Author: boodhari

Bahda waxbrashada ee gobolka Banaadir ayaa Sabtida maanta ah dhaqan galiyay shaqa joojin saddex maalin qaadaneys
WARARKA

Bahda waxbrashada ee gobolka Banaadir ayaa Sabtida maanta ah dhaqan galiyay shaqa joojin saddex maalin qaadaneys

17-Feb-2024 Bahda waxbrashada ee gobolka Banaadir ayaa Sabtida maanta ah dhaqan galinaya shaqa joojin saddex maalin qaadaneysa oo albaabada ay ugu laabayaan goobaha waxbarashada iyagoo ka falcelinaya dil dhowaan loo geystay mid kamid ah macallimiinta wax ka dhiga iskuul ku yaalla degmada Wadajir. Ehellada Macallin Cabdiraxmaan Macallow Abiikar oo weli ku jira Firinjeer ayaa maanta dibad-bax cabasho ah ka dhigay magaalada Muqdisho. Dibadabaxan ayaa waxaa sidoo kale ka qayb-galay qaar kamid ah bahda waxbarashada, ayada oo cadaalad loogu dalbayay marxuumka oo lagu dhex dilay iskuulka Sidii. Ehellada ayaa sheegay in aan la aasi doonin maydka, illaa inta laga soo qabanayo eedeysanaha oo weli baxsad ka ah laamaha ammaanka iyo cadaaladda
Madaxweynaha JFS oo qaabilay safiirada dalalka Jaamacadda Carabta u jooga Ethiopia
WARARKA

Madaxweynaha JFS oo qaabilay safiirada dalalka Jaamacadda Carabta u jooga Ethiopia

17-Feb-2024 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa hoyga uu ka degen-yahay magaalada Addis Ababa ku qaabilay Safiirada dalalka Jaamacadda Carabta u jooga Ethiopia, waxayna ka wada hadleen arrimaha gobolka Geeska Afrika iyo caalamka intiisa kale.壯陽藥 Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku bogaadiyay ugana mahadceliyay safiirada dalalka Jaamacadda Carabta ee Ethiopia garab istaagga dhabta ah iyo taageerada ay u muujiyeen Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ku guulaysatay inay noqoto dalka kaliya ee ka socda Bariga Afrika ee u sharaxan mid ka mid ah kuraasta aan joogtada ahayn ee  Golaha Ammaanka  ee Qaramada Midoobay ee muddo xileedka 2025-2026. Kulankan waxaa Madaxweynaha JFS kala qayb galay qaar kamid ah ...
Can Africa’s new free trade treaty boost business on the continent?
WARARKA, WORLD

Can Africa’s new free trade treaty boost business on the continent?

16-Feb-2024 African leaders will be convening in Ethiopia’s capital, Addis Ababa, for the 37th summit of the African Union on Saturday. During the two-day gathering, the Heads of State and Government of the African Union will discuss issues of peace, development and integration against the backdrop of resurgent coups, global food and commodity crises and heightened geopolitical competition across the continent The integration agenda holds particular significance as global powers vie for influence over African states, evident in the growing number of “Africa summits” hosted by individual countries outside the continent in recent years https://twitter.com/BoodhariFarah/status/1758564742426198136?t=D4XZqlWBvDKaj901mY6XDA&s=19 Africa faces several complex and multifaceted...
Soomaaliya ma heli doontaa kursiga Qaramada Midoobay ee loo ogolaaday inay kaligeed u tartanto Africa?
WARARKA

Soomaaliya ma heli doontaa kursiga Qaramada Midoobay ee loo ogolaaday inay kaligeed u tartanto Africa?

16-Feb-2024 Sida ay baahisay dawladda Soomaaliya, Golaha Fulinta ee Midowga Afrika ayaa isku raaciyay in Soomaaliya ay noqoto musharraxa kaliya ee Bariga Afrika ee u tartami doona kusiga Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee aan joogtada ahayn. Afrika ayaa waxay ku leedahay golaha amaanka ee Qarmada midoobey saddex kursi oo loo qoondeeyay Sadedax gobol kuwaas oo kala ah gobalka bari, gobolka waqooyi,gobalka galbeed. Kursigaan oo kamida ah kuwa joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa hadda ku fadhiya oo dalalka gobalka bariga Afrika oo ay ku masho mozambique. Wasiiru dowlaha wasaarradda arrimaha dibada Soomaaliya ahan ku simaha wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Cali balcad oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in kursiga aan Soomaaliya lagula tar...
Madaxweyne Xasan Shiikh oo gaaray magaalada Addis Ababa si uu uga qeybgalo shirka Ururka Midowga Afrika
WARARKA

Madaxweyne Xasan Shiikh oo gaaray magaalada Addis Ababa si uu uga qeybgalo shirka Ururka Midowga Afrika

16-Feb-2024 Sidee madaxweyne Xasan loogu soo dhaweeyay Addis Ababa? Madaxweyne Xasan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Abiy Axmed, oo uu meeqaam ahaan ugu sareeyay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide. Ujeedka socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah si uu uga qeyb galo Meertada 37-aad ee shir-madaxeedka Golaha Midowga Afrika, sida ay shaacisay Villa Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale gudbin doona mawqifka cad ee Soomaaliya ay ka taagan tahay faro-gelinta ka dhanka ah madax-banaanida iyo midnimadeeda dhuleed, xilli Itoobiya ay xad-gudub ka dhan ah kula kacday. Socdaalka madaxweynaha ayaa siyaabo kala duwan looga fal-celiyay, ayada oo dadka qaar u arkaan inuu yahay mid lagu fududaaday,...
Shidaalkii ugu horeeyay oo sanadkaan laga soo saarayo Soomaaliya iyo gobolka laga qodayo oo la shaaciyay
WARARKA

Shidaalkii ugu horeeyay oo sanadkaan laga soo saarayo Soomaaliya iyo gobolka laga qodayo oo la shaaciyay

16-Feb-2024 Soomaaliya ayaa la filayaa in ay dabayaaqada sannadkan 2024 billowdo qodista ceelkii shidaalkii ugu horreeyay dalka laga soo saaro, iyadoo shirkadda qandaraaska lagu siiya ay durba bilowday in ay asteyso meesha ugu haboon ee laga duleelin karo ceelka ugu horreeyay ee shidaalka laga soo saari doono, kaas oo ku yaal aagga ku aadan xeebta degmada Hobyo ee gobolka Mudug. Wasiirka Batroolka iyo Macdnta ee Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa wareysi uu siiyey BBC-da ku sheegay in Soomaaliya ay dabayaaqada sanadkaan la soo saari doono shilkii ugu horeeyay ee laga qodo gudaha Soomaaliya, kaas oo la filayo in uu noqdo maadada caeeriinka ah, kadibna loo diri doono tijaabo baaritaan. Dhawaan waxaa khubaro ka socota Hay’adda Batroolka Soomaaliya ay booqdeen deegaanno ka ...
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “WAA IN AAN GALNAA KACDOON WAXBARASHO OO SARE LOOGU QAADAYO AQOONTA DADKEENNA EE CULUUMTA BADAHA”
WARARKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “WAA IN AAN GALNAA KACDOON WAXBARASHO OO SARE LOOGU QAADAYO AQOONTA DADKEENNA EE CULUUMTA BADAHA”

16-Feb-2024 Madaxweynaha Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xarunta Madaxtooyada Qaranka uga qayb galay Munaasabad lagu shaacinayay 40 Arday oo ku guuleystay waxbarasho bilaash ah oo heer PhD ah ayaa kula dardaarmay in ay si hufan uga faa’iideystaan fursaddan muhiimka ah, si ay bilow ugu noqdaan Jiil dadkooda uga faa’iideeya soo saarista kheyraadka ka buuxa Baddeenna. Ardaydaan oo qayb ka ah, 100 Arday oo Madaxweynaha Jamhuuriyaddu u ballan qaaday deeq waxbarasho oo heer PhD ah ayaa barandoona Afar daraasadood oo kala ah. 1. PhD: Culuumta xaalufinta dhulka iyo nabaad guurka 2. PhD: Culuumta Dhaqaalaha iyo Amniga Badaha and Marin-biyoodyada 3. PhD: Culuumta Hogaaminta iyo Horumar Waara 4. PhD; Culuumta Nabadda, Maamulka iyo Horumari...
Daawo: Madaxweyne Xasan Oo Dowlada Maraykanka Ku Amaanay..
WARARKA

Daawo: Madaxweyne Xasan Oo Dowlada Maraykanka Ku Amaanay..

15-Feb-2024-Muqdisho Isbadelkii ka kala dhacay Mareykanka Iyo Somalia ee meesha ka saaray xukunadii Farmaajo Iyo Trump ayaa Muqdisho Iyo Washington ka dhigay kuwa Isla jaanqaada oo wadajir u wiiqa cadowga Al-Shabaab oo dhibaato mudo dheer ah ku hayay dadka Soomaaliyeed " Sideen Ku Nimid Halkan? Q-55aad Madaxweynaha Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dowladda Mareykanka ku bogaadiyay kaalintooda ku aadan garabsiinta ciidamada dowladda kadib markii Madaxweynuhu uu hadal kooban ka jeediyay munaasabad lagu saxiixay 5 xarun milatari oo Mareykanku ka dhisayo Soomaaliya si loo tayeeyo CXD. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa markii Aqalka cad uu yimid bilaabay in uu xoojiyo taageerada ciidan ee la siiyo Soomaaliya oo halgan kula jirta kooxda argagixisada ah ee Alshabaab, ta...
Daawo: Mareykanka oo 5 saldhig militari ka dhisanaya Soomaaliya
WARARKA

Daawo: Mareykanka oo 5 saldhig militari ka dhisanaya Soomaaliya

15-Feb-2024- Muqdisho Mareykanka ayaa shan saldhig oo militari ka dhisanaya Soomaaliya . Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta heshiis milateri oo taariikhi ah la sax壯陽藥 iixatay dowladda Mareykanka, kaasi oo ka dhacay xarunta Xalane oo ku taalla gudaha safaaradda Mareykanka ee Muqdisho. Heshiiskan oo is afgarad ah ayaa waxaa goobjoog ahaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana saxiixay wasiirka difaaca Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac). Sidoo kale waxaa Mareykanka u saxiixay Sii Hayaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, waxaana goobjoog ka ahaa ku xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika. https://twitter.com/BoodhariFarah/status/1758145390036054421?t=L2ce6G2UaXFUx24M3XXIyA&s=19 Saxiixa heshiiskan ayaa ku saabsan dhis...
Ninkii gubay xaaskiisa oo maanta ka soo muuqday maxkamadda Gobolka Banaadir!!
WARARKA

Ninkii gubay xaaskiisa oo maanta ka soo muuqday maxkamadda Gobolka Banaadir!!

15-Feb-2024-Muqdisho Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa sheegay in maaanta Maxkamadda Gobolka Banaadir la horgeeyay eedeysane Sayd Cali Macallin Daa’uud oo loo haysto inuu gubay xaaskiisii oo xaamilo ahayd, Luul Cabdicasiis Maxamed. Warqad kasoo baxday xafiiska xeer ilaaliyaha ayaa waxaa lagu sheegay in ninkan oo ay muddo ku raad-joogeen laamaha amniga, maanta ay bilaabatay dacwaddiisa. “Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta Maxkamad horgeeyay eedaysane Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ku eedaysan in uu xaaskiisii oo xaamilo ah nolosha ku gubay, kaas oo muddi baxsad ka ahaa hay’adaha amniga oo ku daba jiray” ayaa lagu yiri. Sidoo kale wuxuu xafiiska xeer ilaalinta ballan qaaday in la dadaji doono kiiskan, si ay cadaalad u hesho dhibane marxuumad Luul Cabdicas...