Author: boodhari

Daawo: Maxkamadeynta Sayid Cali oo mar labaad ka bilaabatay Muqdisho
WARARKA

Daawo: Maxkamadeynta Sayid Cali oo mar labaad ka bilaabatay Muqdisho

26-Feb-2024 Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa mar kale maanta u fariisatay dacwadda ka dhanka ah eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud oo loo haysto inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis. Waxaa maxkamadda goobjoog ah ehellada labada dhinac, dadweyne, qareeno iyo xeer ilaalinta guud ee qaranka. https://twitter.com/BoodhariFarah/status/1762097636780147167?t=b_5Pxo4qvDnaOY4zQFVh3w&s=19 Sidoo kale waxaa la filayaa in maanta lasoo gabagabeeyo maxkamadeynta ninkan oo ay isha ku wada hayaan dadweynaha Soomaaliyeed. Waxaan rajeynaynaa in maanta lasoo gabagabeeyo kiiska, maadaama Maydka uu muddo bil ah firinjeer inoogu jiro” ayuu yiri mid kamid ehellada marxuumadda. https://www.youtube.com/live/K6lmKrAaP0o?si=EdLVRamH4afeiHtm
Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis is-afgarad ah
WARARKA

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis is-afgarad ah

26-Feb-2024 Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Mudane Xasan Macallim Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga Dooxa iyo Wasiirka Cadaaladda dalka Qatar, mudane Ibraahiim Bin Ca犀利士 li Almuhannadi ayaa maanta kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan iskaashiga arimaha sharciga. Heshiiskan Is-afgaradka ah wuxuu ka turjumayaa danaha labada dal ee isweydaarsiga macluumaadka iyo khibradaha qaabka diyaarinta, qorista iyo daraaseynta qabyo-qoraallada heshiisyada iyo heshiisyada is-afgaradka. Sidoo kale, waxay labada dowladood iska kaashanayaan cilmi-baarista sharciga iyo garsoorka ee labada dawladood, barnaamijyada tababarrada sharci iyo garsoor, kor-u-qaadidda xirfadda & aqoonta sharciyaqaannada, qareennada iyo nootaayooyinka. Munaasabadda saxiixa is-afg...
Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi ka socday Ingiriiska
WARARKA

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi ka socday Ingiriiska

February 25, 2024 Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi ka socday Ingiriiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga ee Dowladda Ingiriiska Mudane James Stephen Heappey oo booqasho ku yimid dalkeenna. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Wasiirka guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray xaqiijinta amniga, tayeynta Ciidamada iyo la dagaallanka argagixisada oo hadda maraya heer wanaagsan, taas oo suuragalisay in dalkeennu uu ka gudbo marxaladdo adag oo ay ka mid tahay qaadista cunaqabateynta hubka. Madaxweynaha ayaa uga mahadnaqay Boqortooyada Dowladda Ingiriiska doorka ay ka qaadato tababarida ciidamada Soomaaliyeed, xilli ay Soomaaliya isku diyaarineyso ...
NISA oo xirtay sarkaal sare oo ka tirsan hay’addii uu ka shaqeynayay Cabdinaasir
WARARKA

NISA oo xirtay sarkaal sare oo ka tirsan hay’addii uu ka shaqeynayay Cabdinaasir

25-Feb-2024 Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa maanta soo xirtay Mubaarik Nuur Cali oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Mubaarik oo ka soo jeeda Somaliland, gaar ahaan gobolka Awdal ayey NISA usoo xirtay si ay su’aallo u weydiiso. Mubaarik ayaa kamid ah shaqsiyaad ay hay’adda hore ula yeelatay wareysi la xiriira kiiska xasaasiga ah ee Agaasimihii waaxda diyaaradaha ee hay’adda duulimaadka rayidka, kaasi oo dhawaan maydkiisa laga helay hoyga uu ka deganaa magaalada Muqdisho. NISA ayaa horey xog wareysi ula yeelatay inta badan shaqaalaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliya oo uu ka tirsanaa Cabdinaasir Dahable oo maanta lagu aasay gudaha Somaliland, oo uu kasoo jeeday. Marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable ayaa maanta m...
Daawo : Maxkamadda Racfaanka oo mar kale dhageysatay dacwad la xariirta musuqmaqsuqa
WARARKA

Daawo : Maxkamadda Racfaanka oo mar kale dhageysatay dacwad la xariirta musuqmaqsuqa

25-Feb-2024 Maxkamadda gobolka Banaadir  ayaa maanta markale u fariisatay dhageysiga Dacwad la xariirta Musuq maasuq oo loo heysto sarakiil katirsan Hay’adda Socdaalka Jinsiyadda, Guddoomiyaha maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir Saciid Cali Maxamed ayaa su’aalo waydiiyay sargaal ka socday Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda,isagoona sheegay in Maxkamadda ay màanta soo gabagabeyneyso kiiska la xariira Musuq maasuq. Qareennada difacaya eedeysanayaasha ayaa dhankooda iska bari yèelay eedda, xeer ilaalinta kusoo eedeysay muwakiliintooda ee la xariirta Musuq maasuqa https://twitte壯陽藥 r.com/BoodhariFarah/status/1761729425710645718?t=_12_WJlzOgmWxiILIldwOQ&s=19 Avv Cabduqaadir Qareenka eedeysane Cumar Macalim ” Majirto cadeymo waafi ah oo la keenay dambiyada lagu so...
Maxay DF ka tiri khal-khalka hawada SOOMAALIYA?
WARARKA

Maxay DF ka tiri khal-khalka hawada SOOMAALIYA?

25-Feb-2024 Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Hay’addda Duulista Rayidka Hawada ayaa maanta war cusub kasoo saartay isticmaalka hawada Soomaaliya, kadib markii lagu khalkhal geliyay diyaarado marayay hawada dalka. War-saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in hay’addu ay gacanta ku hayso bad-qabka diyaaradaha isticmaala hawada Soomaaliya, ayada oo farriin u dirtay shacabka iyo shirkadaha ka shaqeeya duulimaadyada. “Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxay dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo shirkadaha duulimaadka ee isticmaala hawada Soomaaliya u caddeynaysaa inay si buuxda gacanta ugu hayso badqabka duulimaadyada isticmaala hawada Soomaaliya” ayaa lagu qoraalka kasoo baxay Hay’ada Duulista Rayidka Hawada Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedlka lasoo raaciyay “Ma ji...
Madaxweyne Xasan “Hadda talada nooguma jirto in aan dalka ka cayrinno ciidamada Itoobiya”
WARARKA

Madaxweyne Xasan “Hadda talada nooguma jirto in aan dalka ka cayrinno ciidamada Itoobiya”

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dalkiisu “is difaaci doono” haddii Itoobiya ay ku dhaqaaqdo heshiiska ay ku doonayso inay saldhig ciidan uga samaysato qayb kamid ah dhulka Soomaaliya ama halka Itoobiya haatan ay dooneyso ee dhul ahaan ku taalla jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, isla markaana ay suurtogal tahay in ay u aqoonsato dhulkaas dal madax bannaan. Itoobiya oo aan bad lahayn ayaa 1-dii bishii Jannaayo heshiis is-afgarad ah ku gashay in 20 km oo xeebta ah laga kireeyo waana Somaliland oo ah dhul ay Soomaaliya sheegtay in ay leedahay, inkasta oo Somaliland ay sheegtay in ay Soomaaliya ka madax bannaantahay tan iyo 1991-kii. Itoobiya waxay sheegtay inay doonayso inay saldhig ciidan ka samaysato halkaas, waxaanay so...
Muxuu muran u dhaliyay heshiiska ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga?
WARARKA

Muxuu muran u dhaliyay heshiiska ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga?

Muxuu muran u dhaliyay heshiiska ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga? Xiriirka siyaasadeed, kan dhaqaale iyo militari ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga, oo si xowli ah u horumarayay tan iyo sanadkii 2011, ayaa galaya marxalad cusub kaddib "Heshiiskii Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha" ee la kala saxiixday February 8. Sida ku xusan heshiiska, Turkiga, oo saldhig militari ku leh Muqdisho, ayaa muddo 10 sano ah difaaci doona biyaha Soomaaliya wuxuuna gacan ka geysan doonaa horumarinta kheyraadka badda. Heshiiskan wuxuu imaanayaa kaddib markii Itoobiya ay 1-dii January heshiis is-afgarad la saxiixatay Somaliland, oo sheegtay inay ka go’day Soomaaliya in ka badan 30 sano kahor. Heshiiskaas ayaa Itoobiya u oggolaanaya inay isticmaasho Badda Cas, iyadoo aqoonsi ugu beddeleysa Somal...
Somalia Waxay Dhahday Buur Ahaaw Ama Buur Ku Tiirsanaaw ( Faallo )
WARARKA

Somalia Waxay Dhahday Buur Ahaaw Ama Buur Ku Tiirsanaaw ( Faallo )

24Feb-2024 Somalia Waxay Dhahday Buur Ahaaw Ama Buur Ku Tiirsanaaw Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa salaan ka qaatay raxan ciidamada Badda Turkiga, oo uu, u sameeyay sagootin si, ay ugu shiraacdaan difaaca xeebta ugu dheer Afrika ee Soomaaliya , Sagootinta Erdoğan ayaa niyad jabineysa duulaanka damaca Itoobiya ee badda Somalia ooy riixayeen Fance iyo Spain kuwaas in mudo waday dadaal ay ku bixinayeen diyaarinta ciidan badeed ay Adisababa yeeëato Raysilwasaaraha itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku dhawaaqay bilo ka hor sharci iyo sharcidarro midkey noqotaba in dalkiisu uu galayo bada cas, Isaga oo heshiis la galay maamulka gooni-u-goosadka gobolka Waqooyiga Somalia ee Somaliland. Laakiin Muqdisho oo qaaday dagaal diblomaasi ayaa ku guuleystay inay Adisababa ka burburiso hanke...