Author: boodhari

Laba nin ajnabi ah oo ka tirsan kooxda Daacish ayaa lagu qabtay deegaanada Maamulgoboleedka Soomaaliyeed ee Puntland
WARARKA

Laba nin ajnabi ah oo ka tirsan kooxda Daacish ayaa lagu qabtay deegaanada Maamulgoboleedka Soomaaliyeed ee Puntland

February 9, 2024 Puntland ayaa baahiyay in ay gacanta ku dhigeen laba nin oo ajnabi ah oo ka tirsan hugaamiyeyaasha ISIS ee Soomaaliya.Xassan Ibnu Maxamed Ibnu Xussein oo u dhashay dalka Morocco iyo Maxamed Ibnu Maxamed Axmed oo u dhashay dalka Suuriya ayay sheegeen ciidamada Booliska Puntland in ay gacanta ku dhigeen, sida lagu daabacay bogga ay ku leeyihiin barta Facebook. Waxaan la shaacin xilka rasmiga ah ee ay u hayeen labadaan nin ururka Daacish. Hawlgalka raggaan lagu soo qabtay ayay Boolisku sheegeen in uu ka dhacay degmada Uffayn ee gobolka Bari, Soomaaliya.Lixdii bilood ee la soo dhaafay ayay sheegeen ciidamadu in ay soo qabteen xubno ajnabi ah oo ka kala tirsan ururada Shabaab iyo ISIS, kuwaas oo ka kala yimid wadamada Morocco, Suudaan, Suuriya, Itoobiya. https:...
Waxaa la joogaa waqtigii Midowga Afrika uu mowqif adag ka qaadan lahaa gardarrada Itoobiya !!
WARARKA

Waxaa la joogaa waqtigii Midowga Afrika uu mowqif adag ka qaadan lahaa gardarrada Itoobiya !!

9-Feb-2024 Waxaa la joogaa waqtigii Midowga Afrika uu mowqif adag Iska taagi lahaa gardarrada Itoobiya !! Qoraaga Aljazeera Tafi Mhaka oo ah falanqeeye arrimaha bulshada iyo siyaasadda, oo shahaadada BA Honors ka ka qaatay Jaamacadda Cape Town ayaa Ururka Midowga Afrika ku canaantay waxqabad la,aan, Iyadoo meelo badan oo qaarada ah ay ka jiraan Xadgudubyo, Qalalaaso iyo xaaldo bani,aadantinimo AU loogama baahna maanta hadallo maran oo ku saabsan ‘Midnimo’ iyo ‘xiriir walaaltinimo’, balse waxaa looga fadhiyaa go’aamo xoojiya ilaalinta sharciga caalamiga ah si looga hortago xasillooni daro uga sii darto gobolka Geeska Afrika ayuu yiri qoraaga . Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan la hadlay Al Jazeera ayaa uga digay Itoobiya inaysan isku dayin inay fuliso...
It is high time the AU takes a firm stance against Ethiopia’s aggressions
WORLD

It is high time the AU takes a firm stance against Ethiopia’s aggressions

9 Feb 2024 Tafi Mhaka Al Jazeera columnist It s high time the AU takes a firm stance against Ethiopia’s aggressions What Africa needs from the African Union is not empty statements about ‘unity’ and ‘brotherly relations’, but the resolve to uphold the rule of law. On January 23, Somali President Hassan Sheikh Mohamud spoke to Al Jazeera and warned that Ethiopia should not attempt to fulfil a controversial memorandum of understanding (MOU) it signed with the breakaway region of Somaliland on New Year’s Day. Under the preliminary agreement, Somaliland would lease landlocked Ethiopia 20km (12 miles) of its coastline around the Port of Berbera for commercial and military purposes for 50 years. In return, Ethiopia would give Somaliland an undisclosed ownershi...
Horyaalka Premier League ayaa diiday inuu qeyb ka ahaado soo saarista bilowga ah ee Kaarka Buluuga ay ee kubadda cagta
SPORTS

Horyaalka Premier League ayaa diiday inuu qeyb ka ahaado soo saarista bilowga ah ee Kaarka Buluuga ay ee kubadda cagta

9-Feb-2024 Guddiga Xiriirka Kubada Cagta ee Caalamka ee la yiraahdo IFAB ayaa qorshaynaya inay kaarkan ku ogolaadaan kulankooda sanadlaha ah ee 2_da March Loch Lomond ee ka dhici doona Scotland iyadoo si tijaabo ah loo adeegsan doono kaarka Buluuga ah. Kubadda cagta ayaa mar kale lagu soo dari doonaa mid ka mida qorshayaal loo arko inay qayb ka qaadan karaan sidii loo hormarin lahaa, balse waxaa durba soo baxaya diidmo ay ka muujinayaan dadka ku xeeldheer ciyaaraaha. Sharci-dajiyayaasha kubbadda cagta IFAB ayaa ka doodi doona xeerar cusub oo ah anshax marin ciyaartooyda ah, waxayna arki doonaan kaararka buluugga ah. Kaarkan waxaa la yiraahdaa ‘Sin-bins’ waa calaamad lagu ganaaxayo ciyaartoyda kubadda cagta kaasoo ku biiraya digniinaha hadda jirta ee Jaalaha iyo gaduudka ee...
Faah-faahino kasoo baxaya Wiil hooyadiis kala qeybqaatay dilka ninkii qabay
WARARKA

Faah-faahino kasoo baxaya Wiil hooyadiis kala qeybqaatay dilka ninkii qabay

9-Feb-2024 Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dhacdo argagax leh oo xalay ka dhacday gudaha degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir. Dhacdadan ayaa timid kadib markii wiil dhalinyaro ah uu tooreey ku dilay adeerkiis qabay hooyadii, taas oo argagax ku noqotay dadka deegaanka. Dilka adeerka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen isaga iyo xaaskiisa kadibna wiil ay dhashay hooyada uu soo qaatay tooreey, kuna dilay marxuumka. Wararka ayaa sheegaya in ninka la dilay uu kamid ahaa ganacsatada wax ku iibisa isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya oo ku aadan dilka loo gaystay ninkaasi.
Somalia Iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis difaac oo cusub
WARARKA

Somalia Iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis difaac oo cusub

8 -Feb-2024 Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa maanta heshiis cusub oo taariikhi ah ku gaaray magaalada Istanbul ee dalkaasi. Heeshiiskan ayaa taabanaya dhinacyada difaaca iyo dhaqaalaha, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda federaalka. Soomaaliya ayaa waxaa heshiiskan u saxiixay wasiirka difaaca, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jamaac) oo booqasho ku tegay Istanbul, kaas oo la kulmay dhiggiisa Turkiga. Wasiirada Difaaca Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday Heshiis muhiim ah oo ku saabsan Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ka dib booqasho rasmi ah oo uu dalka Turkiga ku tagay Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxaxed Nuur” ayaa lagu yiri qoraalka. Ujeedka heshiiskan ayaa ah mid sare loogu sii qaadayo iskaashiga labada dal oo haatan ah...
Madaxweynaha Uganda Oo Madaxtooyadda ku qaabilay Taliyaha Ciidanka XDS
WARARKA

Madaxweynaha Uganda Oo Madaxtooyadda ku qaabilay Taliyaha Ciidanka XDS

8-Feb-2024 Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa qasriga Madaxtooyada dalka uganda ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin caddow. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa ka wada-hadlay dhismaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Taageerada dhanka Howlgallada ah ee Soomaaliya ay ku doonayso in dalka ay kaga xureyso Argagixisada arxanka daran. Madaxweynaha uganda ayaa Taliyaha ciidamada Milateriga Soomaaliya u balanqaaday inay Soomaaliya ka caawin doonaan dhan kasta, hadii ay ahaan laheed dhismo ciidan iyo tababarro joogta ah, iyo in Soomaaliya garab milateri ay siin doonaan si dalka Soomaaliya looga saaro kooxaha nabadiidka ...
Golaha Wasiirada Somalia oo Ansixiyay magaacibsta 10 Safiir
WARARKA

Golaha Wasiirada Somalia oo Ansixiyay magaacibsta 10 Safiir

8-Feb-2024 Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ee Muqdisho, ku ansixiyay magaacibsta 10 Safiir Dheeho News Every Day Kulankan ayaa waxaa lagu ansixiyay illaa 10 Safiir oo dalkeenna uga howlgeli doona qaar kamid ah dalalka caalamka ee aan wadaagno xiriirka diblumaasiyadeed. Safiirrada la magacaabay waxa ay kala yihiin:- 1. Cabdicasiis Maxamuud Maxamed (Farabadane) 2. Cabdullaahi Maxamed Sheekh Cabdullaahi 3. Cali Cabdi Awaare 4. Cali Maxamed Abuukar (Ali Wolf) 5. Bashiir Xasan Xaaji 6. Fathudin Cali Maxamed 7. Xuseen Cabdi Xalane 8. Khadiija Cosoble Cali 9. Khadra A Dualle 10. Ridwan Xirsi Maxamed .Sidoo kale golaha ayaa meelmariyay Habraaca Dhaqangelinta Xakameynta Hubka, Rasaasta iyo Waxyaabaha Qarxa...