Reer AWDAL oo Muqdisho ku qabtay kulan weyn oo looga soo horjeedo damaca Ethiopia
4-Feb-2024
Waxaa magaalada Muqdisho maanta lagu qabtay kulan ballaaran oo looga soo horjeedo damaca gurracan ee Itoobiya ee ku dooneyso qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.
Kulankaan oo ay soo qaban-qaabiyeen siyaasiyiinta iyo bulshada gobolka Awdal ayaa waxa ay ka dhiidhiyeen damaca Itoobiya iyo xad-gudubka ay ku sameysay qaranimada iyo madax-bannaanida ummadda Soomaaliyeed.Waxaa ka qeyb-gal kulanka xildhibaano ka tirsan labada gole ee BJF, wasiirro iyo bulshada kasoo jeeda gobolka Awdal, kuwaasi oo sheegay in dowladda federaalka ay ku garab taagan yihiin go’aanka ay ka qaadatay damaca liita ee xukuumadda Abiy Axmed.
Suldaan Diiriye oo waxgaradkii goobta ka hadlay kamid ahaa ayaa sheegay in Soomaalida meel walba oo ay joogta looga baahan yahay in ay u istaagaan difaaca dalka.“I...