Author: boodhari

Daawo ; Madaxweyne Xasan Oo Ku Dhex Lugeeyay Muqdisho Oo Xili Habeen Ah Joogta
WARARKA

Daawo ; Madaxweyne Xasan Oo Ku Dhex Lugeeyay Muqdisho Oo Xili Habeen Ah Joogta

12-Feb-2024 Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa si kadis u booqday qaar ka mid ah Suuqyada ganacsiga Muqdisho ayaa waqti la qaatay boqolaal ka mid ah shacabka caasimadda. Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka soo laabatay Senator Muuse Suudi oo uu gurigiisa ku booqday ayaa lugta soo mariyay caawa meelo ka mid ah xarumaha ganacsi ee Jubba Hypermarket ee bartamaha caasimadda Isaga oo sallaamay dad fadhiyay maqaayado ku yaal halkaas oo qaarkood Madaxweynaha sawiro la galay
Daawo: Maxaa Laga Yiri  Dhameystirka Dastuurka Oo uu Baarlamaanka Somalia Gudagalay ?
WARARKA

Daawo: Maxaa Laga Yiri Dhameystirka Dastuurka Oo uu Baarlamaanka Somalia Gudagalay ?

12-Feb-2024 Ma Hoggaamiye iyo Hoggaamiye ku xigeen' ayaa lagu badalayaa magaca madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada ? Baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya ayaa guda galay wax ka beddelaka dhowr cutub oo dastuurka ka mid ah kuwaasoo isbeddel lagu sameynayo. Qodobada la soo jeediyay in wax laga badalayo dastuurka Soomaaliya waxaa ka mid ah qodobka 51-aad. Halkii ay ka aheyd in ay leeyihiin dowlad goboleedyada Somaaliya madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ayaa soo jeedinta hadda waxaa ku jira in loo badalo hoggaamiye iyo hoggaamiye ku xigeen. Marka laga hadlayo xilalka madaxda ugu sarreysa dowlad goboleedyada iyo kan dowladda federaalka, hadii aadan maqal magaca qofka ama sharaxaad kale, kalama garaneysid sababtoo ah hal magac ayey wadaagaan. Tani waa soo jeedin, weli si r...
Daawo: Labada gole oo maanta billaabay ka doodista cutubyada wax kabadalka lagu sameeyay ee Dastuurka KMG
WARARKA

Daawo: Labada gole oo maanta billaabay ka doodista cutubyada wax kabadalka lagu sameeyay ee Dastuurka KMG

12-Feb-2024- Muqdisho dhageystay guddiga dib u eegista iyo la socodka Dastuurka ee labada gole, waxaana toos u bilowday dooddiisu Dastuurka KMG. Cutubyada 1-aad 2-aad 3-aad iyo 4-aad ayaa kiisa 1aad dooddiisu ay soco doontaa 14 bishaan Febraayo ilaa 19 bisha.Cutubka 2-aaad ayaa isna dooddiisu soco doontaa 21 Febraayo ilaaa 04 Marso halka cutubka 3-aad dooddiisa loo qorsheeyey 06 Marso ilaa 11 bisha. https://youtu.be/zRa06QPahQ8?si=71Kua-7dqncJUhsQ Cutubka ugu dambeeya ee 4aad ayaa loo asteeyey ka doodistiisa 13 Marso ilaa 23 Bisha waana dhammeystirka Marxaladda 2aad ee Cutubyada 1aad ilaa 4aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda. Kulanka labada gole oo ka duwan marka loo eego kulamadiisa hore marka laga eego ajandaha la xiriira Dastuurka oo shacabka Soomaaliyeed indha ku haya...
Maxay tahay cabsida ka jirta deegaannada Galmudug ee hore looga saaray Al Shabaab ?
WARARKA

Maxay tahay cabsida ka jirta deegaannada Galmudug ee hore looga saaray Al Shabaab ?

12-F3b-2024- BBC Wararka ka imaanaya deegaannada Galmudug ayaa sheegaya in goobo ka mid ah kuwii Al Shabaab lagula dagaallamay, horena looga saaray ay iminka cabsi ka jirto, taasoo la xiriirta inay ku soo laabtaan ama soo weeraraan. Deegaannadaas qaarkood ayey wararku sheegayaan in ciidanka dawladda, kuwa Galmudug iyo kuwa deegaanka uga baxeen sababo aysan maamulka Galmudug iyo dawladda federaalka sheegin. Laakin qaar ka mid ah dadka xog-ogaalka u ah hawlgalladii deegaannadaas ka dhacay ayaa BBC u sheegay inay jiraan goobo ay ciidanka dawladda iyo kuwa Galmudug ka baxeen, kuwaasoo ay dib ugu soo laabteen dagaallamayaasha AL Shabaab. Deegaannadaas waxaa ka mid ah aagagga Caad iyo Jeexjeexa oo dagaallo aad u kharaar ay ku dhex mareen ciidamada isla socda ee Galmudug iyo fede...
Somaliland oo naqdisay qoraallo ay Dowladda Federaalka u dirtay QM iyo M/Afrika
WARARKA

Somaliland oo naqdisay qoraallo ay Dowladda Federaalka u dirtay QM iyo M/Afrika

12-Feb-2024 Dawladda Soomaaliya ayaa dhowaan ugu baaqday ururrada Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay inay mowqif mabda’ ku salaysan ka qaataan is-afgaradkii ay bishii hore kala saxiideen Itoobiya iyo Soomaaliya. War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda ee Soomaaliya ayaa ugu baaqaysa ururradan inay cambaareeyaan is-afgaradkaasi “sharci-darrada ah” iyo “ku-xadgudubka Itoobiya ee madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed Soomaaliya,” – waa sida lagu yiri war saxaafadeedkee. Haddaba qoraal xalay ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa lagu naqdiyay jawaabihii ay dowladda Federalka Soomaaliya dhawaanahan ka bixineysay heshiisk
Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa xalay howlgal lagu beegsanayo dadka Oromada ka bilaabay Boosaaso
WARARKA

Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa xalay howlgal lagu beegsanayo dadka Oromada ka bilaabay Boosaaso

12-Feb-2024 Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa xalay howlgallo lagu bartilmaameedsanayay dadka Oromada ah waxa ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Howlgalkan ayaa waxaa lagu soo qabtay Oromadii ugu badnayd, kuwaas oo xabsiga loo taxaabay, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Dadkan ayaa waxaa looga shakiyay inay ku lug leeyihiin qaraxyada iyo weerarada kale ee ka dhaca halkaasi. Boosaaso ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka dhacayay dilal qorsheysan iyo qaraxyo lala beegsanayay xarumaha ganacsi ee magaaladaasi.
Ku-simaha W/Arrimaha Dibadda Somalia oo ka guddoomay warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee Kenya u soo magacawday Soomaaliya
WARARKA

Ku-simaha W/Arrimaha Dibadda Somalia oo ka guddoomay warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee Kenya u soo magacawday Soomaaliya

12-Feb-2024-Muqdisho Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia oo ka guddoomay nuqullo ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee Kenya u soo magacawday Soomaaliya Kusimaha wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia ahna Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, H.E. Mudane Cali Maxamed Cumar, ayaa maanta oo Axad ah xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho kaga guddoomay nuqullo ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Kenya u soo magacawday Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, H.E. Mudane Cyprian Kubai Iringo. Danjire Cyprian Kubai Iringoayaa ku dheeraaday hammigiisa ugu wanagsan ee ku aaddan inuu ku guuleysto doorkiisa cusub. Danjire Cyprian Iringo oo arrintaas ka jawaabaya ayaa u gudbiyay mahadcelin iy...
Soomaaliya oo ku boorisay Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay inay mowqif ka qaataan xadgudubka Itoobiya
WARARKA

Soomaaliya oo ku boorisay Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay inay mowqif ka qaataan xadgudubka Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa ku boorisay Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay inay mawqif mabda’a ka qaataan ku xad-gudubka ay Itoobiya ku hayso madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Waxaan ugu baaqaynaa dowladaha xubnaha ka ah inay mowqif mabda’ ah ka qaataan MOU-ga sharci darrada ah,” ayay tiri Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya. Warka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa kusoo aaday, xilli 14-ka bishaan uu magaalada Adis Ababa ka furmayo shir madaxeedka Midowga Afrika, halkaas oo ay isugu imaanayaan madaxda Afrika iyo wafuud ka socota beesha caalamka. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaan la ogayn inuu shirkaas ka qeyb galayo sababa la xiriira xiisada Soomaaliya kala dhaxeeysa Itoobiya, taasoo ka dhalatay heshiiska dhinaca b...
Ivory Coast ayaa sadaxeysatay Koobka Qaramada Afrika ooy finalki ku qaadeen garoonkooda.
SPORTS

Ivory Coast ayaa sadaxeysatay Koobka Qaramada Afrika ooy finalki ku qaadeen garoonkooda.

12-Feb-2024 Nigeria 1-2 Ivory Coast Ivory Coast ayaa sadaxeysatay Koobka Qaramada Afrika oo finalka ay ku qaadeen garoonkooda. Maroodiyaasha oo gadaal ka soo galay Nigeria ayaa diiday in koobka guriga laga qaado" Weeraryahanka, oo sidoo kale dhaliyay goolkii guusha ee semi-finalka kaliya 13 bilood ka dib markii uu ka soo laabtay kansarka xiniinyaha, ayaa kubad karoos ah u dhigay Simon Adingra isaga oo suul kabtiisa ku jira sagaal daqiiqo si uu u dhameystiro soo laabasho qeybtii labaad ah iyo dabaaldeg duur joog ah. Abidjan. https://twitter.com/BoodhariFarah/status/1756816969246904778?t=ebyih8tpYrWE6aEF3LVuHw&s=19 Madaxweynaha Ivory Coast oo ku soo biiray dabaaldega Alessane Ouattara ayaa dabaaldaga kula biiray ciyaartoyda ku sugan garoonka uu magaciisu hayo. ...
Imaaraatka Carabta Oo Shaaciyay Khasaaraha Kasoo Gaaray Weerarkii Muqdisho
WARARKA

Imaaraatka Carabta Oo Shaaciyay Khasaaraha Kasoo Gaaray Weerarkii Muqdisho

12-Feb-2024 Wasaaradda Gaashaandhigga Imaaraadka Carabta ayaa shaaca ka qaaday in shahiideen saddex ka mid ah ciidamadeeda qalabka sida iyo askari ka tirsan Ciidanka Difaaca Baxreyn iyo dhaawaca labo kale fal argagixiso oo ka dhacay magaalada Muqdisho. Imaaraadka ayaa xaqiijiyay in ciidankaas ay u joogeen Soomaaliya waajibaad shaqo oo ah tababarka iyo tayeynta Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, kaas oo qeyb ka ah heshiiska laba geesoodka ah ee Imaaraadka iyo Soomaaliya ee Qaab-dhismeedka iskaashiga milatari ee labada dal. Dowladda Imaaraadka ayaa sheegtay inay sii wadi doonaan wada shaqaynta iyo iskaashiga ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya ee lagu baarayo fal-dambiyeedkaas argagixisinimo