Japan Oo Soomaaliya ka cafiyay lacag dhan 14-Bilyan Iyadoo
Munaasabad kooban oo deyn cafinta Japan ee Soomaaliya ayaa lagu qabtay Muqdisho
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Safiirka Dowladda Japan ee Dalka Kenya Mr. OGIHARA Hiroshi, ayaa maanta si wadajir ah u saxiixay heshiis Dowladda Japan ay ku cafinayso lacag dhan 14-Bilyan oo lacagta Japan ah, doolar ahaan u dhiganta in ka badan Boqol Milyan oo Doolar.
Heshiiskaan uu maanta saxiixay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa daba socda dhameystirka hannaanka deyn cafinta ee dal waliba gaarkiisa loogala xaajoonayo, taas oo aheyd go’aankii ka soo baxay dalalka ku bahoobay naadiga Paris horraantii bishii Maarso ee 2024-ka.
Munaasibadda saxiixa oo koobneyd kadib, Mudane Biixi Imaan Cige Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS aya...