Author: boodhari

Iyadoo ay ka sii darayso Colaada Suudaan Difaacayaasha Xuquuqda  Aadanaha Bariga Iyo Geeska Afrika ..
WARARKA

Iyadoo ay ka sii darayso Colaada Suudaan Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha Bariga Iyo Geeska Afrika ..

13 Feb-2024 Iyadoo ay ka sii darayso Colaada Suudaan Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha Bariga Iyo Geeska Afrika waxay sii wadaan xoojinta qorshayaasha lagu ilaalinayo dadka rayidka ah Ururada Xuquuqda Aadanaha ee Suudaan oo uu horkacayo Timothy Kos ayaa wada tashi saddex maalmood qaatay la yeeshay Masuuliyiin uu ku jiro Agaasimaha Pan-African human right defenders Dr Hassan Shire Masuuliyiin daladda difaaacayaasha xuquuqda aadanaha dalalka Africa ayaa uga mahadcelinyay Timothy iyo kooxdiisa dadaaladooda ku aaddan ilaalinta HRD ee Suudaan . Inkastoo qalalaasaha dabadheeraaday壯陽藥 ee colaada Suudaan ay sii xumeeysay duruufaha bani’aadamnimo ee halkaas ka jira hadan sii wadida qoryaasha ilaalinta rayidka ayaa wadahadaladan lagu qiimeeyay ,iyadoo la eegayo xaaladda ay hadda ku s...
Dheeho👀Kulamada UEFA Champions League Manchester City ayaa ka badisay FC Copenhagen Iyadoo RB Leipzig ay guuladro kala kulantay Real Madrid
SPORTS

Dheeho👀Kulamada UEFA Champions League Manchester City ayaa ka badisay FC Copenhagen Iyadoo RB Leipzig ay guuladro kala kulantay Real Madrid

13-Feb-2024 Dheeho👀Cusbooneyaiinta kulamada UEFA Champions League: Manchester City ayaa u safartay guriga FC Copenhagen Iyadoo RB Leipzig ay martigalisay Real Madrid Warbixin Dheeho News Every Day FC Copenhagen 1-3 Man City Goolal ka kala yimid De Bruyne, Bernardo Silva iyo Foden ayaa Man City ka caawiyay inay 3-1 kaga badisay Copenhagen Manchester City ayaa dib u soo ceshatay difaacashada koobka horyaalada yurub kadib markii ay guul raaxo leh ka soo gaadhay kooxda FC Copenhagen lugtii hore ee wareega 16ka. Ka dib markii Kevin de Bruyne uu hogaanka u dhiibay kooxda Pep Guardiola, waxa ay u muuqatay inay ku guuleysan doonaan guul weyn iyadoo kooxda martida loo ahaa ay si dirqi ah u dul saartay gacan-gashi. https://twitter.com/BoodhariFarah/status/1757526198526038524?t...
Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo gaaray Addis Ababa
WARARKA

Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo gaaray Addis Ababa

13-Dev-2024 Wafdi ka socda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada caasimada ah ee Addis Ababa, ayada oo ay weli taagan tahay xiisadda u dhexeyso Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska badda. Wafdigan ayaa waxaa horkacaya wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibedda, ahna ku simaha wasiirka, Xildhibaaan  Cali Maxamed Cumar (Balcad), kaas oo ka dagay Addis Ababa. Ujeedka ayaa ah sidii uu uga qayb-geli lahaa shirka 44-aad ee dalalka Midowga Afrika, kaas oo looga hadli doona xaaladda guud ee gobolka iyo sidii loo wajihi lahaa caqabadaha jira. Sidoo kale waxaa la filayaa in shirkan lagu soo qaado xiisadda diblumaasiyadeed ee haatan u dhexeyso labada dowladood ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo si weyn loo dareemay. Dhanka kale, wasiir Cali Balcad...
Daawo: Xildhibaanada gobolka Awdal ugu jira baarlamaanka Somaliland oo si cad u diiday damaca Itoobiyae ee Badda Soomaaliya
WARARKA

Daawo: Xildhibaanada gobolka Awdal ugu jira baarlamaanka Somaliland oo si cad u diiday damaca Itoobiyae ee Badda Soomaaliya

13-Feb-2024 Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Somaliland ayaa maanta sheegay inay kasoo horjeedaan is-afgaradkii ay bishii hore magaalada Addis Ababa ku gaareen Itoobiya iyo Somaliland. Xildhibaanada gobolka Awdal ee Somaliland oo si cad u diiday damaca Itoobiyae ee Badda Soomaaliya https://youtu.be/k4xdvK9X_40?si=4uBkq8xi3HwZKH-4
Faahfaahin dheeraad ah oo kasoo baxaysa safarka uu madaxweynaha Masar ku tagayo Soomaaliya
WARARKA

Faahfaahin dheeraad ah oo kasoo baxaysa safarka uu madaxweynaha Masar ku tagayo Soomaaliya

Madaxweynaha Masar Janaraal Cabdifitaax Al Sisi ayaa lagu wadaa in uu booqasho ku yimaado Soomaaliya, taas oo noqonaysa safarkii ugu horreeyay abid oo madaxweyne Masaari ah ku yimaado Soomaaliya muddo ku dhow kontan sano. Socdaalkaas ayaa dabo socda kulan horey Qaahira ugu dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sisi bishii hore, kaas oo ay uga wada xiriirka labada dal kadib markii uu soo baxay heshiiska badda iyo aqoonsi isweydaarsiga ee Somaliland iyo Itoobiya. Madaxweynaha Masar oo si adag uga hadlay heshiiskaas ayaa xilligaas ku hanjabay inay si buuxda u taageeri doonaan Soomaaliya dhan ciidan iyo difaac iyo wixii kale ee ay uga baahato. Masar iyo Itoobiya ayaa ku loolamaya saameynta gobolka, iyaga oo isku haya sida loo wadaagayo biyaha webiga Nile ee kasoo farcama dhulka buural...
Daawo ; Madaxweyne Xasan Oo Ku Dhex Lugeeyay Muqdisho Oo Xili Habeen Ah Joogta
WARARKA

Daawo ; Madaxweyne Xasan Oo Ku Dhex Lugeeyay Muqdisho Oo Xili Habeen Ah Joogta

12-Feb-2024 Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa si kadis u booqday qaar ka mid ah Suuqyada ganacsiga Muqdisho ayaa waqti la qaatay boqolaal ka mid ah shacabka caasimadda. Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka soo laabatay Senator Muuse Suudi oo uu gurigiisa ku booqday ayaa lugta soo mariyay caawa meelo ka mid ah xarumaha ganacsi ee Jubba Hypermarket ee bartamaha caasim犀利士 adda Isaga oo sallaamay dad fadhiyay maqaayado ku yaal halkaas oo qaarkood Madaxweynaha sawiro la galay
Daawo: Maxaa Laga Yiri  Dhameystirka Dastuurka Oo uu Baarlamaanka Somalia Gudagalay ?
WARARKA

Daawo: Maxaa Laga Yiri Dhameystirka Dastuurka Oo uu Baarlamaanka Somalia Gudagalay ?

12-Feb-2024 Ma Hoggaamiye iyo Hoggaamiye ku xigeen' ayaa lagu badalayaa magaca madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada ? Baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya ayaa guda galay wax ka beddelaka dhowr cutub oo dastuurka ka mid ah kuwaasoo isbeddel lagu sameynayo. Qodobada la soo jeediyay in wax laga badalayo dastuurka Soomaaliya waxaa ka mid ah qodobka 51-aad. Halkii ay ka aheyd in ay leeyihiin dowlad goboleedyada Somaaliya madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ayaa soo jeedinta hadda waxaa ku jira in loo badalo hoggaamiye iyo hoggaamiye ku xigeen. Marka laga hadlayo xilalka madaxda ugu sarreysa dowlad goboleedyada iyo kan dowladda federaalka, hadii aadan maqal magaca qofka ama sharaxaad kale, kalama garaneysid sababtoo ah hal magac ayey wadaagaan. Tani waa soo jeedin, weli si r...
Daawo: Labada gole oo maanta billaabay ka doodista cutubyada wax kabadalka lagu sameeyay ee Dastuurka KMG
WARARKA

Daawo: Labada gole oo maanta billaabay ka doodista cutubyada wax kabadalka lagu sameeyay ee Dastuurka KMG

12-Feb-2024- Muqdisho dhageystay guddiga dib u eegista iyo la socodka Dastuurka ee labada gole, waxaana toos u bilowday dooddiisu Dastuurka KMG. Cutubyada 1-aad 2-aad 3-aad iyo 4-aad ayaa kiisa 1aad dooddiisu ay soco doontaa 14 bishaan Febraayo ilaa 19 bisha.Cutubka 2-aaad ayaa isna dooddiisu soco doontaa 21 Febraayo ilaaa 04 Marso halka cutubka 3-aad dooddiisa loo qorsheeyey 06 Marso ilaa 11 bisha. https://youtu.be/zRa06QPahQ8?si=71Kua-7dqncJUhsQ Cutubka ugu dambeeya ee 4aad ayaa loo asteeyey ka doodistiisa 13 Marso ilaa 23 Bisha waana dhammeystirka Marxaladda 2aad ee Cutubyada 1aad ilaa 4aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda. Kulanka labada gole oo ka duwan marka loo eego kulamadiisa hore marka laga eego ajandaha la xiriira Dastuurka oo shacabka Soomaaliyeed indha ku haya...
Maxay tahay cabsida ka jirta deegaannada Galmudug ee hore looga saaray Al Shabaab ?
WARARKA

Maxay tahay cabsida ka jirta deegaannada Galmudug ee hore looga saaray Al Shabaab ?

12-F3b-2024- BBC Wararka ka imaanaya deegaannada Galmudug ayaa sheegaya in goobo ka mid ah kuwii Al Shabaab lagula dagaallamay, horena looga saaray ay iminka cabsi ka jirto, taasoo la xiriirta inay ku soo laabtaan ama soo weeraraan. Deegaannadaas qaarkood ayey wararku sheegayaan in ciidanka dawladda, kuwa Galmudug iyo kuwa deegaanka uga baxeen sababo aysan maamulka Galmudug iyo dawladda federaalka sheegin. Laakin qaar ka mid ah dadka xog-ogaalka u ah hawlgalladii deegaannadaas ka dhacay ayaa BBC u sheegay inay jiraan goobo ay ciidanka dawladda iyo kuwa Galmudug ka baxeen, kuwaasoo ay dib ugu soo laabteen dagaallamayaasha AL Shabaab. Deegaannadaas waxaa ka mid ah aagagga Caad iyo Jeexjeexa oo dagaallo aad u kharaar ay ku dhex mareen ciidamada isla socda ee Galmudug iyo fede...