Axmed Madoobe oo kulan deg deg ah isugu yeeray xildhibaanada DF ku metela Jubaland
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Madoobe ayaa shir wada-tashi ah isugu yeeray xildhibaanada labbada Aqal ee Baarlamaanka JFS ku metela Jubbaland.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa xildhibaanadaan casuumay 8-da bishaan, kulanka wadatashiga ah ee uu la yeelanayo ayaa ka dhacaya Kismaayo, sida uu qorsheeyey Axmed Madoobe.
“Xildhibaanada sharafta leh ee labbada Aqal ee BFS ku matala Dowladda Jubaland, waxaan ku casuumayaa kulan wada-tashi ah oo aan kaga tashan doono xaalada siyaasadeed ee dalka oo ka dhacaya magaalada Kismaayo ee caasimada kumeel gaadhka ah ee Jubaland, taariikhda 8-11 November 2024,” ayuu Axmed Madoobe ku yiri qoraal ka soo baxay xafiiskiisa.
Xiisadda siyaasadeed ee Jubbaland iyo dowladda federaalka ayaa cirka isku shareertay wixii ka dambeeyey markii Axmed Ma...