Author: boodhari

Daawo: Aabaha Dhalay Marxuumad Luul C/casiis oo Codsaday In la dadajiyo Maxkamadeynta Ninkii Gubay Gabadhisa
WARARKA

Daawo: Aabaha Dhalay Marxuumad Luul C/casiis oo Codsaday In la dadajiyo Maxkamadeynta Ninkii Gubay Gabadhisa

5-Feb-2024-Muqdisho Risaala tv Aabaha dhalay AUN Marxuumad Luul Cabdicasiis oo u geeriyootay dab uu qabadsiiyay ninkeeda ayaa soo dhaweeyay qabashada ninka lagu eedeeyay in uu gubay gabadhisa, isaga oo hadlay goor dhaweyd Risaala TV Aabahan oo fariin uu, u diray heyaddaha garsoorka ayaa codsaday in la dadajiyo Maxkamadeynta Sayid Cali Macalin Daa’uud
Toos U Daawo: Munaasabadda  Abaalmarinta Tartanka K/Cagta Maamul Goboleedyada Dalka Oo Muqdisho Ka Socota
WARARKA

Toos U Daawo: Munaasabadda Abaalmarinta Tartanka K/Cagta Maamul Goboleedyada Dalka Oo Muqdisho Ka Socota

5- February-2024- Muqdisho Toos U Daawo: Munaasabadda Abaalmarinta Tartanka K/Cagta Maamul Goboleedyada Dalka Oo Muqdisho Ka Socota https://www.youtube.com/live/BUVQu7t8pDg?si=728bwmBAU-beLlZc Madaxweyne Xasan Shiiq oo abaalamarino guddoonsiiyay macalimiinta ,ciyaartooyda xulalka Galmudug Iyo Hirshabelle ee kaalimaha koowaad iyo labaad galay tartankii Muqdisho ku soo dhamaaday ee koobka maamul goboleedyada dalka https://twitter.com/BoodhariFarah/status/1754559309994758379?t=elEcSG6F88NRh0TGtCKXXg&s=19 Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay jiraan dalal iyo hay’addo ka xun Hormarada Soomaaliya ay samaysay. https://twitter.com/BoodhariFarah/status/1754579337557209180?t=VtYOm0zSM5erjiwGt30DHg&s=19 Hadalkan ayuu Madaxweynuhu ka jee...
Dheeho Cusbooneeysiinta Waraka Ciyaaraha ee Monday Night Manchester City ayaa guul xamaasad leh ka gaartay Brentford
SPORTS

Dheeho Cusbooneeysiinta Waraka Ciyaaraha ee Monday Night Manchester City ayaa guul xamaasad leh ka gaartay Brentford

5- February-2024 Brentford 1-3 Manchester City Manchester City oo u awood sheegatay Brentford ayaa booska labaad kala baxday Arsenal Saddexleydii uu Phil Foden dhaliyay ayaa Manchester City u diray inay farqiga goolasha kaga soo gudubto Arsenal. Kooxda Pep Guardiola oo uu kulan baaqi ah u harsan yahay ayaa haatan waxay laba dhibcood ka hooseeyaan Liverpool"👀 https://twitter.com/BoodhariFarah/status/1754629367647363415?t=nUvHW_dVw-azj0MCzm1y3Q&s=19 Manchester City ayaa si xamaasad leh u soo gashay kaalinta labaad ee kala sareynta Premier League, waxayna laba dhibcood ka hoosaysaa kooxda hogaanka haysa ee Liverpool, iyadoo Phil Foden uu saddexleydii uu dhaliyay ay sabab u ahayd guul la taaban karo oo ay ka gaadheen Brentford Kooxda martida loo ahaa ayaa si ...
NISA ayaa gacanta kusoo dhigay Ninkii ku eedeysanaa In uu Gubay Xaaskiisa oo Xaamilo Ah
WARARKA

NISA ayaa gacanta kusoo dhigay Ninkii ku eedeysanaa In uu Gubay Xaaskiisa oo Xaamilo Ah

5- February-2024 Heyadda NISA:Waxay ku guuleystay Inay gacanta ku soo dhigay Tuhumanihii lagu eedeeyay In uu Gubay Xaaskiisa oo Xaamilo Ah Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa gacanta kusoo dhigay Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan dilka AUN Marxuumad Luul Cabdicasiis oo jimcihii u geeriyootay dhaawac kasoo gaaray dab la qabad siiyay jirkeeda. Olole balaaran oo heyaddaha amaanka Somalia ay maalmihii lasoo dhaafay ku daydayayeen eedeysanaha ayaa ugu dambeyn noqday mid meel mar ah markii Ciidamada Nabadsugida Qaranka ee NISA ay suueta,gashay inay eedeeysanaha kasoo qabtaan deegaanka Caad oo ku dhow furinta dagaalka ciidamada dowladda Iyo Alshabaab ee gobolka Mudug xilli uu halkaas ku dhuumaaleysanayay. Booliska Somalia ayaa fa...
Daawo: Kulan U Dhexeeya DFS Iyo Beesha Caalamka Oo Ka Furmay Muqdisho
WARARKA

Daawo: Kulan U Dhexeeya DFS Iyo Beesha Caalamka Oo Ka Furmay Muqdisho

5- February-2024- Muqdisho Ku simaha Ra'iisul wasaaraha dalka oo Muqdisho ku soo dhaweeyey ku xigeenka Madaxweynaha Bangiga Adduunka iyagoo ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado horumarinta xirfadaha. Shirka ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo dardar-gelin lahaa, loogana miro dhalin lahaa qorshaha Xukuumadda ee siyaasadda loo dhan yahay. Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa madasha la wadaagay heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay geeddi-socodka dowlad dhiska dalka, caqabadaha jira iyo qorshaha dowladda ee sanadkan 2024. Isaga oo soo bandhigay muhiimadda ay leedahay in kor loo qaado taageerada horumarinta ee saaxiibbada caalamiga ah ay siiyaan Soomaaliya.
Daawo: Xildhibaanada Oo Dood Adag Ka Yeeshay Siyaasada Iyo Arrimaha Masiiriga ah ee dalka
WARARKA

Daawo: Xildhibaanada Oo Dood Adag Ka Yeeshay Siyaasada Iyo Arrimaha Masiiriga ah ee dalka

5- February-2024 Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa maanta billaaby ka doodista arrimaha siyaasadda iyo go’aanada masiiriga ah ee dalka, iyadoo doodda socon doonto maalmo. Illaa 60 Xildhibaan ayaa is qortay, si ay uga hadlaan qodobkaas ajandaha ee uu Guddoonka Golaha shalay shaaciyay in laga doodayo. Qaar ka mid ah Xildhibaannada ayaa sheegay in waajibaadkooda uu yahay dhameysirka dastuurka iyo go’aan ka gaaristiisa, oo aanay u oolin Madasha Wadatashiga Qaran iyo cid kale, sidoo kale Xildhibaannada qaar ayaa soo jeediyay in Madaxweynaha aanu tagin Garowe .Waxaa la is weydiinayaa oo su’aal taagan ah sida Baarlamaankan 11aad uu awood siyaasadeed ugu yeelan doono jaangoynta arrimaha masiiriga ah, iyadoo la xusuusto Baarlamaanadii hore sida kii 8aad, 9aad iyo 10aad aanay wax d...
Dad ku dhow 10 Qof oo Oromo ah ayaa lagu dilay Magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo
WARARKA

Dad ku dhow 10 Qof oo Oromo ah ayaa lagu dilay Magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo

5- February-2024 Weerar ay fuliyeen rag hubeysan, oo loo maleeynayo in ay yihiin Alshabaaba ayaa 壯陽藥 lagu dilay dad ka badan oo Oromo ah magaalada Beled axaawo ee gobolka Gedo Dheeho News Every Day Weerarkan ayaa waxaa fuliyay rag hubeysan, kuwaas oo beegsaday xaafad ay dagan yihiin dad Oromo ah, sida uu innoo sheegay in mid kamid ah waxgaradka deegaanka.Sidoo kale waxaa weerarkan ku dhintay ugu yaraan 7 qof, halka ay ku dhaawacmeen 6 kale oo isugu jiro rag, dumar iyo carruur.Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana weli socda baaritaano ku aadan falkan oo ay wadaan ciidamada ammaanka ee ku sugan halkaasi.
Muqdisho Oo Raadineysa Xuquuqda Maqaamka Mataalada Dadka Ku Nool Gobolka Banaadir
WARARKA

Muqdisho Oo Raadineysa Xuquuqda Maqaamka Mataalada Dadka Ku Nool Gobolka Banaadir

4- Feb-2024- Muqdisho Guddiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha Baarlamaanka Somalia oo la kulmay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan kula qaatay xarunta Villa Hargeysa, Guddiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Duqa Muqdisho ayaa ugu horeyn Guddiga warbixin dhameystiran ka siiyay Xaalada Magaalada Muqdisho iyo howlaha shaqo ee Maamulka Gobolka Banaadir, waxa uuna sidoo kale kala hadlay Qorshaha dhameystirka Dastuurka dalka oo xuquuqda matalaad ay ugu maqan tahay shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ugu b...
Dheeho Cusbooneysiinta Wararka Ciyaaraha Inter oo guul dirqi ah ka gaartay Juventus Iyo Arsenal oo  garoonkeeda ku garaacday Liverpool
SPORTS, WARARKA

Dheeho Cusbooneysiinta Wararka Ciyaaraha Inter oo guul dirqi ah ka gaartay Juventus Iyo Arsenal oo garoonkeeda ku garaacday Liverpool

4- February-2024 Inter Milan ayaa afar dhibcood oo nadiif ah ku qabatay hogaanka Seria A kadib markii ay guul ka gaadhay Juventus oo uu iska dhaliyay Federico Gatti. Daqiiqadii 37-aad kubad uu dhanka midig ka soo qaaday ayaa xabadka kaga dhacday Gatti, wuxuuna hogaanka u dhiibay Inter. Federico Dimarco ayaa kubad joog hoose ah ka soo daba dhacday daafaca isagoo hogaanka u dhiibay Inter Marcus Thuram laakiin waxaa ka beeniyay kubadii ugu danbeysay ee Gleison Bremer. Inter ayaa kulan baaqi u ah u harsan tahay kooxda ku jirta kaalinta labaad ee Juve iyo AC Milan oo ku jirta kaalinta saddexaad. Kooxda martida ah ee San Siro ayaa heshay fursadahooda, Dusan Vlahovic ayaa lumiyay fursad cajiib ah oo uu u helay Bianconeri markii taabasho liidata markii hore ay keentay inuu h...
Facebook-ayaa u dabaaldegaysa dhalashadeedii 20aad ee Iyadoo Hormuud Telecom ay ku soo dhaweeysay Somalia
BUSINESS, WARARKA

Facebook-ayaa u dabaaldegaysa dhalashadeedii 20aad ee Iyadoo Hormuud Telecom ay ku soo dhaweeysay Somalia

4- Fev-2024 Facebook-:ayaa u dabaaldegaysa dhalashadiisa 20aad ee Febraayo 4.Iyadoo Hormuud Telecom ay ku soo dhaweeysay Somalia xil Facebook ay 5 sano jir tahay Shirkadda weyn ee warbaahinta bulshada oo leh ilaa 3 bilyan oo isticmaale ayaa aad u kortay 20 sano kadib iyadoo weli ah madasha bulsho ee ugu weyn adduunka, Hormuud ayaa 2009-kii Dalka ka hirgelisay GPRS internet, oo ahaa internet-kii ugu horreeyay ee mobile lagu isticmaali karo ee ka hanaqaaday Soomaaliya. https://twitter.com/BoodhariFarah/status/1754149377260638356?t=Wh1NHtSsexLO2g65Ijb8Tw&s=19 Facebook wuxuu ka mid yahay Baraha Bulshadu ku wada xiriirto ee ku dul nool shabakaddeyda internet-ka. Aniguna waan ku dhex noolahay si aan ugula xiriiro macaamiisheyda. Soo dhaweynta #Hormuud ee Facebook ayaa...