Author: boodhari

Markii labaad todobaad Gudihiis ayay Somaliland ay “si aan sax ahayn ula xiriirtay” dayaarad rakaab oo maraysay hawada Soomaaliya.
WARARKA

Markii labaad todobaad Gudihiis ayay Somaliland ay “si aan sax ahayn ula xiriirtay” dayaarad rakaab oo maraysay hawada Soomaaliya.

19-Feb-2024 Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa soo saartay warsaxaafadeed la xiriira dhacdooyinkii u dambeeyay ee hawada Dalka iyo tallaabooyinka la qaaday Iyadoo Markii labaad todobaad Gudihiis ay Somaliland“si aan sax ahayn ula xiriirtay” dayaarad rakaab oo maraysay hawada Soomaaliya " Mas’uulkaas ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay arrintaas “aad uga walaacsan tahay maadaama ay ka dhalan karaan khataro la xiriira bedqabka duullimaadyada”. Wuxuu intaa ku daray in arrintaas ay maanta kulan ka yeesheen wasiirka wasaaradaas iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, kuwaasoo marka arrintaas laga yimaado sidoo kale ka shiray geerida Cabdinaasir Muuse Dahable oo ahaa sarkaal ka shaqaynayey hay’adda duulista hawada oo si aan la garan ugu geeriyooday magaalada Muqdisho http...
Wakiilka Somalia u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa u sheegay Golaha Ammaanka in isku dayga Itoobiya..
WARARKA

Wakiilka Somalia u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa u sheegay Golaha Ammaanka in isku dayga Itoobiya..

19-Feb-2024 Ergeyga Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Cusmaan ayaa u sheegay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in isku dayga Itoobiya ee isku dayga ah ay saameyn weyn ku yeelan karaan xasillooni darro marka loo eego isirka kakan ee Geeska Afrika. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta ka dooday arrimaha Soomaaliya, waxayna diblomaasiyiintii khudbadaha ka jeediyey ka hadleen xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya iyo arrimaha waxka bedelka dastuurka ee Soomaaliya ka socda. Kulankaasi waxaa diblomaasiyiinta khudbadaha ka jeediyey ka mid ahaa Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing, Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u jooga Soomaaliya, iyo wakiillada dawladaha Maryakanka, Britain iyo Shiinaha. ...
Daawo: Shir Madaxeedka Midowga Africa ee Adisababa oo gacanta la’iskula tagay
WARARKA

Daawo: Shir Madaxeedka Midowga Africa ee Adisababa oo gacanta la’iskula tagay

19-Feb-2024 Shir Madaxeedka Midowga Africa ayaa gacanta la’iskula tagay kadib markii ay dawladda Ethiopia oo marti-gelinaysa ay ku guul-dareysatay hab-agaasinka, iyo marti-soorka madaxda midowga Africa. Video-Clip laga soo qaaday xarunta midowga Africa ayaa muujinaya buuq, fawdo iyo gacan ka hadal dhex-marayey wafuudda qaar ee ka qayb-galaya shirka, taasi oo muujinaysa habacsanaanta iyo fashilka ay wajahayso Xukuumadda Addis ababa. Warbaahinta Gudaha Itoobiya(Amaharic News Agency) ayaa sheegtay in shirka Midowga Africa intiii uu socday ay rabshada ka dhaceeen halka falanqeeye Itoobiyaan ah oo lagu magacaabo,AndargachewTse uu ku sifeeyey sanadkaan in uu壯陽藥 Itoobiya uu yahay sanad uga xun si guud, si gaar ah habka maamulka Shir Madaxeedka Midowga Africa 2024. “Sanadka 2024 ...
Wariye lagu eedeeyay  la shaqeynta argagixisada oo laga masaafuriyay  Groowe
WARARKA

Wariye lagu eedeeyay la shaqeynta argagixisada oo laga masaafuriyay Groowe

19 -Feb -2024 Wariye Jamaal Cismaan oo shalay ay xireen maamulka Soomaaliyeed ee Puntland, islamarkaana caan ku ahaa buunbuuninta wararka argagixisada Al-Shabaab ayaa loo musaafuriyay magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya Sirdoonka Puntland ayaa shalay Wariye Jamaal ku xiray garoonka diyaaradaha ee Garoowe, kadib uun markii uu kasoo degay garoonka, sida aan hore u baahinay. Jamaal ayaa markaasi u bilaabatay su’aallo weydiin la xiriirta safarkiisa maamulkaasi uu ku tegay, waxaana duhurnimadii maanta laga soo musaafuriyay magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland. Jamaal oo ku caan baxay ka waranka argagixisada iyo inuu si dad badan barahiisa bulshada ugu taageero Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in la saaray diyaarada Ethiopian Airweys oo Addis Ababa ku socotay. War...
RW Xamsa oo faray hay’adaha Amniga in ay baaritaan ku sameeyaan dilka shaqaale ka tirsan Hay’adda Duulista Rayidka
WARARKA

RW Xamsa oo faray hay’adaha Amniga in ay baaritaan ku sameeyaan dilka shaqaale ka tirsan Hay’adda Duulista Rayidka

19-Feb-2024 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka dhageystay warbixinno ku saabsan horumarrada laga gaaray adeegga iyo maamulka Hawada Soomaaliya, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, iyaga oo soo bandhigay warbixinno ku saabsan howlaha duulimaadyada dalka. Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa faray hey’adaha amniga in ay baaritaan dhab ah ku saameeyaan, isla markaana ay gacanta ku soo dhigaan dhagar-qabayaasha ka danbeeyey dilkii muwaadin ka tirsanaa shaqaalaha Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliya oo xalay meydkiisa laga helay gurigiisa, si caddaaladda loo horkeeno, isaga oo tacsi u diray ehellada iyo qoyska uu ka baxay marxuumka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Wasaar...
Gollaha Ammaanka ee QM oo ka shiraya xaaladda guud ee Soomaaliya
WARARKA

Gollaha Ammaanka ee QM oo ka shiraya xaaladda guud ee Soomaaliya

19- Feb-2024 Dalalka katirsan Gollaha amaanka ee QM ayaa saacadaha soo aadan shir gaar ah ka yeelanaya xaalada Soomaaliya, waxaana warbixino ka siin doono ergayga QM Catriona Laing iyo Wakiilka Midowga Afrika, ahna madaxa ATMIS Mohamed El-Amine Souef. Khudbada Ergayga QM Catriona Laing ee Shirka Gollaha amaanka ayaa la filayaa inay diirada saarto arrimaha siyaasada, dhaqaalaha iyo amaanka dalka Soomaaliya iyo guulihii dhawaan dowlada ka gaartay deyn-cafinta, qaadista xayiraada hubka iyo ku biirista ururka bulshada Afrika. Marka laga yimaado horumarada dalka uu sameeyay,  Soomaaliya waxa ay wajaheysaa caqabado dhowr ah. Catriona Laing waxa la filayaa inay u iftiimiso Gollaha Amaanka doodaha socda ee ku saabsan geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka iyo is-maandhaafka ku saabsan...
Maxkamadda Ciidamada oo dil ku xukuntay laba askari
WARARKA

Maxkamadda Ciidamada oo dil ku xukuntay laba askari

19-Feb-2024 Dable Xoogga Arwaax Ibraahim Axmed, Axmed Ibraahim Axmed, Dable Xoogga Maxamed Shariif Rooble Maxamuud ( Oo Maqane ah), iyo Abshir Axmed Xasan Cabdi Jalaf (Oo Maqane ah) ayaa lagu soo eedeeyay dembiga ah jid gooyo ay ka dhalatay Dhimasho, Dhaawac iyo burbur Hantiyadeed. Dable Xoogga Arwaax Ibraahim Axmed iyo Dable Xoogga Maxamed Shariif Ro壯陽藥 oble Maxamuud (Oo Maqane ah) ayaa loo haystay dembiyada kala ah Dil bareer ah, Dhaawacyo, Qalqal-gelin shacab, Jidgooyo, ka tagis goob shaqo, isku day dhac iyo qasaaro soo gaaray gaari ay ku rasaaseeyeen uuna lahaa Dhibane Aadan Cabdi Cusmaan, Ayna ku dhinteen Marxuumiinta kala ah Cabdullahi Maxamed Gacal iyo Shukri Axmed Weheliye, kuna dhaawacmeen dhibanayaal Guuleed Ibraahim Hiloowle oo 16 jir ah, iyo Kaaho Cabdulle Caddow fal...
Midowga Afrika ayaa ku celiyay inay ka walaacsan yihiin xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya
WARARKA

Midowga Afrika ayaa ku celiyay inay ka walaacsan yihiin xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya

18-Feb-2024 犀利士 Shir madaxeedkii khudbadda ka jeediyey, kana soo tegay Madaxweyne Xasan Sheekh ee Midowga Afrika ayaa galabta lagu soo gabagabeyey magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. War-saxaafadeedkii laga soo saaray gabagabada shirka waxaa nuqul ka mid ah looga hadlay khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya oo gaaray meel xasaasi ah. Madaxda Midowga Afrika ayaa bayaankaan ku sheegay inay aad uga walaacsan yihiin khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhashay saxiixii Muuse Biixi ee badda Soomaaliya ay ku soo damaacisay Itoobiya. https://twitter.com/BoodhariFarah/status/1759298089653870803?t=0Fb_XGd-ow_t0kFq-Rw3qw&s=19 Walaac ka muujiyey xiisadda u dhaxaysa Jamhuuriyadda dimoqaraadiga federaalka Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, kadi...
Dheeho Cusbooneysiinta Wararka la xiriira Ciyaaraha Axadda👀
SPORTS

Dheeho Cusbooneysiinta Wararka la xiriira Ciyaaraha Axadda👀

18-Feb-2024 Luton 1-2 Man Utd Manchester United ayaa guul muhiim ah ka gaartay dagaalka ay ugu jirtay u soo bixitaanka Yurub waxaana uga mahad celinaya Rasmus Hojlund oo labo gool dhaliyay kulankii ay ku bilowdeen Luton Town. Hojlund ayaa hogaanka u dhiibay kooxda martida aheyd kaliya 37 ilbiriqsi, isagoo laba jibaaray hogaanka lix daqiiqo ka dib markii uu kubad dabamariyay goolhaye Alejandro Garnacho. Luton ayaa si deg deg ah u soo fiicnaaday waxaana uu gool dib ugu soo celiyay Carlton Morris ka hor inta uusan xakameynin. Ross Barkley ayaa madax ku dhaliyay birta laakiin United ayaa badisay si ay u xoojiso booska lixaad. Kooxda Erik ten Hag ayaa heshay fursado ay ku dhalin kartay goolkeeda saddexaad iyada oo ay bannaanka u furmeen difaaca Luton, laakiin Garnacho aya...