Author: boodhari

Guardiola ayaa qandaraas hal sano ah u saxiixaya Manchester City+
WARARKA

Guardiola ayaa qandaraas hal sano ah u saxiixaya Manchester City+

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa la fahamsan yahay inuu ogolaaday inuu qandaraaska u kordhiyo ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda. Ka dib markii Manchester City ay ku guuleysatay shan koob sanadka 2023, Pep Guardiola waxaa loo magacaabay tababaraha sanadka ee FIFA Men’s Coach of the Year inta lagu guda jiro Abaalmarinta Kubadda Cagta ee FIFA ugu Fiican 2023 Janaayo 15, 2024 Pep Guardiola ayaa ogolaaday inuu qandaraaska u kordhiyo Manchester City si uu ugu yaraan xilli ciyaareed kale u sii joogo, sida ay sheegayaan warbixino baahsan oo ay qoreen warbaahinta Ingiriiska. Maamulaha City, ayaa qandaraaskiisa uu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxa uu kormeeray xilli aan horay loo arag tan iyo markii uu kooxda ku soo biiray 2016. City ayaa ku guuleysatay lix...
Denmark Oo mar kale ku celisay sida ay u Xushmeeyneyso Midnimadda Soomaaliya
WARARKA

Denmark Oo mar kale ku celisay sida ay u Xushmeeyneyso Midnimadda Soomaaliya

Safiirka Denmark ee Soomaaliya ayaa caddeeyay in uu aqoonsan yahay madaxbannaanimada dhuleed iyo qarannimada Soomaaliya oo ay qeyb ka tahay Somaliland, kadib markii uu gafay toddobaadkii hore goboninada dalkeena Hadalka Safiirka ayaa ah mid uu uga garaabayo dhaliil ka dhalatay war uu dhawaan ka sheegay magaalada Hargeysa, xilli uu ka qaybgalayay doorashada Somaliland. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa maalmo ka hor Safiirka Denmark ugu yeertay kulan si ay wax uga weydiiso hadal uu sheegay oo ay ku tilmaantay mid ka soo horjeeda mabaadii’da guud ee dhowrista madaxbannaanimada dhuleed iyo qarannimada Soomaaliya
Daawo: Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda
WARARKA

Daawo: Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Guddoomiyaha Guddiga Ku meel gaarka ah ee u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, Ururada iyo Xisbiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo Baarlamaanka ayaa labada aqal ka hor Akhriyay wax ka badal lagu sameeyey hindise sharciyeedka ururada iyo xisbiyada siyaasadda ee Dalka. Intaas kadib Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ku dhawaaqay natiijada,...
Guusha Ciro’ Maxay Ka Badali Kartaa Xaalada Sool Iyo Xiisad Keentay Cabsi Colaadeed Oo Soo Wajahday Geeska Afrika ?
WARARKA

Guusha Ciro’ Maxay Ka Badali Kartaa Xaalada Sool Iyo Xiisad Keentay Cabsi Colaadeed Oo Soo Wajahday Geeska Afrika ?

WQ👉By/ Elmi Osman Farah Boodhari Madaxda Somalia ayaa Hambalyo u diray Cabdiraxmaan Ciro oo loolankii doorashada kaga adkaaday Muusa biixi Madaxweyne Xasan Iyo Reysilwasaare Xamza ayaa hambalyo u diray dadka Somaliland wax yar kadib markii lagu dhawaaqay in Hogaamiyihii Mucaaridka Somaliland Cabdiraxman Maxamed Cabdullahi Cir loo doortay Madaxweynaha maamulka la baxay Somaliland IQoraal ka soo baxay safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya lagu ammaanay “Rikoorka cajiibka ah ee Somaliland ee doorashooyinka iyo kala-guurka nabdoon ee awoodda,” C/raxman Ciro ayaa helay ku dhawaad ​​64 boqolkiiba codadkii la dhiibtay, isagoo ka adkaaday musharraxa xilka hayay ee Muuse Biixi Cabdi kaas oo la shaaciyay in uu helay 35% codadkii la dhiibtay Codbixiyaasha gobollada waqooyiga Soomaaliya e...
Opposition’s Abdullahi wins presidential election in breakaway Somaliland
WARARKA

Opposition’s Abdullahi wins presidential election in breakaway Somaliland

Abdirahman Mohamed Abdullahi, leader of Somaliland’s opposition, has been elected president of the breakaway region of Somalia, according to reports. Abdullahi – also known as Irro – of the Waddani Party received close to 64 percent of the vote, beating the incumbent, President Muse Bihi Abdi of the Kulmiye Party, the Somaliland National Electoral Commission (NEC) said on Tuesday, according to local media and The Associated Press news agency Voters in Somalia’s breakaway region cast their ballot last week in an election that was delayed for two years due to lack of funding and other reasons. Abdi, who was seeking a second term after seven years in office, trailed badly with about 35 percent of the vote. Both candidates had campaigned promising they would resuscitate a...
Maxay ka yiraahdeen  madaxweyne Xasan Iyo Reysilwasaare Xamza  natiijada doorashada Somaliland..?
WARARKA

Maxay ka yiraahdeen madaxweyne Xasan Iyo Reysilwasaare Xamza natiijada doorashada Somaliland..?

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si dhow ula socday doorashada dadweynaha Maamulka Soomaaliland ay codkooda ku dhiibanayeen ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo ku xigeenkiisa Mudane Maxamed Aw-Cali Cabdi. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey xisbiyada kala ah; Waddani, Kaah iyo Kulmiye natiijada ay ka gaareen doorashada, waxa uuna bogaadiyey bisaylka iyo fahanka dowladnimada ee ay muujiyeen bulshada Somaliland. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u xaqiijiyey Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cirro in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay dhammaystirka wada-xaajoodyada dib u heshiisiinta labo geesoodka ah, t...
Shir wadatashi ah oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho
WARARKA

Shir wadatashi ah oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka ee SoDMA, Md. Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir watashi ah oo muddo 2-cisho ah socon doona, kaas oo looga hadlaayo hagidda iyo iskuduwidda ka jawabista xaaladaha degdegga ah. Kulankaan waxaa si wadajir ah u soo qaban-qaabiyay Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka [SoDMA], Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS iyo Barnamaijka Cunta Adduunka ( WFP). Shirkaan waxaa lagu casuumay qaar kamid ah wasaaradaha XFS, wasaaradaha gargaarka dowlad goboleedyada dalka, Ururrada taageera Soomaaliya, Hay’adaha caalamiga ah iyo Ururrada Bulshada Rayidka ee dalka. Kulankaan ayaa la filayaa in ay ka soo baxaan talooyin ku habboon kabka ka jawaabista xaaladaha dagdegga ah, iyadoo loo marayo habka illaalinta bulshada si...
Kadib Guushii Doorashada Cabdiraxamaan Ciro Aan eegno waa kuma Musharaxa Guuleeystay ?
WARARKA

Kadib Guushii Doorashada Cabdiraxamaan Ciro Aan eegno waa kuma Musharaxa Guuleeystay ?

Guddiga doorashooyinka Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqaday ee Somaliland oo saakay shir jar'aaid ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa shaaciyay in musharraxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cigaal (Cirro) uu ku guulaystay marka la eego natiijada ku meel-gaarka ah. Arrintaas ayaa ka dhigan in musharrax Cirro uu ka guulaystay madaxweynaha xilka haya ee Muuse Biixi oo u sharraxnaa xisbiga Kulmiye iyo Faysal Cali Waraabe oo isna u sharraxnaa xisbiga UCID. Dhanka dhibcana ay kala haleen markaan eegno sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka Somaliland musharaxa madaxweyne ee Xisbiga Waddani waxaa uu ku guulaystay codadka ugu badan oo gaaraya boqolkiiba 63.92 cod. Xisbiga Kulmiya musharraxna uu u ahaa madaxweynaha xilka haya Muuse Biixi Cabdi...