Daawo: Warbixin Ay DFS baahisay Ooy Ku Jiraan muuqaalo Muujinaya Qaabkii AlShabaab- Ay U weeraray Hotel SYL
3- April-2024 - Muqdisho
Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa caawa baahisay hordhaca muuqaal ay duubeen kaamirooyinka ku xiran wadooyinka Muqdisho, kaas oo lagu soo bandhigayo sii uu u dhacay weerarkii Hotel SYL.
Muuqaalkaan oo hordhac ah ayaa la balamiyey in habeen dambe oo Khamiis ah la baahi doono, waxaana ka soo muuqanaya xubno loo qabtay weerarkaas oo qiranaya inay fududeeyeen.
Labo gaari oo nooca raaxada ah ayaa lagu geystay weerarkaas, waxaana gaadiidka la arkaya markii ay dhaafayaan isgoysyada Tarbuunka, Shaqaalaha, Dabka, Sayid ilaa Hotelka SYL oo labada gaari ay ku qarxeen.
Ragga weerarka fuliyey ee toos u dagaalamay oo afar nin ahaa ayaa gaariga ka raacay banaanka hore ee masjidka Isbaheysiga Islaamka, waxayna raacayaan gaariga dambe, iyagoo dagaal ku galay Hote...