Author: boodhari

Dheeho Wararka Ciyaaraha Arsenal vs Liverpool Inter vs Juventus
SPORTS, WARARKA

Dheeho Wararka Ciyaaraha Arsenal vs Liverpool Inter vs Juventus

Arsenal 2-2 Liverpool Si ay ku jirto maslaxada  Manchester City ayuu ku soo idlaaday kulankii Arsenal Iyo Liverpool ee fiidnimadii Axada Iyadoo Salah uu ku qasbay kooxda Mikel Arteta In ay barbaro ku galaan Emirates Stadium . Mohamed Salah ayaa dhamaadkii ciyaarta gool barbardhac ah u dhaliyay Liverpool oo ay ku dhibco yihiin kooxda ay ku xifaaltamaan horyaalka Premier League ee Arsenal kulan ka dhacay Emirates Stadium. Arsenal ayaa labo jeer hogaanka ciyaarta qabatay balse waxaa dhaawac u geystay daafacyada muhiimka ah ee Gabriel iyo Jurrien Timber qeybtii danbe ee ciyaarta, iyadoo uu horay ganaax uga maqnaa William Saliba. Dib u dhacaas ayaa u saamaxay Liverpool in ay cadaadis saarto isla markaana ay hal dhibic qaadato taas oo ka dhigaysa in Manchester City ay hogaanka u...
Puntland maxay ka tiri inay iyagu diideen in shidaal laga baaro deeganadooda?
WARARKA

Puntland maxay ka tiri inay iyagu diideen in shidaal laga baaro deeganadooda?

Maamulka Puntland ayaa waxba kama jiraan ku tilmamay hadal uu sheegay wasiirka Batroolka iyo Macdanka ee dowladda Federalka oo ku eedeeyey madaxda maamulkaas iyagu diideen in deegaanadaas laga sameeyo howlo sahmin shidaal ah. Wasiirku dowladaha madaxtooyada Puntland Cabdifitaax Maxamed Nuur oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay inaysan jirin meel Puntland ay ku diiday in deegaanadeeda laga sameeyo sahamin shidaal. “Puntland Batrool la baaro Soomaaliya iyadaa ugu horreysay... kolba in madaxda Soomaliya eedo aan macno ku fadhiyin iska dhahaan hadhowna raali galin ka bixiyaan”ayuu yiri Cabdifitaax. Wuxuu intaa raaciyey in haba yaraatee aysan jirin meel wasiir ka tirsan dowladda dhexe iyo Madaxweynaha Puntland ay uga wada hadleen arrimaha Shidaalka. “Hannaanka dowlad dhiska dalka waxyaa...
Madaxweynaha JFS oo guddoomiyey Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka
WARARKA

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyey Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka oo maanta dib uga furmay Caasimadda Muqdisho. Shirkan oo ay ka soo qeyb-galeen Madaxda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagaga arrinsanayaa amniga, horumarinta dalka iyo dhameystirka hannaanka dimuquraadiyeynta.
Daawo: Wasiirka Batroolka oo ka shifay qorshe uu Deni shidaalka ka damacsanaa oo DF ay ka diiday
WARARKA

Daawo: Wasiirka Batroolka oo ka shifay qorshe uu Deni shidaalka ka damacsanaa oo DF ay ka diiday

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha Puntland Saciid Deni, isagoo ka jawaabaya hadalkiisii maanta uu ku eedeeyey dowladda federaalka. Wasiirka ayaa sheegay in Saciid Deni laga baari waayey shidaalka ku jira deegaanada Puntland, “Deni wuxuu hor istaagay in sahmin shidaal laga sameeyo Puntland,” ayuu yiri Cabdirisaaq Cumar Maxamed Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa madaxweynaha Puntland Saciid Deni ku eedeeyey inuu garan waayey in MAP-kaas la sameeyey waqti hore oo qaladkaas uu ku dhacay si aan ku talagal aheyn. “Deni wuxuu la yimid shirkad uu sheegay inay baaritaanka shidaalka u sameyneyso Puntland, wuxuuna xujo ka dhigay in saxiixa dowladda federaalka uu wax ku yeelanayo, balse waa ka ...
Caalamka oo indhaha ku haya Somalia, kadib tallaabadii ay shalay qaaday DF
SPORTS, WARARKA

Caalamka oo indhaha ku haya Somalia, kadib tallaabadii ay shalay qaaday DF

Caalamka ayaa si weyn indhaha ugu haya Soomaaliya oo haatan qaaday dhabihii horumarka, una jiheysatay inay ka faa’iidesato khayraadka dhex ceegaaga gudaheeda. Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Jimcihii khudbad ka jeediyay munaasabad lagu soo dhaweynayay Markabka ORUC REIS ee Turkiga oo baaris ku sameynaya shidaalka dalkeenna ayaa sheegay in tallaabadan ay keentay in dunidu ay mar kale soo eegto fursadaha iyo dhaqaalaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya. “Maanta waa maalin kale oo aduunyada ina tiraahdo war heedhe Soomaaliya waa la maalgashan karaa, sababtoo ah dhaqaale iyo fursad ayaa ka jirta” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. Sidoo kale madaxweynaha ayaa farriin culus u diray dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inay u istaagaan sidii looga faa’iideysan l...
Dheeho👀Wararka Ciyaaraha Ooy ku Jiraan Kulamada Man City, Real Madrid  Iyo Barcelona
SPORTS, WARARKA

Dheeho👀Wararka Ciyaaraha Ooy ku Jiraan Kulamada Man City, Real Madrid Iyo Barcelona

Man City Oo Ka Badisay Southampton Manchester City ayaa dib ugu soo laabatay hogaanka Premier League iyadoo Erling Haaland dadaalkiisii ​​​​hore uu muujiyay inuu ku filan yahay inuu garaaco kooxda dhibtooneysa ee Southampton. Markii Haaland uu ka leexiyay Jan Bednarek si uu u leexiyo Matheus Nunes’ daqiiqadii shanaad ee karoos ka dhaafiyay goolhayaha Saints Aaron Ramsdale goolkiisii ​​11-aad ee horyaalka xilli ciyaareedkan, kooxda martida ah ayaa u muuqdeen kuwo guuldarro culus soo gaaray. Laakiin isku darka difaacooda eey iyo dhamaystir liita oo ka yimid Magaalada, oo uu weheliyo Haaland oo ah dambiilaha ugu sareeya, ayaa hubiyay xoogaa dareemayaasha guriga ka hor inta aan la filayn. Natiijadu waxay kordhisay rikoorka guuldaro la'aanta ee City ee 32 kulan. Waxa ay hadda lix t...
Furitaanka Kal-Fadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo furmay
WARARKA

Furitaanka Kal-Fadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo furmay

Furitaanka Kal-fadhiga 55-aad waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynaha DawladGoboleedka  Puntland Siciid Cabdullahi Deni, Madaxweyne ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor,  Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiilladda Maxamed Baarri Shire, Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiiladda Maxamed Maxamuud  Ciise, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, Xubno kamid ah laba Aqal Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Xukumadda, Golaha Garsoorka, Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha,  Guddiga Doorashada Puntland (PEC), Duqa Degmada Garoowe, Isimo, Cullimo, Hay’adaha Caalamiga ah, Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka ah, Saraakiisha Ciidamada, Hawl-wadeennada Madaxtooyada, iyo marti sharaf kale. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada  Puntland...
Daawo; Xildhibaannada labada Aqal oo ansixiyay xiisaab xirka miisaaniyadda sanadkii 2023
WARARKA

Daawo; Xildhibaannada labada Aqal oo ansixiyay xiisaab xirka miisaaniyadda sanadkii 2023

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay xiisaab xirka miisaaniyadda sanadkii 2023. waxaana ogolaatay 167-Xildhibaan ,saddex xildhibaan ayaa diiday wax ka aamusayna ma jirin. Xisaab Xirka ayaa waxaa kasoo wadashaqeeyay Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Labada Aqa lee Jamhuuriiyadda Federaalka Soomaaliya. Guddiga ayaa warbaxin ku aaddan Xisaab xirka laga dhegeystay ka hor intaan la ansixin.
Daawo: Khudbada Madaxweyne Xasan Sheekh ee Soo dhaweynta Markabka ORUC REIS
WARARKA

Daawo: Khudbada Madaxweyne Xasan Sheekh ee Soo dhaweynta Markabka ORUC REIS

Daahfurka marxalad cusub oo horumar ku soo kordhinaya Somalia ayaa hada ka bilaabmay Dakadda weeyn ee Magaalada Muqdisho Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey munaasabadda soo dhaweynta markabka sahminaya shidaalka Soomaaliya, taas oo ka dhacday dekedda weyne ee magaalada Muqdisho, wuxuuna fariin xasaasi ah u diray dadka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa aad ugu canaantay dadka Soomaaliyeed is cuuryaaminta dhexdooda ah, isagoo kula taliyey in wax badan laga bedelo hab-dhaqankaan. “Soomaaliyey walaalayaal kheyraad waan heysanaa, fursadna waan heysanaa ee anagaa isku fadhinee aan iska kacno, adduunyadu sida ay u nooshahay aan u noolaano,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa qiray in dhibaato ay ka imaan karto shidaalka markii la qado, hadii...