Dawo lagu dabiibayo xanuunka neefta oo 50 sano ka dib markii ugu horreysay la soo saaray
Cilmibaarayaasha waxay sheegeen in ay heleen markii ugu horeysay 50 sano daawo cusub oo wax looga qabanayo cudurka neefta.
Daawadan oo ah mid laysku duro waxa ay yareyneysaa qeyb ka mid ah difaaca jirka, waxayna ka dhigeysaa in uusan si weyn wax u difaacin marka ay soo baxaan astaamaha neefta iyo cudurada kale ee sambabka.
Daawadan oo lagu magacaabo Benralizumab waxaa hore loogu isticmaali jiray kiisaska aadka u weyn balse cilmibaaristii u dambeysay ayaa muujineysa in si joogto ah ay u isticmaali karaan ku dhawaad 2 milyan oo ku nool UK kuwaas oo sanad kasta ay neef ku soo boodo.
Kooxda cilmibaaristan sameysay oo ka tirsan Jaamacadda King’s College waxay sheegeen in daawada ay tahay mid isbeddel weyn keeneysa oo wax weyn ka qabaneysa daryeelka.
Dhammaan cudurrada sambabada iyo ...