Author: boodhari

Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo gudanya Cimrada Baytka Alle ee Masaajidka Xaramka ayaa u Duceeyay ..
WARARKA

Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo gudanya Cimrada Baytka Alle ee Masaajidka Xaramka ayaa u Duceeyay ..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh oo gutay Cimrada Baytka Alle ee Masaajidka Xaramka ayaa shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu doceeyay amni, nabad iyo horumar. Madaxweynaha ayaa fadliga Cimrada awgeed Alle ka baryey in dalkeenna uu ka dulqaado argagixisada dhiig-miiratada ah ee ku been abuuranaya magaca dinteenna 犀利士 suubban ee Islaamka. https://twitter.com/BoodhariFarah/status/1776331293279625469?t=wOvsPkqTOPjQUImdjAQApQ&s=19
Muqdisho: Shaqaalaha Damdamisyada Hormuud ayaa ku guuleeystay Inay damiyaan dab khasaare geeystay oo ka kacay suuqa Bakaaraha
WARARKA

Muqdisho: Shaqaalaha Damdamisyada Hormuud ayaa ku guuleeystay Inay damiyaan dab khasaare geeystay oo ka kacay suuqa Bakaaraha

5- April-2024- Muqdisho Howl,wadeenada Damdamisyada shirkadda Hormuud Telecom ayaa kaalin weeyn ka qaatay sidii loo damin lahaa dab khasaare hantiyeed geeystay oo ka kacay suuqa Bakaaraha, xili bulshada Muqdisho ay Isu diyaarinayaan duka壯陽藥 ameeysiga Ciidul_fitriga. Dabka ayaa ka kacay suuqa Bakaaraha saaka abaairihii 7:30, gaar ahaan qayb lagu iibiyo dharka iyo kabaha, halkaasoo aad u mashquul badan. Ilaa hadda waxaa la soo sheegayaa in dhulkaas oo lagu qiyaasay seddex ilaa afar baloog uu dabka qabsaday ahaa mid aan sababin khasaare nafeed. “Sababta uu dabku u baabi’iyey ganacsigii qaybtaas ayaa ahayd ayadoo gurmadka dab damisyadu aysan degdeg ku soo gali karin, waayo markii ay wax dhacaan ka dib ayaa gurmad la abaabulaa, dariiqyadii la soo mari lahaana waa kuwo ciriiri a...
Itoobiya,Somaliland iyo Puntland Maxay ka yiraahdeen go’aankii dowladda Soomaaliya ee qunsuliyadaha Itoobiya?
WARARKA

Itoobiya,Somaliland iyo Puntland Maxay ka yiraahdeen go’aankii dowladda Soomaaliya ee qunsuliyadaha Itoobiya?

5- April-2024 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay sheegtay inay dalkeeda ka cayrinayso safiirka Itoobiya, sidoo kalana ay xirtay qunsuliyadihii Itoobiya ku lahayd Jamhuuriyada Iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland iyo Puntland. Qunsuliyaddaha la xiray waxay ku yaallaan Garoowe iyo Hargaysa. Sidoo kalana dowladda federalka ayaa u yeeratay safiirkeedi ka joogay Addis Ababa. Soomaaliya ayaa Itoobiya ku eedeysay inay ku xad-gudubtay madax-bannaanida iyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasararadda arrimaha dibadda Soomaliya Iyadoo ka jawaabaysa go’aanka Soomaaliya ayaa dowladda Itoobiya ay sheegtay inaysan war ax war ah ka hayn arrintan oo markii ugu horreysay si rasmi ah uu u shaaciyay xafiiska ra’iisul wasaaraha...
Sababta Mahad Salaad u baxay iyo arrimaha horyaalla agaasimaha cusub
WARARKA

Sababta Mahad Salaad u baxay iyo arrimaha horyaalla agaasimaha cusub

5- April-2024" Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa shalay loo magacaabay agaasimaha cusub ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA. Golaha Wasiirrada ee xukuumadda federaalka ah ayaa ku dhawaaqay in markii saddexaad Sanbaloolshe uu noqday agaasimaha hay’addaan kamidka ah kuwa ugu muhiimsan dalka. Waxa uuna beddelay Mahad Maxamed Salaad oo ay Golaha Wasiiradda farriintooda ugu mahad-celiyeen. Tan iyo bishii Janaayo ee sanadkaan 2024, markii uu Mahad Salaad la wadaagay madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza damiciisa hoggaanka Galmudug, Villa Somalia waxaa ka dhex socday loolanka kursigan, kooxda madaxweynaha ayaana dhowr musharax la kala safatay. Dadkii miiska saarna ee Sanbaloolshe uu kursigan uga adkaaday waxaa kamid ahaa Axmed Macallin Fi...
Somalia expels Ethiopian ambassador amid Somaliland port deal dispute
WORLD

Somalia expels Ethiopian ambassador amid Somaliland port deal dispute

4 Apr 2024- Aljazeera Somalia expels Ethiopian ambassador amid Somaliland port deal dispute Mogadishu also shuts down Addis Ababa’s consulates in Hargeisa and Garowe amid rising tension over a Somaliland port deal with Ethiopia. Somalia has announced the expulsion of Ethiopia’s ambassador from the country amid rising tensions over a port deal dispute in the breakaway region of Somaliland. Ethiopian Ambassador Mukhtar Mohamed was sent home for consultations, the office of Somalia’s prime minister said on Thursday. Mogadishu is also shutting down Ethiopia’s consulates in Hargeisa, the largest city and capital of Somaliland, and Garowe, the capital city of the semi-autonomous region of Puntland The plain interference of Ethiopia’s government in the internal affair...
Agaasimahii hore ee NISA oo u hambalyeeyay Agaasimaha Cusub ee Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka
WARARKA

Agaasimahii hore ee NISA oo u hambalyeeyay Agaasimaha Cusub ee Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka

4- April-2024- Muqdisho Marka hore waxa aan si gaar ah ugu mahad-celinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, oo isiiyay fursad aan ugu adeego dadkeyga iyo dalkeyga laga soo bilaabo May 26, 2022 ilaa maanta oo aan hayey xilka Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka, sidoo kale waxa aan u mahad-celinayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, iyo Golihiisa Wasiirada oo ila garab taagnaa kalsooni iyo wada shaqeyn hagar la’aan ah iyo Guddoonka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal. Intaas kaddib, waxaan hambalyo u dirayaa Taliyaha cusub ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo m...
Chelsea ayaa garaacday Man United,Iyadoo Liverpool ay guul dirqi ah ka gaartay Sheffield United
SPORTS, WARARKA

Chelsea ayaa garaacday Man United,Iyadoo Liverpool ay guul dirqi ah ka gaartay Sheffield United

4- April-2024 Chelsea 4-3 Man Utd Chelsea ayaa 4-3 ku garaacday Man United Cole Palmer ayaa laba gool dhaliyay 100-kii daqiiqo ee ciyaarta kadib si uu u dhamaystiro saddexleydiisa wuxuuna Chelsea ka caawiyay guul cajiib ah oo ay ka gaadhay Manchester United inkasta oo uu hore laba gool oo ay hogaanka ku haysay u dhiibtay. Waxa ay aheyd bilow neef la’aan ah garoonka Stamford Bridge,iyadoo kabtanka Blues ee Conor Gallagher uu afka hore ku garaacay kooxda martida loo ahaa, halka Palmer uu laba jibaaray hogaanka ciyaarta ka dib markii Antony uu qalad ku galay Marc Cucurella. Laakin Alejandro Garnacho ayaa soo laabasho ka kiciyay United markii uu kubad baas xun dhabarka ka dhaliyay Moises Caicedo. https://twitter.com/BoodhariFarah/status/1776001975034724614?t=wPpTmMhqZOmbcnW...
Safiirka Ethiopia ee Soomaaliya oo lagu amray in dalka uu kaga baxo muddo 72 saac gudahood
WARARKA

Safiirka Ethiopia ee Soomaaliya oo lagu amray in dalka uu kaga baxo muddo 72 saac gudahood

4- April-2024 Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa soo saartay tallaabooyin diblomaasiyadeed oo ka dhan ah dowladda Itoobiya oo faragalin qaaran ku haysa dowladda Soomaaliya. waxay ku dhawaaqday billowga dhowr tallaabo oo diblomaasiyadeed. Go’aankan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa daba socda go’aankii Golaha Wasiirada ee looga jawaabayay tallaabooyinka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Federaalka Itoobiya, kuwaas oo ku xad-gudbaya madax-bannaanida iyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay tallaabooyinkaan:- 1- Safiirka Dowladda Federaalka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Muqtaar Maxamed Waare ayaa...
Daawo:  Muqdisho oo albaabada Isugu dhufatay Qunsuliyadihii Itoobiya ee Garoowe iyo Hargeysa
WARARKA

Daawo: Muqdisho oo albaabada Isugu dhufatay Qunsuliyadihii Itoobiya ee Garoowe iyo Hargeysa

4-April -2024- Muqdisho QARAARKA GOLAHA WASIIRADA EE KU AADDAN HABDHAQANKA GURRACAN IYO FARAGELINTA QAAWAN EE DAWLADDA ITOOBIYA. Markii ay arkeen: Qodobada 99aad xarfihiisa (a) iyo (f) iyo Qodobka 54aad xarfihiisa (a), (b) iyo (c) ee Dastuurka dalka; Markii ay arkeen: Axdiga Vienna ee ku saabsan xiriirrada diblomaasiyadeed gaar ahaan Qodobkiisa 12aad oo xeerinaya in dowladda soo dirsatay ergada diblomaasiyadeed ee martida ah aysan xafiisyo ka furan karin meel ka baxsan meesha uu madaxa ergadu uu ka howlgalo, haddii aan oggolaansho cad laga helin dowladda martida loo yahay; Markii ay arkeen: Axdiga Vienna ee ku saabsan xiriirrada diblomaasiyadeed gaar ahaan Qodobkiisa 41aad faqradiisa 3aad oo xeerinaysa in xarumaha diblomaasiyadeed aan loo isticmaali karin ujeeddoo...
Sanbaloolshe oo marki saddexaad loo magacaabay agaasimaha NIS
WARARKA

Sanbaloolshe oo marki saddexaad loo magacaabay agaasimaha NIS

4- April-2024 Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyay in Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) inuu noqdo Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA. Waa markii saddexaad ee Sanbaloolshe loo magacaabo agaasimaha NISA. Agaasimihii hore ee NISA Mahad Salaad ayaa bayaan uu soo saaray u hambalyeeyay Sanbalooshe, isaga oo sidoo kale u mahad-celiyey madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha. Golaha Wasiirrada ayaa u mahadceliyay agaasihii hore ee NISA, sida ay qortay warbaahinta dowladda Federaalka. Ma cadda sababta keentay inuu shaqada NISA ka tago Mahad Salaad犀利士 . Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali, ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo dhowr jeer oo hore ...