Ninkii Raba Barri In uu Wax Hogaamiyo Maanta Ha Ogolaado In La Hogaamiyo (Warbixin)
Caayda shaqsiga ah, Beenta iyo Hanjabaada ka timaada Siyaaasiga Mucaaradka ah ma noqoto wax dhaafsiisan in looga maadsado baraha bulshada.
Dowlada Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wajaheeysa dhaleeceeyn la xiriirta qorshaha doorasho qof iyo cod ah oo uu dalku aado.
Dhaleeceeynta ayaa ka imaaneysa hogaamiyaal laf,ahaantooda noo sheegay inay hirgalinayaan gaarsiinta dalka doorasho qof iyo cod ah
Isku dayayga arintan ayay ku dhaqaaqday dowladii hore xili uu dalku ku jiray xaalad aad uga sii liidata nabdoonaanta maanta la heysto
Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay 2021-dii in uu qabanayo doorasho qof iyo cod ah iyadoo argagixisada Alshabaab ay dakada Muqdisho canshuur ka qaadeeyso, kadibna isku dayay Mudo kororsi dhiig ku daatay
Xildhibaanka ...