Author: boodhari

Fano’s Rebellion: A prelude to Stalemate or Resolution?
WORLD

Fano’s Rebellion: A prelude to Stalemate or Resolution?

Addis Abeba – In the labyrinth of Ethiopia’s political landscape, an age-old rhythm of resistance and centralization replays itself. Fano, the self-styled guardian of Amhara’s identity, stands now as one of the latest actors in this evolving drama. Their defiance against the Ethiopian Federal Defense Forces echoes both the historical echoes of valour and the grievances born of marginalisation. And while skirmishes flare along the edges of the Ethiopian heartland, the looming question haunts the horizon: Can the insurgent Fano forces truly challenge Ethiopia’s military juggernaut, or is the march toward confrontation a prologue to eventual defeat or compromise? The answer is buried in the layers of Ethiopia’s complex political, social, and geopolitical fabric. What follows is an anal...
Dagaal jab culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo ka dhacay Galgaduud
WARARKA

Dagaal jab culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo ka dhacay Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta uu ka dhacay dagaal culus oo lagu jabiyay maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo isku dayay inay soo weeraraan ciidamada ku sugan furimaha hore. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab ay weerar saddex jiho ah kusoo qaadeen deegaan u dhexeeya Budbud iyo Bood, waxaana kadib dagaal kala hortegay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo ka war helay dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan looga dilay Al-Shabaab illaa 10 xubnood, sidoo kalena looga dhaawacay tiro kale oo intaasi ka badan. Guddoomiyaha deegaanka Budbud oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay weerarka iyo dagaalka xigay, wuxuuna sheegay in ciidamad huwanta ay ka gaareen guulo waa wayn. Dagaalka wuxuu ka dhacay meel u dh...
Xukuumada Reysilwasaare Xamsa Oo Sameeysay magacaabid yaab leh
WARARKA

Xukuumada Reysilwasaare Xamsa Oo Sameeysay magacaabid yaab leh

Raysal Wasaare ku xigeenka labaad loo magacaabay Xildhibaan Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) oo maalmo ka hor loo magacaabay Wasiirka Howlaha DF Soomaaliya Xildhibaan Maxamuud Axmed Aadan oo loo magacaabay Wasiirka Dekedaha DF Soomaaliya ayaa lagu badalay Wasiirki hore Gen: Cabdullahi Axmed Jama ilka jiir oo isku beel kasoo jeedaan. Dhanka kale Raysal wasaare ku xigeenka koowaad Saalax ayaa maanta xaadiray kulanka Aqalka sare oo maalma dhoweyd muran adag uu galay kursiga Aqalka sare ee Saalax ku fadhiyo. Xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza ayaa noqotay xukuumaddii ugu horeysay oo yeelatay labo ra’iisul wasaare ku-xigeen, kaddib dowladdii kumeel-gaarka. Magacaabista xilkaan ayaa waxaa muddo hortaagna ra’iisul wasaare ku-xigeen Saalax Jaamac iyo xildhibaannada gobollada Waqooyi oo ay...
Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa ka dagay Nairobi
WARARKA

Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa ka dagay Nairobi

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku jira lugtii ugu danbeeysay safarro shaqo oo uu ku marayay dalalka gobolka ee qeybta ka ah howlgalka Nabad Ilaalinta Afrika ee Soomaaliya, ayaa gaaray Magaalada Nairobi, halkaas oo uu wadahadallo kula yeelan doono dhiggiisa kenya William Ruto. Safarkaan uu ku jiro Xasan Sheekh ayaa gaar u ah dalalka qeybta ka ah howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ka socda. Xasan Sheekh ayaa waxaa caawa Nairobi uga bilaabanaya wadahadallo uu la yeelan doono dhiggiisa dalka Kenya Mudane William Ruto. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safaradii kan ka horeeyey ku tegay dalalka Uganda, Burundi iyo Jabuuti, wuxuuna kulamo lasoo qaatay madaxda dalalkaas. Qorshaha safarkaan ayaa salka ku haya isbedelka dhamaadka sanadkaan lagu sameynayo ciidamada ATMIS ee na...
ONLF withdraws from National Dialogue, accusing Somali authorities of ‘unilateral’ and ‘exclusionary’ actions
WORLD

ONLF withdraws from National Dialogue, accusing Somali authorities of ‘unilateral’ and ‘exclusionary’ actions

The Ogaden National Liberation Front (ONLF) has announced its decision to suspend participation in the Ethiopian National Dialogue process, citing a lack of “inclusivity” and “transparency.” In a statement released on 20 October 2024, the group criticized recent actions by the ruling party in the Somali region, claiming they have undermined the process by “unilaterally selecting participants,” violating the agreement with political parties, and “sidelining diverse voices.” According to ONLF, this “exclusionary approach” contradicts the purpose of the National Dialogue, which is meant to “bring together all stakeholders to address the root causes of conflict.” The group also highlighted the absence of key political actors from Amhara, Oromia, and Tigray, stating that ongo...
Sida Xooluhu U Dhadhamiyeen Isbeddelka Cimilada
WARARKA

Sida Xooluhu U Dhadhamiyeen Isbeddelka Cimilada

Qadar yar oo hilib, caano iyo ukun ah ayaa noqon kara faa'iidooyin nolosha wax ka beddeli kara si wax looga qabto nafaqo-xumada, aadanaha iyadoo Xooluhu ay la kulmeen caqabadaha deegaanka ee ka dhashay Isbadelka cimilada Xooluhu waxa ay qayb muhiim ah ka yihiin hab-nololeedyada cuntada Afrika miyiga iyo magaalada labadaba, waxayna bixiyaan ilo dakhli oo la isku halayn karo Afrika waxaa lagu qiyaasaa inay leedahay ilaa 400 milyan oo lo' ah qaybta xooluhuna waxay ka dhigan tahay 30 ilaa 40 boqolkiiba wadarta guud ee wax soo saarka qaaradda marka si wanaagsan looga manaafacsado Hase yeeshee, marka laga eego dhinaca deegaanka, xoolaha inta badan waxaa loo arkaa inay yihiin dhibaato, gacan ka geysata luminta deegaanka, sii daynta gaasta aqalka dhirta lagu koriyo, iyo xaalufka dhulka. ...
DF Soomaaliya oo qaxootigii ugu badnaa kasoo daabushay dalka…
WARARKA

DF Soomaaliya oo qaxootigii ugu badnaa kasoo daabushay dalka…

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen ayaa ku guulaysatay in dalka dib loogu soo celiyo qaxooti Soomaaliyeed oo muddo ku xanibnaa dalkaas, Kuwaas oo kasoo ambabaxay magaalada Caden. Dadkan oo gaaraya 157 qof oo Soomaali ah ayaa ka koobnaa rag, haween iyo carruur kuwaas oo qaba daruufo isugu jira mid nololeed iyo mid caafimaad. Waxaa dib u soo celinta muwaadiniintan Soomaaliyews ka shaqeeyay safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen oo kaashaneysa hay’adda UNHCR. Cabdikariim Naasir Saciid (Cabdi Dheeg) sii-hayaha safaradda Soomaaliya ee dalka Yemen oo dekeda kula hadlay shacabkan ayaa u rajeeyay in ay si nabad ah ku gaaraan dalkooda. Cabdi Dheeg ayaa u mahad-celiyay madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud, ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, madaxda wasaaradda arrimaha dibadda, h...
Madaxweyne Xasan oo arrimo xasaasi ah kala hadlay Geelle
WARARKA

Madaxweyne Xasan oo arrimo xasaasi ah kala hadlay Geelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa lagu soo dhaweeyey magaalada Jabuuti ee dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti. Wafdiga Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha waxaa ku soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno ka tirsan Xukuumadda Dowladda Jabuuti. Labada madaxweyne ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal, dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab iyo arrimaha ka taagan gobolka Geeska Afrika. Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Geelle kala hadlay qorshaha bixista ciidamada ATMIS, maadaama haatan la diyaarinayo howlgal cusub oo ka bilaabanayo Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safarkaan ku soo maray dalalka Uganda iyo Burundi oo sida...
Shir sanadeedka labaad ee Furdooyinka Urur Goboleedka Dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa lagu soo gabagabeeyay Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania.
WARARKA

Shir sanadeedka labaad ee Furdooyinka Urur Goboleedka Dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa lagu soo gabagabeeyay Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania.

Shir sanadeedka labaad ee Furdooyinka Urur Goboleedka Dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa lagu soo gabagabeeyay Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania. Kulankani waxa isugu yimid agaasimayaasha Furdooyinka ee EAC iyo khubarro ka socday Furdooyinka dowladaha ku mideysan Ururkan, sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Xoghayaha Guud ee EAC Marwa. H.E Veronica M. Nduva. Ujeedadda kulanka ayaa aheyd dhaqan gelinta heshiisyada muddaysan ee la xiriira howlaha Furdooyinka iyo kobcinta wadashaqeynta dowladaha xubnaha Ururkan. Dhinaca Soomaaliya waxaa ku matalayay agaasimaha Furdooyinka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Abukar Sheekh Ahmed Mursal iyo Khubaro kale.
Howgallo ka dhan ah Khawaarijta oo ka socda gobollada Shabeellooynka
WARARKA

Howgallo ka dhan ah Khawaarijta oo ka socda gobollada Shabeellooynka

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdullahi Aadan Xuseen (Cirro) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray deegaannadii dhawaan laga xoreeyey kooxaha Khawaarijta ah ee gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose. Howlgal Toddobaadyadii lasoo dhaafay Ciidanka Xoogga Dalka ay ka bilaabeen aagga deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa lagu guuleystay in Khawaarijta looga xoreeyo deegaanada Maqdis, Jameeco, Shanlow, Busley, Dhagaxow, Raasqaboobe iyo Yaaqle. Taliye Cabdullahi oo ku sugan deegaanka Yaaqle ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in howlgalkaan oo ku socda saf-balaaran loo qorsheeyey in cadowga Khawaarijta ah muddo kooban looga sifeeyo deegaannada ay kaga dhuumaaleystaan gobollada Shabeellooyinka, waxaana howlgalka ka qey...