R/wasaare Xamza oo soo magacaabay wasiirro cusub iyo xiisada Jubaland iyo DF oo ka sii dareysa
Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa soo magacaabay labo wasiir oo buuxinaya boosaskii ay shalay iska casileen wasiirro ka soo jeeda Jubbaland oo ka carooday siyaasadda dowladda federaalka ay ka leedahay Jubbaland.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa u magacaabay Axmednur Shiikh Maxamed Loxos Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya.
Sidoo kale Xamsa Cabdi Barre ayaa Cabdirashiid Maxamed Ducaale u magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS.
Labadaan kursi waxaa shalay iska casilay Cabdirashiid Jire iyo Xildhibaan Daqare, kuwaas oo sheegay inay u dul qaada waayeen sida dowladda federaalka ay ula dhaqmeyso Jubbaland, Puntland iyo Khaatumo.
Magacaabistaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo xiisadda dowladda federaalk...