Author: boodhari

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgallo Khawaarijta ka dhan ah ka wado deegaanno hoostaga Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud
WARARKA

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgallo Khawaarijta ka dhan ah ka wado deegaanno hoostaga Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgallo lagu baacsanayo maleeshiyaadka Khawaarijta ka sameeyay deegaanno u dhexeeyo gobollada Shabeellaha dhexe iyo Galgaduud. Guutadda 26-aad Cali Bin Abii Daalib XDS ayaa howlgalka oo u jeedkiisu ahaa ka hortaga dhagarta khawaarijta ka sameeyay deegaanka Cali-goodle iyo Cali-gureey. Taliyaha Guutadda 26-aad CXDS G/le Dhexe Cabdiraxmaan Salaad Xujaale ayaa sheegay inta uu howlgalka socday in ciidnka ay ku guuleeysteen inay wadooyinka ka soo saaraan miinooyin Khawaarijta dooneeyso inay ku dhibaateeyaan shacabka balse geesiyaasha XDS ay ku guuleeysteen inay ka hortagaan dhagarta Khawaarijta islamarkaasna soo saaraan miinooyinka. Xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa howlgallo lagu soo gabagabeynayo Khawaarijta kawada meelaha ay dal...
2034 Koobka Adduunka waxa uu wanaajin karaa xuquuqul insaanka Sucuudiga – Fifa ayaa tiri
SPORTS, WARARKA

2034 Koobka Adduunka waxa uu wanaajin karaa xuquuqul insaanka Sucuudiga – Fifa ayaa tiri

Kooxaha u ololeeya Xuquuqda aadanaha ayaa cambaareeyay wax yar kadib markii Fifa ay soo saartay warbixinteeda qiimaynta ah ee Sucuudi Carabiya oo aan cidna la tartamin ee martigelinta Koobka Adduunka ragga ee sannadka 2034, taas oo waddada u xaaraysa in boqortooyada si rasmi ah loo guddoonsiiyo ugu danbeeyn 11_ka bisha December In kasta oo ay jireen walaacyo muddo dheer laga qabay xaaladda xuquuqul insaanka ee Sucuudiga hadana dhoofiyaha saliidda ugu weyn ee adduunka waxa uu mar hore sii bilaabay barnaamijkiisa dhismaha garoomo kubadeed oo casri ah Iyadoo Fifa oo hoos u dhigtay eedaha xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee loo jeedinayo Sucuudiga ay ku abaalmarisay dalabka boqortooyada "celcelis ahaan 4.2 maeeshii ugu sarreeysay abid. Fifa ayaa sheegtay in tartanka Koobka Adduunka ee 2030...
Dheeho Cusbooneysiinta kulamada Sabtida
SPORTS, WARARKA

Dheeho Cusbooneysiinta kulamada Sabtida

Ciyaartoyda Man City ayaa la yaabay orod xun oo ay ku hayaan ‘walxaha la tuuray’ iyo qolka labiska oo isku dhacay kooxda adag ee Pep Guardiola. Ciyaartoyda Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay la yaabeen qaab ciyaareedka liita ee ay ku jiraan, taasoo keentay in safaf iyo walxo la tuuray ciyaarta ka dib. Ka dib lix kulan oo guul la'aan ah, shan ka mid ah waa laga badiyay, Daily Mail ayaa sheegtay in ciyaartoyda City ay ku tuureen walxo niyad jab qolka labiska. Mid ka mid ah ciyaartoyga ayaa lagu eedeeyay inuu yidhi, "Ma rumaysan karo" mid kalena wuxuu yidhi, "Tani waa nuts". Muran ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in uu ka dhex qarxay kooxda mudadan adag. Inkasta oo ay City soo bandhigtay awoodeeda ciyaareed sanadihii ugu dambeeyay isla markaana ay awood u leedahay ...
Canada oo joojisay barnaamijka qaxootiga ee ‘Group Five’ oo ay Soomaali badan dalkaasi ku tagi jirtay
WARARKA

Canada oo joojisay barnaamijka qaxootiga ee ‘Group Five’ oo ay Soomaali badan dalkaasi ku tagi jirtay

Dowladda Canada ayaa soo saartay go’aan ay si ku meel gaar ah ugu hakinayso qabashada codsiyada qaxootiga ee Group five iyo barnaamjka kale ee loo yaqaan Community oo ay dadka jooga Canada ugu dacwoon jireen eheladooda Africa ama qaaraadaha kale jooga. Qoraalka lagu sheegay hakinta ayaa lagu baahiyay bogga dowladda Canada ay ku leedahay waaxda socdaalka, qaxootiga iyo dhalashada. Bayaanka lagu hakiyay howlaha socdaalka qaxootiga iyo dadka is xanbaarka lagu keenayo ayaa sidan u qornaa: “Si loo helo hubanti dheeraad ah oo la xiriirta qaxootiga la keenayo, iyo kafaala qaadayaasha, waaxda socdaalka, qaxootiga iyo dhalashada Canada (IRCC) waxay si ku meel gaar ah u joojisay qabashada codsiyada cusub ee kooxaha shanta ah (Group five) iyo kafaala qaadayaasha barnaamijka bulshada ee hoos ...
Xasan Sheekh oo khudbad xasaasi ah ka jeediyey Madasha Caruusha ee EAC
WARARKA

Xasan Sheekh oo khudbad xasaasi ah ka jeediyey Madasha Caruusha ee EAC

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Arusha ee dalka Tanzaaniya kaga qeybgalay Madasha Heerka Sare ee Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC). Madashaan ayaa lagu xusayaa sannad-guurada 25-aad ee aas-aaska urur goboleedka EAC. Shirka ayaa diiradda lagu saaray heerarkii kala duwanaa ee EAC ay soo martay, guulaha la gaaray iyo himilooyinka mustaqbalka ee ururka. Madaxweynaha Xasan Sheekh oo madashaan khudbad ka jeediyey ayaa si gaar ah u iftiimiyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga dowladaha xubnaha ka ah ururka. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda kobcinta dhaqaale oo waara iyo in la abuuro mustaqbal ifaya oo dan u ah dhammaan shucuubta ku nool Bariga Afrika. Xasan ...
Qowsaar markii dambe gaaray in uu qaado orodka olombikada
WARARKA

Qowsaar markii dambe gaaray in uu qaado orodka olombikada

Emmanuel Wanyonyi waxa uu ku soo koray nolol aad sabool u aheyd tuulo ku taal galbeedka Kenya. Aad ayey u adkeyd noloshiisa maalin kasta. Iskuulka waxa uu ka tagay isagoo 10 jir ah. Saacado badan ayuu lo’da raaci jiray. Mararka qaar bishii wuxuu qaadan jiray in ka yar labo doolar. Wanyonyi wuxuu ahaa wiil la soo dhiigmiirtay. Mararka qaar waxba lama siineyn sidaa darteed wuu isaga tagi jiray shaqooyinka. Ugu dambeyn wuxuu qaaday 800 ee mitir olombikada kaddib markii hooy iyo cunto la siiyay. “Nolosha adigoo carruur ah in aad xoolo raacdo way adag tahay” ayuu Wanyonyi u sheegay BBC Afrika. “Waxaan ku fakaray in aan shaqada isaga tago oo aan dib ugu laabto tuuladeyda balse waxaan soo xusuustay noloshii adkeyd ee iga dambeysay oo aan ka soo cararay. Markaan wax yar helo walaalahey...
Ilaalinta danaha ay Imaaraadka ka leeyihiin Bariga Afrika ayaa ka dhigay Mid Isu dhow Arimaha Madoobe Iyo “Hemeti”
WARARKA

Ilaalinta danaha ay Imaaraadka ka leeyihiin Bariga Afrika ayaa ka dhigay Mid Isu dhow Arimaha Madoobe Iyo “Hemeti”

Inkastoo dib u milicsi qoto dheer ay u baahan tahay marka la doonayo in la, lafa guro waxyaabaha ku qarsoon daaha gadaashiisa ee riixaya in hogaamiyayaasha Jubbaland iyo RSF ay ku Caasigaroobaan Somalia Iyo Sudan hadana soo gaabintu waxay ina tusineysaa saameeynta ay labadan arin isku leeyihiin Hogaamiyaha Jubbaland ayaa xiriir kobcay la ,lahaa Imaaraadka carabta oo maamulka maaglo xeebeedka Kismaayo ka gacan siiyay arimo kala duwan intii uu ku jiray axmed madoobe colaadinta dowladii Madaxweyne Farmaajo oo Abu Dhabi ay ka dhex arkeeysay dowlada ay xafiiltamaan ee Qatar Lakabyada qorshayaal huursanaa oo soo biloowday ka hor ku soo laabashadii talada dalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hada mar mid qaraxayaa Damaca badeed ee Itoobiya, ku lug yeelashada DP WORLD, ee dakadaha barbara i...
Salaam Somali Bank oo ku Guulaysatay Bangiga ugu Fiican Soomaaliya ee xaga Tayada Adeegga iyo Hawlgallada 2024
WARARKA

Salaam Somali Bank oo ku Guulaysatay Bangiga ugu Fiican Soomaaliya ee xaga Tayada Adeegga iyo Hawlgallada 2024

Jowhar)" Waxaa shaki ku jirin dadaalka Bunuugta Islaamiga iyo doorka ay ka qaataan adeega bulshooyinka kala duwan ee Islaamka. Qiimaynta Maaliyadda Islaamku maanta waxy u dhigantaa  $3.9 trillion oo ku baahsan in ka badan 80 wadan iyadoo inteeda badan ay ku urursan tahay suuqyo kala duwan laakin ay baaxadooda yartahay.  Isbarbardhigga xogta laga helay ilo kala duwan waxay muujineysaa in 10 waddan oo kaliya ay yihiin ku dhawaad .95% hantida u dhiganta hantida shareecada adduunka. Tobankii sano ee la soo dhaafay, dhaqaalaha Islaamku wuxuu ku koray xawli aad u sarreeya sanadkiiba 10%. Marka loo eego warbixinta dhaqaalaha Islaamka ee 2023, wadarta hantida shareecada waafaqsan waxay AYADUNA kori doontaa $5.95 tiriliyan marka la gaaro 2026 inkastoo taasi ay ku xiran tahay horumarka dh...
Xamza oo Nairobi Gaaray Iyo Xiisadda DF iyo Jubbaland oo u gudubtay dalalka dariska 
WARARKA

Xamza oo Nairobi Gaaray Iyo Xiisadda DF iyo Jubbaland oo u gudubtay dalalka dariska 

Xiisadda u dhexeyso dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland ayaa marba marka ka dambeysa kasii dareysa, wuxuuna khilaafka gaaray meeshii ugu sarreysay, kadib tallaabooyin dheeraad ah oo ay ku jiraan isku adeegsiga ciidamo oo ay qaadeen labada dhinac. Xiisadda ayaa u muuqata inay sii baaheyso, waxayna gaartay dalalka dariska, sida Kenya iyo Itoobiya oo labaduba saameyn ku leh arrimaha gudaha Soomaaliya, Warar soo baxaya ayaa sheegaya in maanta wafdi ka socda dowladda Soomaaliya uu kusii jeedo magaalada Nairobi, kaas oo dowladda Kenya kala hadli doono xiisadda ka taagan Jubbaland. Ujeedka wafdigan ayaa lagu soo warramayaa inuu la xiriiro sidii meesha looga saari lahaa taageero xukuumadda Nairobi siiso Axmed Madoobe oo mar kale dib loo doortay. Horay xukuumadda Nairobi ayaa isku deyday ...
ONLF Oo Muujisay Sida ay uga xun tahay khilaafka Dowladda Dhexe Iyo
WARARKA

ONLF Oo Muujisay Sida ay uga xun tahay khilaafka Dowladda Dhexe Iyo

Ururka ONLF ayaa markii ugu horreysay ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland, kaas oo gaaray meeshii ugu xumeyd, iskuna beddalay gacan ka hadal iyo dagaal toos ah. Warsaxaafadeed kasoo baxay ONLF ayaa waxaa lagu sheegay in ururka uu aad uga walaacsan yahay xaaladda kasoo korortay Soomaaliya, gaar ahaan xiisadda labada dhinac ee keentay in ciidamo la geeyay deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose. ONLF ayaa shaaca ka qaaday in laga haboon yahay colaaddaan oo ay tilmaamtay inay kusii fidi karto deegaannada kale ee dalka iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika. Qoraalka kasoo baxay Ururka ONLF ayaa sidoo kale baaq loogu diray labada dhinac oo laga dalbaday inay fursad siiyaan wada-hadallo toos ah, si loo dhameeyo xiisadda dhexdoo...