Ra’iisul Wasaare Xamsa “Waxaan maanta si dhab ah u billownay sahankii iyo geeddigii lagu carraabin lahaa gaajada iyo faqriga.”
Muqdisho Jimce, 25 Oktoobar 2024: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ku dhawaaqay in aan si dhab ah u billownay sahankii iyo geeddigii looga bixi lahaa gaajada iyo faqriga.
Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay munaasabad galabta lagu soo dhaweynayay Markabka Oruc Reis oo baaris ku sameynaya shidaalka Soomaaliya, ayna ka qaybgaleen madaxda Qaranka oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Alle idankii Soomaaliya ay ka gudbi doonto saboolnomada, isla markaana ay maanta billaabatay hawshii aan uga faa’iideysan lahayn kheyraadka dabiiciga ah ee Illaahey dalkeena dhex dhigay.”
Mudane Xamsa ayaa u mahadceliyay shacabka iyo dowladda Turkiye, isagoo...