Author: boodhari

COVID, mpox, cholera: Is the world prepared for another pandemic?
WORLD

COVID, mpox, cholera: Is the world prepared for another pandemic?

Some 4.5 billion people worldwide are currently without adequate access to essential healthcare services, according to the World Health Organization (WHO). This comes as more than 100,000 cases of mpox and at least 200 deaths have been confirmed globally, according to the European Centre for Disease Prevention and Control, with the WHO declaring it a public health emergency earlier this year A new COVID-19 variant has spread across 27 countries, infecting hundreds of people. At the 2024 World Economic Summit, it was also revealed that antimicrobial resistance (AMR) has become the leading cause of death globally and could kill 10 million people by 2050 At the 2024 World Economic Summit, it was also revealed that antimicrobial resistance (AMR) has become the l...
Ciidanka NISA oo howlgallo ka fuliyay Galguduud iyo Shabeellaha Dhexe
WARARKA

Ciidanka NISA oo howlgallo ka fuliyay Galguduud iyo Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ayaa howlgallo ay sameeyeen oo ka kala dhacay deegaanka Yaaqle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo deegaanka Gariile ee Gobolka Galgaduud waxaa lagu dilay ilaa 40 Khawaarij ah halka 29 kalana lagu dhaawacay. Horjooge Sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo lagu magacaabi jiray Macalin Aarow isla markaana ahaa horjoogaha maleeshiyada la beegsaday ayaa ka mid ah dhagar-qabayaasha lagu dilay howlgal qaatay in ka badan 24-saac oo ka dhacay Gobolka Galgaduud. Sidoo kale, deegaanka Yaaqle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Ciidamada Sirdoonka NISA iyo Saaxiibada Caalamka ayaa ka hortagay maleeshiyaad isku abaabulayay, waxaana halkaas lagu laayay dhammaan maleeshiyaadkii iyada oo la burburiyay Saanad Ciidan. ...
Kismaayo oo uu ka dhacay kulan lagu heshiisiinayo beelo ku dagaalamay Luuq
WARARKA

Kismaayo oo uu ka dhacay kulan lagu heshiisiinayo beelo ku dagaalamay Luuq

Magaalada Kismaayo waxaa maanta ka bilowday Shirweyne Dib u Heshiisiineed oo la isugu keenay saddex beelood oo maalmahan ku dagaalamayay degmada Luuq ee gobolka Gedo waxaana shirka daahfuray Madaxweynaha Jubbaland. Shirkan oo muddo ka socday Aqalka Martida ee madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo soo afjari lahaa colaadda uu dhiigga ku dadaanayo ee ka taagan halkaasi. Axmed Madoobe oo xiritaankii shirka ka hadlay ayaa tilmaamay ahmiyada ay leedahay in beelaha walaalaha ah ee dagaalamay inay garowsadeen muhiimada ay nabaddu leedahay iyo in dadka ku wada nool Degmada Luuq ay is huran yihiin loona baahan yahay in nabadd lagu wada noolaado. Sidoo kale wuxuu u mahadceliyay dhammaan odayaasha dhaqanka gaar ahaan Malaaqyadda, Ugaasyadda iyo waxgaradka deegaanka...
Madaxweyne Xasan oo ka dagay dalka Uganda + Qorshihiisa
WARARKA

Madaxweyne Xasan oo ka dagay dalka Uganda + Qorshihiisa

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kampala ee caasimada Uganda, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay. Qoraal kooban oo kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in madaxweynaha ay booqasho uga bilaabatay dalkaasi, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Yoweri Museveni. Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in Xasan Sheekh uu wada-hadallo gaar ah la yeelan doono madaxweynaha dalka Uganda, isaga oo kala hadli doono arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka labada dal qorshaha kala guurka howlgalka ATMIS iyo ilaalinta xasilloonida Gobolka. Madaxweynaha ayaa muddada uu joogo dalka Uganda, waxa uu kulan gaar ah la yeelan doonaa dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Kaguta Museveni oo uu kala hadli doono...
Markab ay soo dirtay dowladda Turkiga oo yimid Muqdisho
WARARKA

Markab ay soo dirtay dowladda Turkiga oo yimid Muqdisho

Dekedda wayn ee magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray markab sida shixnad gargaar ah, kaas oo ay soo dirtay dowladda Turkiga. Markabkan ayaa waxaa la wareegay dowladda federaalka, ayada oo ra’iisul wasaare ku xigeenka, guddoomiyaha SoDMA, safiirka Turkiga iyo mas’uuliyiin kale ay tageen dekedda. “Munaasbad kooban oo ka dhacday Dakedda weyn ee Muqdisho, ayaa maanta DFS waxa ay kula wareegtay Markab weyn oo sida shixnad gargaar ah oo dowladda Turkiga ugu talagashay shacabka Soomaaliyeed ee talabaalaysan” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay SoDMA. Gargaarkaan ayaa ka kooban qeybaha kala duwan ee raashinka, Teendhooyin iyo waxyaabo kale oo aas-aasi u ah nolasha, kuwaas oo dhan 3,000 oo tan” ayaa la sii raaciyay warsaxaafadeedka kasoo baxay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliy...
Garab istaagga Masar ee Soomaaliya oo walwal ku abuuray Itoobiya
WARARKA

Garab istaagga Masar ee Soomaaliya oo walwal ku abuuray Itoobiya

Dowladda Masar ayaa gaartay go’aan ay uga qeyb qaadaneyso dhismaha iyo hubaynta ciidamada xoogga Soomaaliya, waana go’aan walwal ku abuuray Itoobiya. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in arrimaha Masar iyo Soomaaliya ay Itoobiya ku abuureen cabsi joogto ah oo ku timid kadib heshiiskii difaaca ee August. Masar ayaa wixii ka dambeeyey markii ay heshiiskaas la gashay Soomaaliya waxay toos u bilowday qorshayaal ay ka hortageyso saamaynta Itoobiya ee Geeska Afrika, iyadoo adeegsanaysa joogitaan ciidan oo khatar ku ah amniga Itoobiya. Xiisadaan ayaa qaraxday markii Itoobiya ay heshiis qar iska tuurnino ah la gashay Somaliland, bishii January 2024, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa abaabuleysa xiisad diblomaasiyadeed iyo mid ciidan oo ka dhan ah Itoobiya. Dhanka Itoobiya walaac badan ayaa ...
Xasan Farmaajo Ma,Aha ( Warbixin)
WARARKA

Xasan Farmaajo Ma,Aha ( Warbixin)

👉 By/ Elmi Osman Farah Boodhari Dhurwaa la tag bartay ka dhig waa ku ceeba Raysilwasaaraha Itoobiya waxa ku margaday oo ka dagi la,a in uu garoowsado Xasan Farmaajo Ma,aha Soomaalida maantana tii shalay Ma,aha Safark gaaban oo Saacado yar qaatay oo uu Mqdisho ku yimid 16 June 2018_kii Abiy Axmed ayaa hogaankii Somalia ee waqtigaas Maxamed calaahi farmaajo Ogoleeysiiyay In uu ku dhawaaqo bixinta 4 dakadood oo Itoobiya la siiyay, isaga oo taas kaga badashay in Itoobiya ay albaabada ka soo xirato hogaamiyaasha Maamulgoboleedyada oo caadadoodu ahayd in ay barbar yaacaan dowladda dhexe Hadii uu soo laaban lahaa hogaankii u nuglaa Itoobiyanka ee damaca galiyay Abiy oo uu waayahaas ula baxay naaneeysta" ah "Big Brother" waxaan shaki ku jirin inay dhici laheyd mid ka xanuun badan tan Muus...
Arday deeq waxbarasho ka heshay Turkiga oo soo dhaweyn loo sameeyay
WARARKA

Arday deeq waxbarasho ka heshay Turkiga oo soo dhaweyn loo sameeyay

Ururka ardayda Soomaaliyeed ee Erzurum ee dalka Turkiga ayaa kulan soo dhaweyn ah u sameeyay 4 arday oo ka mid noqday in ka badan 60 arday oo sanadkaan deeq Waxbarasho ka helay dalka Turkiga. Guddoomiyaha Ururka ardayda Soomaaliyeed ee Erzurum mudane Cabdiraxman Maxamud Sheekh Cali oo warbixin kooban siiyay ardayda la soo dhaweeyay ayaa si qoto dheer ugu waramay sida ay kan arday ahaan isaga warqaban Dhankooda ardayda lagu soo dhaweeyay magaalada Erzurum ayaa ka mahadnaqay sida milgahal leh ee loo soo dhaweeyay. Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta magalada Erzurum oo isugu jiro gabdho iyo wiilal ayaa barta culuumta kala duwan iyagoo wada heerka 1aad ee Bachelor degree, master degree iyo PhD.
Kaaraan oo Ku Guuleysatay Koobka Tartanka Kubadda Cagta Gobolka Banaadir
WARARKA

Kaaraan oo Ku Guuleysatay Koobka Tartanka Kubadda Cagta Gobolka Banaadir

Xulka kubadda cagta ee degmada Kaaraan ayaa galabta ku guuleystay koobka tartanka kubadda cagta ee degmooyinka Gobolka Banaadir iyo degmada Balcad, kadib markii ay ciyaarta kama dambaysta 2-0 kaga adkaadeen xulka degmada Gubadleey. Ciyaartan adag oo ka dhacday garoonka Eng Yariisow Stadium, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa taageerayaal fara badan iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir. Xulka Gubadleey oo difaac adag ku caan baxay sanadkan, ayaa u adkeysan waayay weerarka xooggan ee Kaaraan, oo sanadka si gaar ah u muujiyay awooddooda ciyaareed. Kulankan ayaa soo gebogeboobay iyadoo xulka Kaaraan uu si rasmi ah ugu dabaaldegayo hanashada koobka. https://twitter.com/BoodhariFarah/status/1847355534909067635?t=EyMALYlDH3Lvib5BdPpNTA&s=19
Ergeyga QM oo soo jeediyey in la kala qeybiyo Saxaraha Galbeed
WARARKA

Ergeyga QM oo soo jeediyey in la kala qeybiyo Saxaraha Galbeed

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Saxaraha Galbeed ayaa soo jeediyay in dhulkaas loo kala qeybiyo Morocco iyo jabhada Polisario ee madax-banaanida dooneysa si loo xaliyo colaadda soo jiitameysay tobanaan sano, wakaaladda wararka ee AFP ayaa sidaas ogaatay Khamiistii. "Waxaan si taxaddar leh dib ugu eegay oo aan u ballaariyay dhammaan dadka ay khusayso fikradda kala qeybinta dhulka," Staffan de Mistura ayaa sidaas yiri intii lagu jiray kalfadhi xiran oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu yeeshay Arbacadii. Saxaraha Galbeed waxaa inta badan gacanta ku haysa Morocco, balse Jabhadda Polisario ee ay Algeria taageerto ayaa u ololaynasay madax-bannaanida dhulkaas tan iyo ka hor intii aanu gumaystaha Spain ka bixin sannadkii 1975-kii. Qaramada Midoobay waxay u aragtaa "dhul aan m...