsaxaafadeed uu kasoo saarar shirkii magaalada Nairobi uga socday isaga iyo madaxweynaha hadda Xasan Sheekh Maxamuud; waxa uu ku sheegay in ay xal ka gaari waayeen waxyaabihii ay ka wada hadleen. “Dood dheer ka dib, xal waan犀利士 ka gaari weynay dhamaan qodobadii aan ka doodnay,” ayu uku yiri Sheekh Shariif warsaxaafadeedka oo lagu daabacay bogaggiisa baraha bulshada. Hase yeeshee Sheekh Shariif ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in khilaafka siyaasadda ee dalka lagu xalliyo “wadahadal iyo isqancin”. Qoraalka ayuu Sheekh Shariif ku sheegay in ay shirka kaga wad hadlayeen saddex qodob oo kala ah; Arrimaha Dastuurka, Arrimaha siyaasadda iyo mustaqbalka dalka iyo khilaafka DFS & Dawlad Gobolee...
Chelsea ayaa hogaanka u haysa kharashaadka kooxaha Premier League ay bixiyeen xiliciyaareedka 2023-2024
SPORTS, WARARKA

Chelsea ayaa hogaanka u haysa kharashaadka kooxaha Premier League ay bixiyeen xiliciyaareedka 2023-2024

12-April-2024 Chelsea ayaa hogaanka u haysa kharashaadka kooxaha Premier League ay bixiyeen xiliciyaareedka 2023-‐ 2024 Chelsea oo ku jirta kaalinta 9aad ayaa qarashgareeysay aduun gaaraya (£75.1m) iyadoo aad uga nadan naadiayada ay ku xifaaltamaan Premier League, Manchester City ayaa ku xigta oo bixisay (£60.6m) halka Manchester United oo ah kooxda saddexaad ee ugu kharash gareynta badan ay gaareeyso (£34m) – iyagoo bixiyay wax ka yar kala bar wadarta guud ee Chelsea. Liverpool (£31.5m), Arsenal (£24.7m) iyo Aston Villa (£21.1m) dhamaantood waxay ku qarash gareeyeen in ka badan 20 milyan ginni oo ay ku soo iibsadeen wakiillada, iyadoo Tottenham (£19.7m) iyo Newcastle United (£18.8m) ay ku dhow yihiin sida lagu sheegay tirokoobyada ay soo saareen xiriirka kubbadda cagta Ing...
Maxay tahay warka ay beenisay DFS ee ay faafisay Reuters?
WARARKA

Maxay tahay warka ay beenisay DFS ee ay faafisay Reuters?

12- April-2024- Muqdisho “Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay si xooggan u diiddan tahay, ayna beeninaysaa warka ay faafisay Wakaaladda Wararka Reuters ee ah in kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne William Ruto ku dhexmarey magaalada Nairobi lagu soo hadal qaadey soo jeedin la xiriirta heshiis arrimaha badda ee dalalka gobolka gelayaan,” ayuu yiri wasiir Daa’uud Aweys. Wasiirka wafaafinta dowladda federaalka Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa soo saaray qoraal uu ku beeniyey war ay shalay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters, kaas oo sheegayey in laga wada xaajooday xiisadda badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya ka dhaxeysa. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay shalay in Kenya ay soo jeedisay heshiis badda ah, si loo qaboojiyo xiisadda u dhexeysa ...
Maddaxweyne Xasan Sheekh Oo Ugu Hambalyeeyay Ciidamada Xoogga dalka Maalinta 12_ka April oo Ku aadan Sanadguurada 64 aad ee Aasaaskii
WARARKA

Maddaxweyne Xasan Sheekh Oo Ugu Hambalyeeyay Ciidamada Xoogga dalka Maalinta 12_ka April oo Ku aadan Sanadguurada 64 aad ee Aasaaskii

Mugdisho, Abriil 12, 2024: 壯陽藥 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Hambalyo u diray Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Maalinta 12_ka April oo Ku aadan Sanadguurada 6⁴ ee Aasaaskii militariga Somalia Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoysaskooda sannaD guurada 64-aad ee ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa xusay in qaadista cunaqabataynta hubka oo dowladdu ay dadaal ku bixisay ay horseedi doonto qalabaynta, tayeynta iyo xoojinta cududda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayna ka soo kaban doonaan, haddii Alle idmo, dhaawacii ka soo gaaray b...
Apple says it will fix ‘bug’ recommending Palestinian flag emoji
WORLD

Apple says it will fix ‘bug’ recommending Palestinian flag emoji

12-April-2024 Apple has said it will fix a “bug” that suggests an emoji for the Palestinian flag when some iPhone users type “Jerusalem” in messages. The US technology giant on Thursday blamed a software issue for the suggestion that had appeared on the latest update of its iOS operating system for some users and said it was not intentional. This does not appear to have affected all users, with those in the United States reporting they did not get that suggestion after typing in the word. British television presenter Rachel Riley pointed out the emoji suggestion on social media, bringing up a long-standing debate over whether Israelis or Palestinians have the right to refer to Jerusalem as their capital. Palestinian leaders see occupied East Jerusalem as the capital of t...
Dowladda Soomaaliya oo beenisay inay heshiis la galeyso Itoobiya
WARARKA

Dowladda Soomaaliya oo beenisay inay heshiis la galeyso Itoobiya

MUQDISHO — 12 April-2024 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay wararar soo baxay Khamiistii, kuwaas oo sheegayay inay Itoobiya la galeyso heshiis dhanka badda ah oo lagu qaboojinayo xiisadda diblomaasiyadeed ee ka dhalatay is-afgaradkii ay la gashay Somaliland. "Wararka ku saabsan heshiiska badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ah kuwo aan sal iyo raad toona lahayn." ayuu boggiisa rasmiga ah ee X, kusoo qoray Cali Cumar ah oo ah wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Federaalka Soomaaliya. Cali Cumar ayaa intaas raaciyay "Soomaaliya waxay ku adkaysanaysaa madax-banaanideeda dhuleed. Waxaan ku baaqaynaa in diiradda la saaro nabadda iyo xasilloonida gobolka." Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa Khamiistii qortay in mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Ke...
Go’aankii DF ee xirista qunsuliyadaha Itoobiya oo todobaad kadib shaqeyn waayay
WARARKA

Go’aankii DF ee xirista qunsuliyadaha Itoobiya oo todobaad kadib shaqeyn waayay

2- April-2024 Waxa aan shaqeyn go’aankii ay dowladda federaalka Soomaaliya ay ku amartay in lagu xiro qunsuliyadaha Itoobiya ay ku leedahay magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe. Amarka xirista qunsuliyadaha Itoobiya ayaa Golaha Wasiirrada Soomaaliya waxay soo saareen 4-tii bishaan, ayada oo uu ku ekaa Khamiistii shalay, welina dhaqan-gal ma noqon amarkaasi. Labada qunsuliyadood ayaa si caadi ah u shaqeynaya haatan, ayada oo aysan jirin wax saameyn ah oo uu ku yeeshay amarka kasoo baxay dowladda fedaraalka Soomaaliya, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen illo-wareedyo muhiim ah Go’aanka dowladda federaalka ayaa waxaa horey gaashanka ugu daruuray Somaliland iyo Puntland oo ayagu sheegay in go’aannada dowladda federaalka aanu ka shaqeyn deegaanadooda. Labada maamul ayaa mid...
Kenya oo soo bandhigtay heshiis lagu qaboojinayo xiisadda Somalia & Itoobiya
WARARKA

Kenya oo soo bandhigtay heshiis lagu qaboojinayo xiisadda Somalia & Itoobiya

12/04/2024" Mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Kenya ayaa Khamiistii sheegay in Kenya ay soo jeedisay in heshiis dhinaca badda ah ay galaan dalalka IGAD, si loo qaboojiyo xiisadda u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya ee ka dhalatay heshiis u ogolaanaya Itoobiya inay saldhig ciidan ka sameysato badda, isla markaana ay hesho deked ku taalla xeebaha Somaliland ee Soomaaliya. Itoobiya oo ah dal aan bad laheyn ayaa 1-dii January is-afgaradka la gaartay Somaliland, kaasi oo Somaliland ay ku sheegtay inay marin-badeed 20 km ah kaga kiraynayso Itoobiya muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somailand u fidinayso aqoonsi. Is-afgaradkan ayaa keenay in Soomaaliya ay si adag uga jawaabto. Korir Singwe oo ah xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa u sheegay wakaalada wararka ee R...
Somalia & Kenya Oo kawada hadlay Qorshe wada jir ah oo lagu cirib-tirayo argagaxisada gobolka
WARARKA

Somalia & Kenya Oo kawada hadlay Qorshe wada jir ah oo lagu cirib-tirayo argagaxisada gobolka

11- April-2024 - Nairobi Somalia & Kenya Oo kawada hadlay Qorshe wada jir ah oo lagu cirib-tirayo argagaxisada gobolka oo khatar Amnidaro Ku heysa Labada Dal ee dariska Ah. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta safar shaqo ku tegay dalka Kenya ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxweynaha dalka Kenya Mudane William Ruto Labada Madaxweyne ayaa ka wada-hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Labada dal, amniga xuduudaha Soomaaliya iyo Kenya, sida lagu shaaciyay bayaan kooban oo kasoo baxay Villa Somalia. Sidoo kale labada madaxweyne ayaa waxay kulankaan diirada ku saareen arrimaha dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, daris-wanaagga iyo xasilloonida gobolka. https://twitter.com/BoodhariFarah/status/17784731...
Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho Oo U Socdaalay dalka Kenya
WARARKA

Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho Oo U Socdaalay dalka Kenya

11- April-2024- Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah oo hal maalin ah ku jooga magaladda Nairobi ayaa ka helay casuumaada dhigiisa madaxweynaha dalka Kenya William Ruto. Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Xudeyfi oo faahfaahin ka bixiyey safarka uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in u daaran yahay Adkewynta xiriirka labada dal,iskaashiga dhanka ganacsiga iyo cilaaqaadka labada dal ka dhexeeya. Dhanka kale waxay ka wadda hadli doonaan labada madaxweyne sidii ay isaga kaashan lahayeen la dagaalanka Argagixisada,maadaama ay caqabad weyn ku yihiin geeska Afrika.Kulanka ay yeelanayaan Madaxweynayaasha Xasan Sheekha iyo William Ruto ayaa la rajeynaya in ay ka soo baxaan wadda hadalo mira dhal a...