Author: boodhari

Booliska oo soo qabtay haweenay Muqdisho ku gubtay ninkeeda
WARARKA

Booliska oo soo qabtay haweenay Muqdisho ku gubtay ninkeeda

1- Feb-2024- Muqdisho" Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa goordhoweyd shaaciyay in gacanta lagu soo dhigay haweenay maanta seygeeda ku gubtay gudaha magaalada Muqdisho. Bayaan kasoo baxay Taliska ayaa lagu sheegay in ciidanka Booliska ay gar-gaar u fidiyeen dhibanaha oo hadda xaaladdiisa caafimaad lagula tacaalayo mid kamid ah isbitaallada magaalada Muqdisho. Haweenayda ku eedeysan kiiskan ayaa lagu magacaaba Naley Maxamuud Saney, waxaana da’deeda lagu sheegay 26 jir. Maantay oo taariikhdu tahay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Yaaqshiid waxa ay soo qabteen Edeysane Naley Maxamuud Saney 26 jir ah oo gubtay Saygeeda,” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska. Naley ayaa la horgeyn doona maxkamadda awoodda u leh qaadista kiiska loo soo xiray, s...
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa maanta soo gaadhay magaalada Muqdisho.
WARARKA

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa maanta soo gaadhay magaalada Muqdisho.

1- March-2024 Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa maanta soo gaadhay magaalada Muqdisho. Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa tan iyo inii uu xilka ka degay aan lagu arag gudaha dalka Soomaaliya isaga oo ku noolaa dalka dibaddiisa. Soomaaliya ayaa muddooyinkii u danbeeyey waxaa ka taagnaa xaalado siyaasadeed oo ay ku kala duwanayeen mucaaradka iyo muxaafidku. Arrimaha ansixinta wax ka beddelka dastuurka ayaa ka mid ahayd waxyaalaha muddooyinkii u danbeeyey si gaar isha loogu hayey, xilli Farmaajo uu dhawr jeer ku baaqay in hawshaas la hakiyo.
Daawo : Hadal-jeedinta M/Weynaha Somalia ee shirka Q/Midoobey ee Isbeddelka Cimilada
WARARKA

Daawo : Hadal-jeedinta M/Weynaha Somalia ee shirka Q/Midoobey ee Isbeddelka Cimilada

29- Feb -2024- Nairobi Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad ka jeediyay Meertada 6aad ee Shirka Qaramada Midoobey ee Isbeddelka Cimilada Adduunka oo ka furmay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya. Madaxweynaha Somalia ayaa ka hadlay sida isbeddelka cimiladu uu u saameeyey Adduunka, khatarta uu ku leeyahay nolasha shucuubta iyo caqabadaha gaarka ah ee ka soo gaaray shacabka Soomaaliyeed. “Soomaaliya waxay safka hore kaga jirtaa dalalka saameynta ugu badan ay ka soo gaartay isbeddelku cimiladu ayuu yiri Madaxweyne Xasan oo sii watay hadalkiisa "Dhawaan waxaan ka soo baxnay abaar na haysatay muddo 4 sano ah oo xiriir ah, hadda waxaa dalka dhan laga dareemayaa heer kulayl aan horey loo arki jirin, dhammaan arrimahan waxaa sababay isbeddelka cimi...
Kaalinta ay shirkadaha isgaarsiintu ka qaadan karaan samata-bixinta dadka ay saameeyeen musiibooyinka
WARARKA

Kaalinta ay shirkadaha isgaarsiintu ka qaadan karaan samata-bixinta dadka ay saameeyeen musiibooyinka

29- Feb-2024 Barcelona" Kaalinta ay shirkadaha isgaarsiintu ka qaadan karaan samata-bixinta dadka ay saameeyeen musiibooyinka ayaa looga hadlay kulan ay Masuuliyiin ka socda Hormuud Telecom uga qeybgaleen magaalada Barcelona.🙏 Kulankan oo qeyb ka ah shirweynaha Mobile World Congress (MWC24) ee dalka Spain ayaa waxaa shir-guddoominayay Ururka Isgaarsiinta Moobeellada Adduunka ee GSMA iyo Midowga Isgaarsiinta Caalamka ee ITU waxaana ka soo qeybgalay dowlado, hay’ado ka shaqeeya gargaarka iyo horumarinta sida World bank, UNHCR, UNDP, USAID, iyo shirkado isgaarsiineed oo ay ka mid tahay #HormuudTelecom. Madaxa Guud ee Suuqgeynta Shirkadda Hormuud Axmed Aadan Cabdiraxmaan ayaa madasha uga warbixiyay kaalinta ay shirkaddu xilliyada musiibooyinka ka qaadato wacyigelinta bulshada, fu...
Puntland oo rag kasoo jeeda Marooko dil toogasho ah ku xukuntay
WARARKA

Puntland oo rag kasoo jeeda Marooko dil toogasho ah ku xukuntay

29- Feb -2024- Garoowe Maxkamad ciidan oo ku taal magaalada Boosaaso ayaa xukunno kala duwan ku ridday rag isugu jira Soomaali iyo ajaaniib lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Daacishta Soomaaliya. Raggan oo toddobo ka mid ah ay ajaanib yihiin ayaa lagasoo qabtay deegaanka Calbari, sida uu BBC-da u sheegay Maxamed Xuseen Food Cadde oo ka mid ah xeer ilaaliyeyaasha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Puntland. "Waxaa ajaanib ah toddobo, toddobadaas lix ka mid ah waxay kasoo jeedaan dalka Marooko halka mid kale uu ahaa Itoobiyaan" ayuu yiri xeer-ilaaliye Maxamed Xuseen. Lixda eedaysane ee kasoo jeeda Marooko ayaa dhammaantood lagu xukumay dil toogasho ah halka midka Itoobiyaanka ah iyo Soomaaliga lagu xukumay min toban sano oo xabsi ah. Dadkan ayaa lo...
Maxay madaxda Afrika qaarkood xilka ugu dhegaan?
WORLD

Maxay madaxda Afrika qaarkood xilka ugu dhegaan?

29- February-2024- BBC Madaxweyne Macky Sall ayaa ku nuuxnuuxsaday shalay intii lagu guda jiray furi壯陽藥 taanka wada-hadallada qaran ee Senegal inuu doonayo inuu ka tago awoodda marka ay dhammaato muddadiisa 2-da Abriil. Waxaa la doortay 2012-kii muddo toddoba sano ah, waxaana dib loo doortay 2019 shan sano. “Afrika uma baahna rag xooggan, balse waxay u baahan tahay hay’ado xooggan,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama oo booqasho rasmi ah ku tagay dalka Gaana 11-kii Luulyo ee sannadkii 2009. Bulshada Dhaqaalaha Galbeedka Afrika (ECOWAS) waxay isku dayday in ay xalliso mushkiladda ku dhegganaanta xukunka iyagoo abuuray habraac ku saabsan dawlad wanaagga iyo dimuqraadiyadda bishii Disembar ee sannadkii 2001 si loo xaddido muddada madaxweynaha. Habraaca...
Ra’iisul wasaare Xamza oo daah-furay adeeg muhiim ah 
WARARKA

Ra’iisul wasaare Xamza oo daah-furay adeeg muhiim ah 

29- Feb-2024- Muqdisho - SONNA Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo daahfuray Ardaaga Casriyeynta Dowladnimada Soomaaliya, ayaa sheegay si loo xaqiijiyo dowladnimo casri ah oo ka taabagasha dalkeenna in loo baahan yahay jid ka duwan kii hore in aan qaadno. Dheeho News Every Day Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay in hannaanka casriyeynta dowladnimada Soomaaliya uu yahay mid wax weyn ku soo kordhinaya hannaanka shaqo iyo maamul ee dalka, isaga oo tilmaamay si hadafkaas looga miro-dhaliyo loo baahan yahay in shaqooyinka iyo heerarka kala duwan ee dowladda lagu saleeyo aqoon, karti iyo tartan daah-furan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xafiiska Ardaaga Casriyaynta Dowladnimada noqdo madal lagu karkariyo aragtiyaha, loogana doodo afkaaro horumarinay...
Xariga Lamaane Da,yar oo reer Muqdisho ah ayaa soo jiitay indhaha warbaahinta Soomaalida
WARARKA

Xariga Lamaane Da,yar oo reer Muqdisho ah ayaa soo jiitay indhaha warbaahinta Soomaalida

29- Feb-2024- Muqdisho Xariga Lamaane Da,yar oo reer Muqdisho ah oo nolosha qoyskooda ka dhigay qaab Online ah ayaa soo jiitay indhaha warbaahinta Soomaalida Faisa iyo Cabaas waa labo lammaane ah oo da’yar kuna nool magaalada Muqdisho. Bartooda TikTok ayaa aad loogu bartay muuqaalada nolosha qoyskooda ku saaban ee ay halkaas ku baahiyaan, iyagoo marwalba muuqaaladoodu muujinayaan dabaqadda ay bulshada kaga jiraan nolol ahaan. Mar walba waxay ku muujiyaan muuqaaladooda in ay isku faraxsanyahiin noloshoodana ku qanacsanyahiin. Muuqaalada ay ku daabacaan barahooda TikTok iyo Facebook waxaa daawata malaayiin qof oo siyaabo kale duwan uga falcelisa kuwaas oo u badan dhallinyaro. Nolosha qoysaska jiilashan danbe oo online-ka aad uga dhex muuqata ayaa bulshada Soomaalidu dhexde...
Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay kursiga guddoomiyaha Midowga Afrika Ooy Ku Dhawaaqaday Xldhibaan Fowsiyo ?
WARARKA

Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay kursiga guddoomiyaha Midowga Afrika Ooy Ku Dhawaaqaday Xldhibaan Fowsiyo ?

29- Feb-2024- Muqdisho Xildhibaan Fowsiyo Xaaji Aadan oo ka mid ah Golaha Shacabka BJFS ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay tahay murashax u taagan xilka Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, oo doorashadiisa la qaban doono 25-ka Febraayo ee sanadka soo soocda. Marwo Fowsiyo ayaa ku nuux-nuuxsatay muhiimadda uu Soomaaliya u leeyahay xilkan, iyadoo xustay in qofka xilkan qabta uu faa’iido u horseedi karo dalka iyo guud ahaan qaaradda Afrika. Waxay intaas ku dartay: “Soomaaliya waxay isku dayday inay jagadan hesho 1970-meeyadii, laakiin kuma aysan guuleysan, weligeedna ma qaban, balse markaan waxaa guddoonka leh bariga, waxaana ka sharaxan annaga iyo Kenya.” Xildhibaan Foosiya ayaa hadalkeeda ku soo gebegabeysay in Soomaaliya fursad aad u sarreysa ay u leedahay hanashada xilka...
Raysilwasaaraha Somalia oo Shuruud Ku Xiray wadahadal ay dowladiisu la gasho Argagixisada Alshabaab
WARARKA

Raysilwasaaraha Somalia oo Shuruud Ku Xiray wadahadal ay dowladiisu la gasho Argagixisada Alshabaab

28-Feb-2024- Muqdisho Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa shaaca ka qaaday in dowladdiisa ay diyaar u tahay inay wada hadal la gasho kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, haddii ay taasi horseeddo nabad ka dhalata dalka, inkastoo Ra’iisul Wasaaruhu uu shuruud ku xiray inay joojiyaan. marka hore. Dilalka iyo qaraxyada ay kooxda Al-Shabaab ku hayso shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan Ra’iisul wasaaraha oo sii hadlayey ayaa yiri, “Dagaalka oo kaliya xal nooma aha, dagaalka waxaan ku raadineynaa nabad, laakiin xalka ugu dambeeya wuxuu noqon doonaa wadahadal iyo isku imaansho, in la is qanciyo ayuu xalkeenu kuma jiro dil iyo is qarxin, qofku marka hore dambiga gacanta ha kala baxo, markaas kadib ayey toobadu u furan tahay.” Ra’iisul Wasaaraha oo maanta M...