Author: boodhari

Daawo: Xildhibaanada Oo Dood Adag Ka Yeeshay Siyaasada Iyo Arrimaha Masiiriga ah ee dalka
WARARKA

Daawo: Xildhibaanada Oo Dood Adag Ka Yeeshay Siyaasada Iyo Arrimaha Masiiriga ah ee dalka

5- February-2024 Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa maanta billaaby ka doodista arrimaha siyaasadda iyo go’aanada masiiriga ah ee dalka, iyadoo doodda socon doonto maalmo. Illaa 60 Xildhibaan ayaa is qortay, si ay uga hadlaan qodobkaas ajandaha ee uu Guddoonka Golaha shalay shaaciyay in laga doodayo. Qaar ka mid ah Xildhibaannada ayaa sheegay in waajibaadkooda uu yahay dhameysirka dastuurka iyo go’aan ka gaaristiisa, oo aanay u oolin Madasha Wadatashiga Qaran iyo cid kale, sidoo kale Xildhibaannada qaar ayaa soo jeediyay in Madaxweynaha aanu tagin Garowe .Waxaa la is weydiinayaa oo su’aal taagan ah sida Baarlamaankan 11aad uu awood siyaasadeed ugu yeelan doono jaangoynta arrimaha masiiriga ah, iyadoo la xusuusto Baarlamaanadii hore sida kii 8aad, 9aad iyo 10aad aanay wax d...
Dad ku dhow 10 Qof oo Oromo ah ayaa lagu dilay Magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo
WARARKA

Dad ku dhow 10 Qof oo Oromo ah ayaa lagu dilay Magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo

5- February-2024 Weerar ay fuliyeen rag hubeysan, oo loo maleeynayo in ay yihiin Alshabaaba ayaa lagu dilay dad ka badan oo Oromo ah magaalada Beled axaawo ee gobolka Gedo Dheeho News Every Day Weerarkan ayaa waxaa fuliyay rag hubeysan, kuwaas oo beegsaday xaafad ay dagan yihiin dad Oromo ah, sida uu innoo sheegay in mid kamid ah waxgaradka deegaanka.Sidoo kale waxaa weerarkan ku dhintay ugu yaraan 7 qof, halka ay ku dhaawacmeen 6 kale oo isugu jiro rag, dumar iyo carruur.Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana weli socda baaritaano ku aadan falkan oo ay wadaan ciidamada ammaanka ee ku sugan halkaasi.
Muqdisho Oo Raadineysa Xuquuqda Maqaamka Mataalada Dadka Ku Nool Gobolka Banaadir
WARARKA

Muqdisho Oo Raadineysa Xuquuqda Maqaamka Mataalada Dadka Ku Nool Gobolka Banaadir

4- Feb-2024- Muqdisho Guddiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha Baarlamaanka Somalia oo la kulmay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan kula qaatay xarunta Villa Hargeysa, Guddiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Duqa Muqdisho ayaa ugu horeyn Guddiga warbixin dhameystiran ka siiyay Xaalada Magaalada Muqdisho iyo howlaha shaqo ee Maamulka Gobolka Banaadir, waxa uuna sidoo kale kala hadlay Qorshaha dhameystirka Dastuurka dalka oo xuquuqda matalaad ay ugu maqan tahay shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ugu b...
Dheeho Cusbooneysiinta Wararka Ciyaaraha Inter oo guul dirqi ah ka gaartay Juventus Iyo Arsenal oo  garoonkeeda ku garaacday Liverpool
SPORTS, WARARKA

Dheeho Cusbooneysiinta Wararka Ciyaaraha Inter oo guul dirqi ah ka gaartay Juventus Iyo Arsenal oo garoonkeeda ku garaacday Liverpool

4- February-2024 Inter Milan ayaa afar dhibcood oo nadiif ah ku qabatay hogaanka Seria A kadib markii ay guul ka gaadhay Juventus oo uu iska dhaliyay Federico Gatti. Daqiiqadii 37-aad kubad uu dhanka midig ka soo qaaday ayaa xabadka kaga dhacday Gatti, wuxuuna hogaanka u dhiibay Inter. Federico Dimarco ayaa kubad joog hoose ah ka soo daba dhacday daafaca isagoo hogaanka u dhiibay Inter Marcus Thuram laakiin waxaa ka beeniyay kubadii ugu danbeysay ee Gleison Bremer. Inter ayaa kulan baaqi u ah u harsan tahay kooxda ku jirta kaalinta labaad ee Juve iyo AC Milan oo ku jirta kaalinta saddexaad. Kooxda martida ah ee San Siro ayaa heshay fursadahooda, Dusan Vlahovic ayaa lumiyay fursad cajiib ah oo uu u helay Bianconeri markii taabasho liidata markii hore ay keentay inuu h...
Facebook-ayaa u dabaaldegaysa dhalashadeedii 20aad ee Iyadoo Hormuud Telecom ay ku soo dhaweeysay Somalia
BUSINESS, WARARKA

Facebook-ayaa u dabaaldegaysa dhalashadeedii 20aad ee Iyadoo Hormuud Telecom ay ku soo dhaweeysay Somalia

4- Fev-2024 Facebook-:ayaa u dabaaldegaysa dhalashadiisa 20aad ee Febraayo 4.Iyadoo Hormuud Telecom ay ku soo dhaweeysay Somalia xil Facebook ay 5 sano jir tahay Shirkadda weyn ee warbaahinta bulshada oo leh ilaa 3 bilyan oo isticmaale ayaa aad u kortay 20 sano kadib iyadoo weli ah madasha bulsho ee ugu weyn adduunka, Hormuud ayaa 2009-kii Dalka ka hirgelisay GPRS internet, oo ahaa internet-kii ugu horreeyay ee mobile lagu isticmaali karo ee ka hanaqaaday Soomaaliya. https://twitter.com/BoodhariFarah/status/1754149377260638356?t=Wh1NHtSsexLO2g65Ijb8Tw&s=19 Facebook wuxuu ka mid yahay Baraha Bulshadu ku wada xiriirto ee ku dul nool shabakaddeyda internet-ka. Aniguna waan ku dhex noolahay si aan ugula xiriiro macaamiisheyda. Soo dhaweynta #Hormuud ee Facebook ayaa...
Reer AWDAL oo Muqdisho ku qabtay kulan weyn oo looga soo horjeedo damaca Ethiopia
WARARKA

Reer AWDAL oo Muqdisho ku qabtay kulan weyn oo looga soo horjeedo damaca Ethiopia

4-Feb-2024 Waxaa magaalada Muqdisho maanta lagu qabtay kulan ballaaran oo looga soo horjeedo damaca gurracan ee Itoobiya ee ku dooneyso qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya. Kulankaan oo ay soo qaban-qaabiyeen siyaasiyiinta iyo bulshada gobolka Awdal ayaa waxa ay ka dhiidhiyeen damaca Itoobiya iyo xad-gudubka ay ku sameysay qaranimada iyo madax-bannaanida ummadda Soomaaliyeed.Waxaa ka qeyb-gal kulanka xildhibaano ka tirsan labada gole ee BJF, wasiirro iyo bulshada kasoo jeeda gobolka Awdal, kuwaasi oo sheegay in dowladda federaalka ay ku garab taagan yihiin go’aanka ay ka qaadatay damaca liita ee xukuumadda Abiy Axmed. Suldaan Diiriye oo waxgaradkii goobta ka hadlay kamid ahaa ayaa sheegay in Soomaalida meel walba oo ay joogta looga baahan yahay in ay u istaagaan difaaca dalka.“I...
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa muranka Itoobiya iyo Soomaaliya u rogay arrin heer gobol ah
WARARKA

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa muranka Itoobiya iyo Soomaaliya u rogay arrin heer gobol ah

4- February-2024 Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo jeediyay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay khilaafkooda ku xalliyaan IGAD iyo AU, sida uu shaaca ka qaaday Amb. Meles Alem, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya . Amb. Meles Alem ayaa saxaafadda u sheegay in Itoobiya ay IGAD ka codsatay in la isugu yeero shir kale oo looga hadlayo heshiiskii badda ee bishii hore ka dhacay Muqdisho. IGAD ayaan weli jawaab rasmi ah ka soo saarin codsiga Itoobiya. 29-kii Janaayo, Golaha Ammaanku wuxuu yeeshay kulan cinwaankiisu ahaa ‘Nabadda iyo Ammaanka Afrika’, iyadoo Soomaaliya ay codsatay kulanka. Hase yeeshee, Goluhu wax tafaasiil ah kamay bixin shirkaas. Soomaaliya oo cuskatay qodobka 35-aad ee Axdiga Qarammada Midoobay, ayaa golaha ammaanka ugu baaqday inay wax ka qa...
Mareykanka Oo Gacanta Ku Dhigay Sarkaal Shabaab Ah Oo Ka Talaabay Xadka Mexico
WARARKA

Mareykanka Oo Gacanta Ku Dhigay Sarkaal Shabaab Ah Oo Ka Talaabay Xadka Mexico

4- February 2024 Waaxda socdaalka iyo dhaqan galinta Canshuuraha ee dalka Maraykanka ayaa sii daysey natiijada warbixinta howlgalo qaatay labo todobaad oo ay kula dagaalamayeen dambiyada ka dhanka ah caruurta iyo kuwa khatarta ku ah nabad galyada Maraykanka. Howlgalada oo ka dhacay labaatan iyo shan magaalo iyo dhulka miyiga ah guud ahaan Maraykanka, ayaa lagu bartilmaameedsaday shaqsiyaad danbiyo galay oo si xor ah u watay dhadhqaaqooda. Basle markii danbe lagu helay dambiyo lidi ku ah amaanka Maraykanka. In ka badan 171 qof ayaa lagu qabtay howlgalka, boqol iyo saddex ka mida ayaa lagu helay danbiyo dilal ah iyo kufsi caruur, dadka la qabtay waxaa ka mid ah qof Soomaali ah oo ay waaxda Socdaalka Maraykanku ku sheegtay inuu ka tirsan yahay Ururka Alshabaab. Bartamihii bis...
Soomaalida dalka Ingiriiska oo Sameeyay mudaharaad ay ku diidan yihiin damaca gurracan ee Itoobiya
WARARKA

Soomaalida dalka Ingiriiska oo Sameeyay mudaharaad ay ku diidan yihiin damaca gurracan ee Itoobiya

3- February-2024 Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka UK oo ku hor banaan baxay safaarada Itoobiya ee dalkaas si ay uga dhiidhiyaan damaca guracan ee ay Itoobiya ku dooneyso Badda Soomaaliya. Kumanaan shacabka ayaa hor tegay Safaaradda Itoobiya ku leedahay London kuwaas oo muujiyey sida ay uga soo horjeedaan Xadgudubka Itoobiya Banaan baxan oo ahaa mid xooggan ayaa waxa soo qaban qaabisay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ka dhisan dalka Ingiriiska,iyagoo isaga kala yimid gobolada dalka si ay uga hortagaan damaca gurracan ee Itoobiya. https://twitter.com/BoodhariFarah/status/1753802690797191382?t=hJ7436q3v29Taq0N1FXURQ&s=19
Ivory Coast Iyo South Africa oo u soo gudbay Samifinalka koobka AFCON
SPORTS, WARARKA

Ivory Coast Iyo South Africa oo u soo gudbay Samifinalka koobka AFCON

3- February- 2024 Ronwen Williams ayaa badbaadiyay afar rigoore si uu uga caawiyo Koonfur Afrika inay gaarto semi-finalka Koobka Qaramada Afrika 2023 rigoorayaal ka dib markii ay barbaro 0-0 ah la galeen Cape Verde. Bebe, Willy Semedo, Laros Duarte iyo Bryan Teixeira ayaa dhamaantood laga diiday rigooradii ay ku dhacday Williams, kaasoo sidoo kale sameeyay badbaadin cajiib ah oo soo daahday si uu u tilmaamo goolkii ugu horeeyay ee Gilson Benchimol uu ka dhaliyay alwaaxdii islamarkaana uu hubiyo in wareega quarter-finalka uu galay waqti dheeri ah. https://twitter.com/BoodhariFarah/status/1753924335222272319?t=xs-riBLWlntEKb3itNOynQ&s=19 Goolhayaha Cape Verde Vozinha ayaa sameeyay labo badbaadin oo aan caadi aheyn oo isku xigta wax yar ka dib markii waqtigii dheeriga ah...