Author: boodhari

Daawo: Madaxweyne Xasan Oo ka qeyb-galay Munaasabadd Xilka loogu kala wareejinayay Agaasimahii hore ee NISA Iyo Agaasimaha Cusub
WARARKA

Daawo: Madaxweyne Xasan Oo ka qeyb-galay Munaasabadd Xilka loogu kala wareejinayay Agaasimahii hore ee NISA Iyo Agaasimaha Cusub

Muqdisho, April 09, 2024; MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QEYB-GALAY MUNAASABAD UU XILKA KULA WAREEGAYEY AGAASIMAHA HAY’ADDA NABAD-SUGIDDA IYO SIRDOONKA QARANKA Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay munaasabad ay xilka kula kala wareegayeen Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee dhawaan la magacaabay Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Shanbaloolshe) iyo Agaasimihii Hore, Mudane Mahad Maxamed Salaad. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Taliyihii Hore ee Hay’adda Mudane Mahad Salaad dadaalka uu ku bixiyey horumarinta shaqada Hay’adda, isagoo u rajeeyey Taliyaha cusub in uu ka soo dhalaalo waajibaadka adag ee horyaalla. https://twitter.com/BoodhariFarah/status/1777748625956774058?t=m1QsktuFZSuOHHh6JCBCn...
Champions League: Bayern oo u safartay Arsenal Iyo Real Madrid Oo Martigalisay Manchester City
SPORTS, WARARKA

Champions League: Bayern oo u safartay Arsenal Iyo Real Madrid Oo Martigalisay Manchester City

Muqdisho, April 09, 2024; Real Madrid 3-3 Man City Kooxda difaacanaysa koobka ee Manchester City iyo Real Madrid a壯陽藥 yaa lix gool ku wadaagay ciyaar xamaasad leh si ay uga soo baxaan wareega 8 dhamaadka Champions Leaque-ga kadib lugtii hore ee Bernabeu. Kooxda Pep Guardiola ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 2-aad ee ciyaarta markii Bernardo Silva uu si xariif ah u dhaliyay laad xor ah oo meel 25 yards u jirtay darbiga, wuxuuna daba mariyay Andriy Lunin. Laba weerar oo is daba joog ah ayaa keenay in kooxda 14-ka jeer ku guuleysatay koobka Yurub ee Madrid. Ugu horeyn Eduardo Camavinga ayaa kubad uu meel dheer ka soo tuuray ku garaacay Ruben Dias, waxaana uu ka soo tuuray geesta fog ee goolka Stefan Ortega, ka hor inta uusan Rodrygo gadaal ka soo gelin daafaca C...
Duulimaadyadii caalamiga ahaa ee Muqdisho oo gebi ahaan istaagay
WARARKA

Duulimaadyadii caalamiga ahaa ee Muqdisho oo gebi ahaan istaagay

9-April-2024 Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta diyaaradaha caalamiga ah ee imaan jiray caasimada ay joojiyeen gebi ahaan duulimaadyadii tooska ahaa ee ay ku tegi jireen garoonka Aadan Cadde. Diyaaradaha waa weyn ee duulimaadyadooda joojiyay waxaa kamid ah Turkiga, Qatar iyo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo keeni lahaa rakaab, kuwa kalena qaadi lahaa. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in sababta ay u baaqdeen diyaaradahan ay tahay, kadib digniintii kasoo baxday Mareykanka oo shaa壯陽藥 ciyay inay jirto halis wayn oo amniga, ayna suuragal tahay in garoonka iyo meelo kale la weerari karo. Dhanka kale ma cadda in iyana ay soo dagi doono diyaaradda shirkadda Itoobiya oo iyana kamid ah duulimaadyada maanta la filayay inay soo gaaraan m...
hoobiyeyaal xalay lagu weeraray aagga Villa Somalia
WARARKA

hoobiyeyaal xalay lagu weeraray aagga Villa Somalia

9 April-2024 Xalay saqdii dhexe Muqdisho xaafado kamid ah waxaa laga maqlay madaafiic culus oo ku dhaceysay xaafado ka tirsan degmada Warta-nabadda ee gobolka Banaadir iyo aagga Madaxtooyada Qaranka ee Villa Somalia. Dadka Muqdisho oo u diyaar-garoobayay xalay maalintii ugu dambeysay ee bisha barakeysan Ramaadaan ayaa waxay maqleen dhawaaqa jug culus oo ku dhaceysay isla Muqdisho meelo kamid ah Madaafiicda ayaa waxaa lasoo warinayaa inay ku dhaceen degmada Warta-nabadda ee gobolka Banaadir, dhabarka dambe ee Madaxtooyada xaafado ku teedsan, waxaana jira khasaare ka dhashay weerarkan. Wararka laga helayo ayaa intaas kusii daraya inay jiraan khasaare dhaawacyo, inkasta oo illaa hadda aan la ogeyn khasaare dhimasho oo ka dhashay weerarka madaafiicda ah Madaafiicdan ayaa sar...
Muqdisho oo aad loo adkeeyay Amnigeeda Inta lagu jiro Munasaabada Ciidulfitriga
WARARKA

Muqdisho oo aad loo adkeeyay Amnigeeda Inta lagu jiro Munasaabada Ciidulfitriga

8- April-2024- Muqdisho Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaalieed Sareeyo Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa caawa cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed kala qeyb galay afur wadareed oo lagu dhiir galinayo Ciidankaasi maadama ay shaqo muhiim ah ka hayaan magalada Muqdisho ee Caasimada Dalka, U jeedka Taliyaha ciidanka Booliiska ee kulankan afurka ah kala qeybgalay ayaa ahaa dhiiragalin iyo in la isfaro Holwaha shaqo ee Horyaala Ciidanka maamada ay nagu soo foodleedahay Maalmaha farxadda Ciida, Sareeyo Guuto Sulub Axmed Firin oo afurka ka dib lahadalay Ciidanka ayaa faray in la dar dargaliyo Howlaha shaqo ee Horyaalo lana xiriira sidii loo laba jibaari lahaa sugidda amniga Caasimada iyo nawaaxigeeda, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa mudooyinkii dambe laba ji...
Safaarada Mareykanka ee Muqdisho oo Afur U Sameeysay..
WARARKA

Safaarada Mareykanka ee Muqdisho oo Afur U Sameeysay..

8- April- 2024 Sii hayaha xilka haya Shane Dixon ayaa afur u sameeyay asxaabta iyo saaxiibada Soomaaliyeed. Afurka ayaa ku asteysanaa xilligaan barakeysan ee cibaadada, korriinka iyo dib u cusboonaysiinta ballanqaad犀利士 ka si loo abuuro adduun dulqaad iyo naxariis badan. Ramadaan Mubaarak! 🌙#Soomaaliya 🇺🇸🇴 https://twitter.com/BoodhariFarah/status/1777420484545548720?t=nmqWyI9ME8raTbkgZicoOg&s=19
Sacuudi Carabiya oo ku dhawaaqday Arbacada 10ka April Inay Tahay maalinta Ciidul Fidriga ee sanadka 2024-ka
WARARKA

Sacuudi Carabiya oo ku dhawaaqday Arbacada 10ka April Inay Tahay maalinta Ciidul Fidriga ee sanadka 2024-ka

8- April- 2024 Sacuudi Carabiya oo ku dhawaaqday maalinta Ciidul Fidriga ee sanadka 2024-ka Qiyaastii 1.9 bilyan oo muslimiinta caalamka ah ayaa Isu diyarinaya Maalinta koowaad ee Ciidda oo agu wado Arbacada 10ka April Iyadoo aan la arkin dayax cusub fiidnimadii Isniinta kadib salaaddii Maqrib Muslimiinta ku nool caalamka waxay soomi doonaan hal maalin oo kale, iyagoo dhameystiraya 30 maalmood oo Ramadaan ah Cidul-fidriga oo ah “Iidda Afurka”, ayaa waxaa u dabaaldagaya dhammaadka bisha Soonka ee Ramadaan Muslimiinta caalamka oo dhan. Dhaqan ahaan, Ciidda ayaa saddex maalmood si rasmi ah looga ciiday dalalka ay Muslimiinta u badan yihiin. Si kastaba ha ahaatee, tirada maalmaha fasaxyadu way kala duwan yihiin waddan ahaan. Muslimiinta ayaa ku billaaba dabaaldega maalint...
Uganda Koox fanaaniin ah ayaa  loo xiray inay ‘aflagaado’ u geeysteen Madaxweyne Museveni
WARARKA

Uganda Koox fanaaniin ah ayaa loo xiray inay ‘aflagaado’ u geeysteen Madaxweyne Museveni

8-April -2024 Siddeed xubnood oo ka tirsan koox faneedka Uganda ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii ay ka cawdeen khudbaddii madaxweynaha ee usbuuca dhamaadkii in ay ahayd mid aad u dheer, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha. Cabashada ka soo yeertay mid ka mid ah kooxda fanka ayaa loo arkayay mid lagu bahdilayo Madaxweyne Yoweri Museveni, oo ka hadlayay xafladdii 50-aad ee arooska ee Ra’iisul Wasaarihii hore Amama Mbabazi iyo xaaskiisa Jacqueline Mbabazi habeenkii Sabtida. Xubnaha kooxda fannaanka Crane-ka ayaa ku hadlayay luuqada maxaliga ah ee Runyankole, sida laga soo xigtay ilo amni, shabakada wararka ee Raadiyaha Uganda ee sida gaarka ah loo leeyahay ayaa sheegtay. Xubnaha kooxda ayaa lagu eedeeyay in ay yiraahdeen "Rutabandana Waturusya Rugahamuzindaro", oo s...
Mareykanka oo ka digay weeraro kusoo socda garoonka Aadan Cadde iyo goobo kale
WARARKA

Mareykanka oo ka digay weeraro kusoo socda garoonka Aadan Cadde iyo goobo kale

8-April-2024 Mareykanka oo ka digay weeraro kusoo socda garoonka Aadan Cadde iyo goobo kale Dowladda Mareykanka ayaa digtay weeraro maalinta Talaadada ee berri ah ka dhici kara garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo goobo kale oo ka mid ah magaalada Muqdisho. Safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa hes犀利士 hay xog ku saabsan halis ka dhan ah goobo badan oo ku yaalla magaalada Muqdisho, sida garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Dhammaan dhaq-dhaqaaqyada shaqaalaha safaaradda Mareykanka waa la joojiyay Talaadada, April 9, 2024,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safaaradda Soomaaliya ee Muqdisho. Safaaradda ayaa sheegtay in lasoo saaray heerka darajada afaraad ee digniinta socdaalka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo ah (“ha safrin”) ee Soomaaliya, sababo la xiriira dembiyada, ar...